Jaamacadda Muqdisho oo arday cusub Qaadanaysa Sanadahan 2014/2015

Cabirka Farta


Talaado, July 01, 2014 (HOL) — Jaamacadda Muqdisho oo ka mid ah jaamacadaha ka jira Soomaaliya, waxbarashadeeduna ku qaabeysan tahay halbeegga casriga ah ee tacliinta sare ee adduunka, lehna aqoonsi caalami ah, kana mid ah 50-ka Jaamacadood ee ugu horreya Qaaradda Afrika, ayna ka qalin jabiyeen dufcaddii 14-aad sannadka 2013/2014, iyadoo qaar ka mid ah ay ka diyaariyeen darajada Master-ka iyo PhD-ga Jaamacado caalami ah iyo waliba barnaamijka waxbarashada sare (Post graduate programme) oo ay la waddo jaamacado caalami ah.

Haddaba, Jaamacadda Muqdisho waxay ku wargalinaysaa dhammaan waalidiinta iyo ardayda soo dhameystay waxbarashada dugsiga sare in Jaamcaddu qaadaneyso arday cusub sannad waxbarashadeedka 2014/2015.

Jaamacaddu waxay kuu haysaa sagaal kulliyadood oo kala ah:

1. Kulliyadda Caafimaadka (Medicine)  Medicine and Surgery

2. Kulliyadda  Injineerinka oo ka kooban: (A) Civil Engineering iyo (B) Architecture

3. Kulliyadda dhaqaalaha iyo maamulka oo ka kooban: (A) Statistics & Management. (B) Global Studies & international relations. (C) Economics.(D) Business Administration. (E) Accounting. (F)  Public Administration. Iyo (G)  Finance & Banking.

4. Kulliyadda kalkaaliyayaasha iyo culuunta caafimaadka, oo ka kooban: (A) General Nursing. (B) Medical Laboratory sciences.( C) Public Healthy. (D) Nutrition & Dietetics.

5. Kulliyadda Sharciga iyo Qaanuunka oo ka kooban: (A) Sharia & Law, (B) law.

6. Kulliyadda waxbarashada oo ka kooban. (A) Social Sciences. (B) Arabic Language. (C) Islamic Studies. (D)  Math & Physics. (E) Biology & Chemistry.

7. Kulliyadda Aadaabta iyo Culuunta Insaaniga oo ka kooban: (A) History & Civilization. (B) English Language & Literature. (C) Arabic language & literature. (D) Geography.  

8. Kulliyadda culuumta kombuyuutarka iyo Tiknoolojiyadda, oo ka kooban: (A) Computer Science. (B) Information Technology (IT).

9. Kulliyadda siyaasada iyo warbaahinta, oo ka kooban: (A) Political Science. (B) Journalism & Information.

Shuruudaha Ardayga laga Rabo:

1. Shahaado dugsiga sare Asal iyo Copy.
2. 12 sawir oo kalar ah (Nooca Teesaraha
3. Warqad dhalashada.
4. Warqad Asluub Wanaagga.
5. Gal ama Feyl.

Jaamacadda sannadkan waxaa ku cusub laba takhasus oo kala ah Nutrition, Dietetics iyo Law oo ku baxaya afka Ingiriiska. Diinwaan-galintu waxay ka billaabanaysaa xarunta dhexe ee Jaamacadda ee KM-4 dhanka waqooyi ee safaarada Turkiga Maalinta – Sabtida Taariikhduna tahay 05/07/2014,

Maalmaha shaqada waa Sabti illaa Khamiis. Saacadaha shaqaduna waa 8:00 subaxnimo illaa 3:00 galabnimo.

Wixii faahfaahin dheeri ah fadlan kala  xiriir: Tel: +2521- 858479/ +2525-932454/ +2521-223433 ama Fax: 002521-216820 iyo E-mail: [email protected]. Website-ka Jaamacadda:   www.mogadishuuniversity.com  

MAHADSANIDIIN