DAGAALO CULUS OO LAYSKU AADEEG SANAYO NUUCYADA HUBKA IYO WALIBA MADAAFIIC CULUS OO WALI KA SOCDA CAASIMADA MUQDIHSO.

Isniin, 23, Apr. 2007 (HOL)  Maalintii shanaad oo xiriir ah ayaa waxaa sii xoogeysaya Dagaal Qaraar oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada Itoobiya  iyo  Kooxo ay is hayaan oo ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.
 
Dagaalka oo ah mid isku badalay Fool ka Fool oo ay dhinacyadu is arkayaan ayaa waxaa uu xoogiisa ka dhacayaa Xaafada Jamhuuriye iyo  Duleedka Deegaanka Huriwaa oo ah goobaha ay sida aad ka ah ugu xoog badan yihii kooxaha Dowlada ku kacsan, waxaana wararku ay intaa ku darayaa in sidoo kale dagaalka ay ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamada lugta ay bar bar socdaan Madaafiic xoog leh oo ay Ciidamada Itoobiya ka tuurayaan xarumaha ay dagan yihiin kuwaasoo lala beegsanayo goobaha dagaalka lakiin mar marka qaar ku dul dhaca deegaanada dadka riyidka ah degan yihiin.
 
Dagaalka Maalintiisii Shaad galay ayaa ilaa hada waxaa laga gaarin Natiijooyin dhab ah oo la taaban karo, walow Mas'uuliyiinta dhinaca Dowlada ay sheegayaan in Ciidamadoodu sameeyeen hor mar dhinaca dagaalka ah, iyaga oo la wareegay goobo markii hore fariisin u aheyd dhinaca ay is hayaan waa sida ay iyagu hadalka u dhigayaan.
 
Marka la eego guud ahaan magaalada Muqdisho inteeda badan waxaa la oran karaa ma aha mid ka fiyow dagaalada dhacaya marka laga reebo Xaafada Madiina oo iyana dadka ku dhaqan wal wal badan ka qaba Madaafiic xoog leh oo ciidamada Itoobiyaanku ka tuurayaan xaruunti Ciidanka Asluubta.
 
Dhanka kale Afhayeenka Madax-tooyada Dowlada federalka Xuseen Max'ed Max'uud (Xuub-Siree) oo ka hadlay xaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu dagaalku  sii socon doona inta laga si-feynayo sida uu yiri kooxo dano gaar ah leh oo ku xiran Ururka Al-qaadicada, waxaana uu intaa ku daray in Dowlada federaalku siweyn uga xuntahay dadka aan waxba galabsan ee ku dhimanaya dagaalka.
 
Shanta Maalmood ee Muqdisho dagaalka ku jirto waxaa ay wararku sheegayaan in geeriydu kor u sii dhaafeyso ilaa 400 oo ruux iyada oo dhaawucuna intaa ka sii badan yahay.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online