Isniin, 23, Apr. 2007 (HOL) Gudiga qiimeyta qasaaraha ka dhasha dagaalada ee Beesha Hawiye ayaa maanta waxaa ay soo saareen qiimeyn sida ay sheegeen ay ku sameeyeen Qasaarihii dhimasho, Dhaawac, Barakac, iyo Bur bur hanti oo uu geystay dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Caasimada Muqdisho.
Xuseen Siyaad Qoor-gaab oo Madax u ah Gudiga ayaa mar uu ka hadlayay Qaasaaraha dhimashada waxa uu ku sheegay in uu gaarayo maalmihii ugu danbeeya dhinaca dhimashada 115, dhaawaca 312, Barakaca 70,000, halka Bur burka hantidana uu ku sheegay in uu gaarayo, ilaa (500, oo Milyan oo dolarka Mareykanka ah) isaga oo intaa sii Raaciyay in wali dagaaladu socdaan Qasaaruhuna intaa ka sii badan karo.
dhawaan ayeey aheyd markii qiimeyn ay sameeyeen gudigan ay ku sheegeen in dagaaladii kuwan ka horeyay ay ku nafwaayeen dadka gaaraya ilaa 1006, Ruux halka dhawaacuna ahaa mid intaa ka badan , lakiin marka la eego qiimeytan danbe ee hada soo baxday gaar ahaan dhinaca dhimashada ayaa la leeyahay waxaa suurta gal in intaa ay ka badan tahay.
dhanka kale Xuseen Siyaad Qoor-gaab waxaa uu edeyn u soo jeediyay R/Iisul wasaare Geedi oo ku sheegay in uu yahay kan sababaya Barakaca ugu badan islamarkaana wax lala yaabo ay tahay sida uu hadalka u dhigayo in Qof Mas'uul sheeganaya uu ku baaqo arintaa oo kale.
sidoo kale waxaa uu amaan u jeediyay Dowlada Eritrea isaga oo ku amaanay mowqifkii dhawaan ay qaatay ee ku aadanaa in ay isaga baxday Urur gobaleed IGAD waxaana uu intaa Raaciyay in dhamaan Wadamada ku jira uu ugu baaqayo in ay qaataan Talaabada Eritrea oo kale oo ay kawada baxaan IGAD.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online