Talaado, July 01, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu xusayay 54-guuradii kasoo wareegatay markii gobollada Koofureed ay ka xoroobeen Talyaaniga iyo midowgii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo munaasabaddan ay ka qayb-galeen xildhibaanno, mas'uuliyiin, dhalinyaro iyo sidoo kale qaybaha bulshada.
Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay hay’adda CCD ayaa waxaa ugu horreyn heesta calanka ku furay hobollada Iftin oo soo bandhigay suugaan ka turjumeysay halgankii loosoo maray gobonimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Xildhibaanad Caasho Maxamuud Cumar (Caasho Koos) oo munaasabadda hadal ka jeedisay ayaa hambalyo ku aaddan 01-da Luuliyo u dirtay ummadda Soomaaliyeed, iyadoo ugu baaqday Soomaalida inay ka shaqeeyaan nabadeynta dalkooda.
"Waxaa hambalyo u dirayaa ummadda Soomaaliyeed, waxaa ugu hambalyeynayaa munaasabada 01-da Luuliyo xornimadii gobollada Koofureed iyo is raacii gobollada Waqooyi iyo Koonfur. Xornimada aan maanta heysanno waxaa dhaliyay dhallinyaro Soomaaliyeed oo u guntaday inay ka dhiidhiyaan gumeystihii,"ayay xildhibaanad Caasho Koos tiri.
Sidoo kale, xildhibaannada ayaa ka hadashay farqiga u dhaxeeya dhallinyaradii halganka xornimo doonka u dirirtay iyo dhallinyarada maanta, waxayna ka xustay in farqi weyn u dhaxeeyo dhallinyaradii hore iyo dhallinyarada maanta.
"Dhallinyaradii halganka gobonimo doonka soo hoyay ee 1960-kii iyo kuwo maanta farqi ayaa u dhaxeeya, dhallinyarada maanta waa ka badan tihiin, waa ka aqoon badan tihiin, waana ka tiknoolijiyad casrisan tihiin, laakiin waa idinka wadaniyad badan yihiin, qabiil uma dagaalameyn, urur uma dagaalameyn, qadiyad uma diririn, waxaa la idinka rabaa inaad waddadoodii raacdaan," ayay tiri xildhibaanaddu mar kale tiri.
Guddoomiyaha hay'adda CCD, Ciise Axmed Cumar oo munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin farxadeed oo ay ugu dabaal-dagayaan 54-guuradii kasoo wareegatay markii gobollada Koofureed xornimadooda qaateen iyo Midowgii gobollada Koonfur iyo Waqooyi, waxaana uu tilmaamay inay muhiim tahay in la weyneeyo maalintan oo kale.
"Maanta waa 01-da Luuliyo, waa maalintii qof walba Soomaali ah uu helay xornimo, waa labo munaasabadood mid waa xornimadii gobolada Koonfureed iyo is-raacii gobollada labada gobol, xornimada aan maanta heysanno waxaa u soo halgamay dhallinyato Soomaaliyeed oo gumeystihii naga saaray,"ayuu yiri Ciise Axmed.
Sidoo kale, waxaa munaasabada ka hadlay guddoomiyaha ururka dhallinyarada gobolka Banaadir, C/kaafi Maxamuud Makaraan oo ugu baaqay dhallinyarada inay ku daydaan kuwii hore, si dalka ugu horseedaan nabad iyo kala dambeyn.
Waxaa munaasabada hadalo ka jeediyay qaar ka mid ah guddoomiyaha ururrada dhallinyarada degmooyinka, sida Xamar Jajab, Shingaani iyo Heliwaa, kuwaasoo sheegay in haddii dhalinyarada iskaashadaan laga hortagi karo qaraxyada iyo falalka amni daro, waxayna ugu baaqeen dhallinyarada la qalday inay dib u soo laabtaan oo ummaddoodana kusoo biiraan.
Munaasabadda lagu xusayay 01-da Luuliyo ayaa ka mid ah munaasabadaha lagu weyneynayo maalinta xoriyada Soomaaliyeed, oo lagu qabanayo dalka gudihiisa iyo dibadiisa.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya