Isniin, April 23 (HOL) - Wararka ka immaanaya magaalada Kismayo ayaa sheegaya in dagaal halkaas ku dhexmarayo laba beelood oo ka wada tirsan ciidanka dowladda. Dagaalkaas oo bilowday saakay saacadu markay ahayd 9:00 aroornimo ayaa ilaa iyo hadda socda.
Ilaa iyo hadda lama garanayo qasaaraha uu geystay dagaalkaas ka qarxay magaalada Kismayo, laakin waxaa la hubaa in ay Seddex qofood halkaas ku geeriyoodeen. Dagaalkan ayaa wuxuu daba joogaa dagaal shalay lagu ka dhacay gaadiid gudaha magaalada Kismaayo.
Waxaad moodaa in Ciidankii dowladda ee ku sugnaa magaalada Kismaayo ay haatan u kala baxeen maleeshiyo beeleed.
Hiiraan Online