XASAN SHIIKH: Geed dheer iyo mid gaaban ayaan u fuleynaa adkeynta Minimada

Cabirka Farta


Talaado, July 01, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia ayaa xalay khudbad ka jeediyey xaflad lagu maamuusayey 54-guuradii kasoo wareegtay markii gobollada Koonfureed ay ka qaateen xorriyadooda gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii Koonfureed iyo Waqooyi dalka, taasoo ku beegnayd 01-dii Luuliyo, 1960-kii.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa khudbaddiisa wuxuu hambalyo ugu diray dhammaan bulsho-weynta Soomaaliyeed; waxaa sharaf weyn iinoo ah inaan halkan dabaal-deg ku sameyno caawa, taasoo aan ugu dabaal-dagayno maalinta qiimiga gaarka u leh dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walba ay joogaan.

“Runtii 01-da Luuliyo waa maalin gebi ahaan is-beddel weyn ku samesay taarikhda ummadda Soomaaliyeed. In aan idinla xuso maalintaan qiimaha badan sharaf ayay ii tahay, waxayna igu abuureysaa farxad aan la koobi karin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in sannado badan oo halgan ah kaddib la halay xornimo. “Halkaan ma soo gaari lahayn maanta haddii wiilashii iyo gabdhihii geesiyaasha ahaa aanay dhiiga, maalka iyo naftoodaba noo huri laheyn si aan xornimo u helno.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay geed dheer iyo geed gaabanba ay u fuulayaan sidii loo adkeyn midnimadeena iyo wadajirka Soomaaliya, cadowgii aan laga xoreeyay dalkan 54-sano ka hor wuxuu ahaa buu yiri gumeyste ajnabi ah, maantana cadow kale naga hortaagan inaan xorriyaddeena ku naaloonno waa argagaxiso caalami ah oo isticmaalaya wajiyo iyo wiilal Soomaaliyeed, haddaba waa inaan si wadajir ah ula dagaalannaa cadowga argagaxisada ah si aan dhulka iyo shacabkeennaba uga xoreynaa meel walba ay ka joogaan dalka.

“Waxaan wada hubnaa in halganka xorriyadda uusan si sahlan ku imaan; sidaas daraadeed waxaa inala gudboon inaan ka shaqeyno xasilinta dalka iyo nabad ku soo celintiisa. Sida aabayaasheenii iyo hooyooyinkeenii ay si adag ula dagaalameen cadowga waa inaan inaguna ula dagaalannaa cadowga maanta si aan u gaarsiino nabad iyo xasillooni Soomaaliya oo dhan,” ayuu madaxweynuhu ku yiri khudbaddii uu xalay jeediyay.

Isagoo sii hadalyay ayuu yiri mar kale: “Taarikh ahaan ummaddeenna waxaa lagu yaqaanaa geesinimo, kuwa u dagaallamayo nabada waa geesiyaal, kuwa inay carruurtooda helaan nolol wanaagsan si ay wax u bartaan waa geesiyaal, dhaqaatiirteenna iyo kalkaliyayaasha maalin iyo habeen u taagan badbaadinta dadkeena waa geesiyaal, macallimiinteenna u taagan inay wax baraan ubadkeenna si ay u helaan mustaqbal wanaagsan oo ay inagu bedeli karaan waa geesiyayaal;  Shaqaalaha rayidka ah, dowlada hoose, bulsho-weynta iyo qof walba oo Soomaali ah oo u kallaha shaqo nadiif ah, haddii uu joogo Hargeyso, Kismaayo, Baydhabo ama Muqdisho waa geesi, wuxuuna geesi u yahay taariikda, dadka Soomaaliyeedna way ku tashanayaan geesinimadaada.”

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay inuu ammaan gaar ah uu u dirayo ciidamada Soomaaliyeed oo taarikhda baal dahab ah ka galay kuwaasoo uu sheegay inay Al-shabaab ka xoreeyeen magaalooyin badan. Run ahaantii waxay u suuro-geliyeen dadkeenna inay nabad iyo nolol xuriyad leh dib ugu soo noqoto.

Madaxweynaha ayaa sheegay in isagoo ka faa’iideysanaya munaasabaddan uu ugu baaqayo shacabka Soomaaliyeed inay is-cafiyaan, qilaafaadka dhexdoodana ahna ay ku xalliyaan wadahadal iyo is-faham.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan uu ugu baaqayo nabad, waxaana nabad lagu waaraa marka aan wadajir nahay aan si wadajir ah u wada ilaalinno xorriyaddii ay inooga tageen aabayaasheena si ay carruurteenna nooga dhaxlaan nolol amni ah meel walba oo Soomaaliya ka mid ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya