Talaado, July 01, 2014 (HOL) — Munaasabad xarigga looga jarayay idaacad ku hadlaysa afka ciidamada xoogga dalka ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho; taasoo ay goob-joog ka ahaayeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wasiirka warfaafinta, kan difaaca ahna sii-hayaha xilka wasiirka amniga, taliyaha ciidamada xoogga dalka, abaanduulaha iyo xubno ka socday ururka haweenka Qaranka.
Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh ayaa xarigga ka jaray idaacadda oo ku hadlaysa afka ciidamada qalabka sida, iyadoo uu goobta ka hadlay C/llaahi Iimaan oo ah agaasimaha idaacadda, isagoo mas’uuliyiinta dowladda faahfaahin ka siiyay qaabka ay u shaqeyneyso Idaacaddan.
Cabdirixiin Ciise Caddow oo isna hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in maamulka idaacadan ay ku cawaaninayaan shaqaalo iyo macluumaadka ku keydsan idaacadda Radio Muqdisho oo ku hadasha afka dowladda Soomaaliya.
Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka, Jen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa tilmaamay in idaacaddu ay baahin doonto barnaamijyo ka turjumaya wax qabadka ciidamada xoogga dalka, ayna ka shaqeyn doonto isku soo dhaweynta shacabka iyo ciidamada qalabka sida.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indho-qarshe) oo hadal ka jeediyay munaasabadda lagu furayay idaacaddan ayaa mas’uuliyiinta wasaarada warfaafinta ku amaanay sida ay gacan ugu siiyeen howlgelinta Idaacadan, waxaana uu intaa ku daray in idaacaddan la furo uusan macnuhu ahayn in Raadiyo Muqdisho ay gabtay howlihii ay bulshada u hayeen, balse ay tani ay qayb ka tahay xoojinta Idaacadda Qaranka.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo munaasabadda isna hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo howlgelinta idaacadda ku hadlaysa afka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
“Sidaad ogtihiin Radio Muqdisho iyo SNTV waxay mar kasta baahiyaa guulaha ay gaaraan ciidamada, annagoo ka diyaarina barnaamijyo dhaxal-gal ah, waxaan kaloo hadda idaacaddan cusub ku taageeri doonnaa wax walba oo ay nooga baahdaan,” ayuu yiri Dhuxulow.
Wasiirka gaashaandhigga ahna ku simaha wasiirka Amniga Qaranka, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta kaga mahad-celiyay sida ay mar walbo u baahiyaan guulaha ay gaaraan ciidamada qalabka sida,
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh oo xarigga ka jaray Radio Muqdisho codka ciidamada qalabka sida ayaa tilmaamay in la howlgeliyo idaacaddan ay qayb ka tahay sidii looga shaqeyn lahaa isku soo dhaweynta shacabka iyo ciidamadooda qalabka sida, isagoo bulshada ugu baaqay in xilligan lagu baahan yahay inay shaqeeyaan midnimadooda.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya