Madaxweynaha Maamulka Puntland oo ka Qayb-galay Xuska 01-da Luuliyo

Cabirka Farta


Talaado, July 01, 2014 (HOL) — Madaxwaynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay magaalada Garoowe kaga qayb-galay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay maalintii ay Soomaaliya ka xorowday gumaystihii Talyaaniga ayna si rasmi ah u midoobeen goballada Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb-galay madaxwayne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiin Camay, isimo, culummo, guddoonka baarlamanka Puntland, mas'uuliyiin maamulka, fan-naaniinta kooxda Waaberi Puntland iyo dadweyne aad fara badan, kuwaasoo ku labisnaa calanka Soomaliya iyo kan Puntland.

C/weli Gaas oo gaba-gabadii xafladda khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyaya ayaa u hambalyeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan; isagoona ugu hambalyeeyay maalintan weyn.

“Waa maalin taarikhi ah, waana maalin markii aan xusuusannaba niyaddeenna iyo maskaxdeenna xoq-xoqaysa, oranaysana 54-sano ka hor baan xornimo qaadannay maanta halkee joognaa; su’aashaasna mar walba waa ina hor-joogtaa, sidaan uga jawaabno bayna ku xirnaanaysaa,” ayuu yiri Gaas.

Wuxuu intaas ku daray: “Maanta waxaan u dabaal-dagaynaa maalin Soomaalida oo idil ka dhexeysa, maalin Soomaali oo idil u dabaal-dagayaan xusuusanayaanna 01-da Luuliyo 1960-kii, laakin meesha aynu uga dabaal-dagayno waa Puntland oo aynu joogno.”

“Puntland, Soomaaliya ayay ka mid tahay, midnimada iyo jiritaanka Soomaaliyeed ayay u taagan tahay, Qarannimada Soomaaliya ayay u taagan tahay, waana taas tan meel kasta oo aan joogno naga go’an,” ayuu yiri C/weli Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in dadka Puntland calanka Soomaaliya iyo Taarikhdii Soomaaliyeed ee ahayd u dagaalankii xorriyadda Somalia ay kaga jireen safka hore, waxayna ahaayeen buu yiri hoggaamiyayaashii dagaalkii Somalia lagu xorreeyay.

“Sayid Maxamed Cabdulle Xasan Puntland ayuu ku dhashay iyo intii ka dambeysay ee SYL ahayd; intuba waxay ahaayen reer Puntland, waxayna u dagaalamayeen calan Soomaaliyeed iyo xorriyad Soomaaliyeed, markii dowladii dhexe ee duntay 1991-kii Puntland toddoba- sano ayay sugaysay in Soomaliya isku timaaddo amase ay dib u soo noolaato.,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, madaxwaynaha Puntland ayaa sheegay in xukuumadda Puntland oo jirta muddo shan bilood ah ay gaartay horumar la taaban karo, isagoo shacabka Puntland ugu baaqay inay ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirkda, si guul looga gaaro cadowga.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya