Wasiir ku-xigeenka arimaha dibada Talyaaniga oo booqasho ku yimi Muqdisho

Cabirka Farta


Talaado, July 01, 2014 (HOL) — Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga, Lapo Pistelli ayaa booqasho maalin ah ku yimid magaalada Muqdisho Isniintii shalay ahayd, isagoo kulammo kala duwan la qaatay madaxda dowladda Soomaaliya.

Kulanka ka hor wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaaley Bayle ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha wafdiga ka socda Taliyaaniga, isagoo kulan gaar ah kula qaatay qaybta VIP-da Mr. Lapo Pistelli , waxaana kulanka goob-joog ka ahaa safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga, Muuse Xasan Cabdulle iyo safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya. Fabrizio Marcelli.

Kulankani ayaa waxaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka ah, kobcinta iskaashiga labada dal, taageeridda hay’adaha dowladda, dowlad-wanaagga, fulinta mashaariic horumarineed, la-dagaalanka argagaxisada iyo qodobbo kale.

Intaas kaddib madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud, guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda, C/weli Sh. Axmed ayaa si kala gaar-gaar ah xafiisyadooda ugula kulmay wafdiga  ka socday dalka Talyaaniga oo uu horkacayay Mr. Lapo Pistelli.

Madaxda Soomaaliya waxay muujiyeen in Soomaaliya ay ka filanayso Talyaaniga kaalin ballaaran oo wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed, maadaama uu dalkan ahaa mid horay u gumeysan jiray Soomaaliya.

C/raxmaan Bayle iyo Lapo Pistelli ayaa kulanka kaddib qabtay shir jaraa’id oo ay ku faahfaahiyeen waxyaabihii laga wada hadlay iyo go’aannadii kulammada kasoo kala baxay, iyagoo ku baaqay in xiriirka labadan la xoojinayo.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Talyaaniga ayaa sheegay in Somalia ay tahay  dal muhiim u ah caalamka, nabaddiisa iyo horumarkiisana ay farxad gelineyso gabi ahaan caalamka, isagoo sheegay in dowladda Talyaaniga marnaba aanay gacmaha ka laaban doonin taageeridda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya