Talaado, July 01, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay iyo AMISOM ayaa si kala gooni-gooni ah uga hadlay maalinta xorriyadda Soomaaliya oo ku beegan maanta oo ah 01-da Luuliyo, iyagoo hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Danjiraha UN-ka ee Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaliyeed dabaal-degga 54-guuradii ee kasoo wareegtay maalinta xorriyadda iyo midowga gobollada Soomaaliya, isgaoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan sidii ay dalkooda u gaarsiin lahaayeen xasillooni iyo mustaqbal fiican.
“Maanta oo kale; 54-sano ka hor dadka Soomaaliyeed waxay la wareegeen talada aayahooda, waxayna gaareen hammigoodii ahaa helidda dal madax-bannaan oo ku dhisan mabaadi’da midnimada, sinnaanta iyo cadaaladda. Maantana waxaa socda howl adag oo lagu dhisayo nabad iyo qaran barwaaqo ah,” ayuu yiri danjire Kay.
Nicholas Kay ayaa sheegay in dabaal-degga maanta loo dabaal-degayo madax-bannaanida nama xasuusineyso oo kaliya guulihii la gaaray 1960-kii, balse waxaanu ka fekereynaa mustaqbalka annagoo ballan-qaadayna inaan taageerno sidi ay dadka Soomaaliyeed ku heli lahaayeen nabad iyo mustaqbal ay ku dheehan tahay xasillooni.
Dhanka kale, waxaa isagana hambalyo tan la mid ah u diray dadka Soomaaliyeed ergayga shaqada ka dagaya ee Midowga Afrika, danjire Maxamed Saalax Annadif oo sheegay inuu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayo maalinta qiimaha badan u leh ee xorriyadda dalkooda kasoo wareegtay.
“Anigoo ku hadlaya magaca Midowga Afrika, waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa 54-sano guuradii kasoo wareegtay markii ay xorriyadooda heleen, haddana waxaan arkaynaa inay dib u dhalanayso Soomaaliya, taasoo qayb ka noqon doonta baalasha taariikhda Soomaaliya,” ayuu yiri danjire Anaadiif.
Ergaygu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay aasasaayaashii Midowga Afrika, waxaana lagu xusuustaa Soomaaliya inay qayb ka qaadatay xorriyaddii ay heleen dalal badan oo Afirkaan ah; caalamkana ay kaalin mug leh ku yeelatay.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan sidii dalkooda uga saari lahaayeen xaaladda uu hadda ku jiro ayna u bedeli lahaayeen muuqaalka uu leeyahay. Sidoo kalena ay xoojiyaan horumarrada la gaaray,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay danjire Anaadiif oo berri shaqada ka tagaya.
01-dii Luuliyo 1960-kii ayay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ka xoroobeeb gumeytihii Talyaaniga, iyadoo 26-kii June 1960-kii ay iyaguna Ingiriiska xorriyad ka qaateen gumeystihii Ingiiriska, iyadoo labada gobol oo noqday Soomaaliya ay isku biireen 01-dii Luuliyo oo maanta ku beegan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya