Wafdi ka socda Dowladda oo Gaana u jooga Tababar la xiriira Doorashooyinka

Cabirka Farta

Talaado, July 01, 2014 (HOL) — Tababar socon doona 11 cisho  ayaa magaalada Accra ee caasimadda Gaana uga bilowday wafdi ka socda dowaldda Somaliya ,kuwaasi oo qaadan doono koorsooyin muhiim ah oo ku aadan maaraynta arimaha doorashooyinka.

Waxaa xubnahan oo ay ku jiraan labo dumar ah  hogaaminaya wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaliya Cabdulaahi Colaaad Rooble,waxaana tababarkan soo qaban-qaabiyay ururka Midowga Afrika oo taageero ka helaya Qaramada Midoobay

“Sababtu waxa ay tahay in machad-ka KAIPTC uu ka qayb qaato kor-u qaadidda iyo tayaynta laamaha dowladda Soomaliya,“ ayuu yiri Ssebirumbi Kisinziggo oo ku hadlayay magaca AMISOM ,kana mid ah xubnaha tababarka ka qayb-galaya

Waxaa tababarkan  ay ku qaadanayaan xarunta Kofi Annan International Peacekeeping Training Centre oo loo soo gaabiyo (KAIPTC),iyada oo masuuliyiinta  kale ee tababarkan ka qayb-galaya  ay kala yihiin C/fataax  Maxamud , Zahara Hassan iyo Nafisa Santur

Tababarkan ayaa lagu wadaa in lagu bixiyo koorsoyin la xiriira doorashooyinka oo ay ku jiraan hagidda doorashooyinka, xalinta khilaafaadka, qiimaynta iyo daba-galka doorashada  iyo arimo kale oo muhim ah sida la sii shaciyay.

Ugu danbayntii Kisinziggo ayaa tilmaamay in wafdigan a ay wax badan ka fahmi doonaan habka looga qayb qaato  doorashooyinka ,iyada oo la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho xor ah sanadka 2016-ka .

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]