Shil Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Cabirka Farta

Talaado, July 01, 2014 (HOL) — Laba qof ayaa ku geeriyootay laba kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray kaddib markii gaari nooca iska-rogaha loo yaqaan oo fariinka goostay uu jiiray dadkan.

Gaarigan oo ku socday xawaare sare ayaa xilligii uu shilka galayay waxa uu marayay deegaanka Dalxiiska ee xaafadda Farjanno, waxaana dadka ku waxyeeloobay ay ahaayeen carruur yar yar oo ku jiray xero ay deganaayeen dad barakacayaal ah oo halkaasi ku taal.

“Gaariga waxa uu ku socday xawaare sare, waxaana uu ka baxay wadada, laba cunug oo yar yar ayaa ku dhimatay laba kalena way ku dhaawacmeen,” sidaa waxaa yiri goobjooge ku sugnaa halka uu shilku ka dhacay.

Dadkii ku waxyeeloobay shilka ayaa loola cararay isbitalka guud ee magaalada Kismaayo halkaasoo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Magaalada Kismaayo waxaa mudooyinkii u danbeeyay kusoo badanayay shilalka gaari, waxaana arintaasi loo aaneeynayaa gaadiidka oo kusoo badanaya magaalada iyo wadooyinka oo ciriiri ah, iyadoo sidoo kale shilalku ay sababaan wadeyaasha gaadiidka oo aan aqoon fiican u lahayn xirfadda darawalnimo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya