Talaado, July 01, 2014 (HOL) — Xulalka Nigeria iyo Al-jeeriya oo ahaa labadii kooxood ee Afrikaanka ahaa ee u soo gudbay wareegga labaad ee is-aragga koobka kubadda cagta Adduunka ee ka socda dalka Brazil ayaa xalay ka haray ciyaaraha, kaddib markii ciyaaro adag la yeesneen xulalka Faransiiska iyo Jarmalka.
Kooxda Nigeria ayaa waxaa 2-0 uga adkaaday xulka Faransiiska, halka Al-Jeeriya ay 2-1 ay afka ciidda ugu dartay xulka Jarmalka, waxaana isku beegmaya wareegga sideedda kooxood xulalka Faransiiska iyo Jarmalka oo reebay Afrika.
Ciyaartii koowaad oo dhexmartay xulalka Faransiiska iyo Nigeria ayaa ahayd ciyaar aad u adag, iyadoo labada xul uu mid walba doonayay inuu kan kale afka ciidda u daro, waxaana labada dhinac ay muujiyeen ciyaar wanaag.
Wareeggii labaad ee ciyaarta ayaa xulka Faransiiska waxaa u suurogashay inuu goolkii koowaad ka dhaliyo Nigeria, halka goolkii labaadna uu ahaa mid ay iska dhaliyeen ciyaartoyda dalka Nigeria, iyadoo ciyaartu a kusoo dhammaatay 2-0 uu ku adkaaday Faransiiska.
Sidoo kale, waxaa iyagana isla xalay ay ciyaar adag dhexmartay xulalka Jarmalka iyo Al-jeeriya, iyadoo labada dhinac ay sameynayeen weerar iyo weerar celis, iyadoo sagaashankii daqiiqo ee ciyaarta loogu talo-galay ay kusoo dhammaatay 0-0.
Waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta ayaa waxa Jarmalku dhaliyeen laba goo loo isku xigta oo midkood uu dhaliyay Ozil, halka xulka Al-jeeriya uu goolka ay heleen u dhaliyay ciyaaryahankooda Djabou, iyadoo ciyaartu ay ku dhammaatay 2-1 ay ku adkaadeen xulka Jarmalka.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya




