Isniin, 23, Apri. 2007 (HOL) R/Iisul Wasaare Cali Max'ed Geedi oo Maanta Shir'aaid ku Qabtay Caasimada Muqdisho ayaa sheegay in Maanta Magaalada Muqdisho uu ka dhacay dagaalkii ugu Qaraaraa oo sida uu sheegay R/iisul wasaaraha u dhaxeeya Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa ay saaxiibka yihiin ee Itoobiya iyo waliba kooxo is aruursaday oo sida uu hadalka u dhigay ka shidaal qaata ururka Al-qaacida.
R/iisul wasaare Geede waxaa uu intaa ku daray in Dagaalkii ugu kululaa labada dhinac in uu ku dhax maray Deegaanka Huriwaa oo sida uu hadalka u dhigay ay ku sugnaayeen hogaamiyahaasha kooxda ku kacsan dowlada Federaalka isaga oo intaa ku daray in Ciidamada dowladu qasaare xoog leh u geteen dhinaca ka soo horjeeda islamarkaana ay kala wareegeen fariisimo markii hore ay gacanta ku hayeen.
Lakiin R/iisul wasaaruhu ma uusan cadeyn goobo Rasmi ah oo ay hada gacanta ku hayaan ciidamada dowlada, waxaana uu intaa ku daray in sidoo kale ciidamada dowlada Federaalku gacanta ku dhigeen Hubka nooca loo yaqaan Sam-7 oo ah kuwa Lidka diyaaradaha oo laga soo helay xaafado ku dhaw garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana uu sheegay in hubkaasi ahaa mid ay isticmaalayeen kooxaha ka soo horjeeda.
R/iisul wasaare Geedi waxaa uu dhanka kale soo hadal qaaday Dowalada Eritrea oo uu ku tilmaamay in gacan weyn ka geysanayso dagaalka lagula jiro dowlada, waxana uu intaa ku daray hada beesha caalamku ogaatay mowqifka Dowlada Asmara oo qeyb ka qaadaneysa sida uu hadalka u yiri dabka ka huraya caasimada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa uu soo qaaday arita R/iisul wasaare ku-xigeenka Xuseen Max'ed Caydiid oo uu ku tilmaamay in uu yahay nin gadaal ka goynaya geed uu dusha ka saaray yahay, isaga oo intaa sii raaciyay in hadii uusan ka laaban sida uu hadalka u dhigay siyaasadaha guracan uu mari doono halkii ay mareen saaxiibadii.
Waxaana uu ugu danbeytii ku cel celiyay in meesha laga saaro erayada ah Beesha Hawiye iyo waxaa dagaalamaya Itoobiya, waxaa uu yiri meesha Hawiye waxaa ay ka mid tahay beelaha soomaaliyeed ee wax ka dhisay dowlada Federaalka saami buuxana ku leh, sidaa daraadeed ma'jiraan wax Hawiye la yiraah oo dagaal ku jira, ee arinta waa uun mid mar marsiiyo kale lagu doonayo, waxaana uu ugu danbeytii gashaanka u daruuray xiriirka la sheegay in uu u dhaxeeyo saraakiil Itoobiyaan ah iyo kooxaha ka soo horjeeda oo sida uu hadalka u dhigay ah arin layska sheegay oo aan waxba ka jirin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online