Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirokoobka Xaaladaha Madaniga ah

 

Isniin, November 24, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka  Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay wehliyeen labada Guddoomiye Ku-xigeen, ayaa shir guddoomiyay kulanka 9-aad ee Kalfadhiga 7-aad, kaasoo ajandihiisu ahaa Akhrinta saddexaad ee Hindise-sharciyeedka dad-dhigista iyo tirokoobka xaaladaha madaniga ah.

Kulanka waxaa ka hor-jeediyay warbixinta Akhrinta saddexaad ee Hindise-sharciyeedka Senatar Cabdiqani Ugaas Geelle, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare, iyadoo aragtiyihii iyo talooyinkii Sanatarrada ay guddigu uu waafajiyay hindise-sharciyeedka.

newsinsideMarkii la guda galay cod u qaadista sharciga, 27 Senatar ayaa ogolaaday, iyadoo aan wax diidmo ama aamuso ah jirin.

Gunaanadkii kulanka, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya, Saadaad Caliyow, ayaa uga mahadceliyay Sanatarrada Aqalka Sare ansixinta Hindise-sharciyeedkan oo ka mid ah sharciyada muhiimka ah ee horumarinta adeegga dad-dhigista. 

Hindise-sharciyeedkaani, oo markii hore la horgeeyay Golaha Shacabka horraantii sanadkii 2024, waxay nidaaminaysaa adeegga dad-dhigidda, kaasoo muhiimad weyn u leh bulshada Soomaaliyeed.

Hindisahani-sharci, oo ka kooban lix cutub iyo 46 qodob, ayaa nidaaminaya diiwaangelinta iyo tirakoobka xaaladaha khuseeya dhalashada, guurka, furiinka, dhimashada iyo kafaalqaadka carruurta. 

Adeegga dad-dhigidda ayaa muddo dheer ka jiray Soomaaliya, waxaana markii ugu horreysay laga hirgeliyay gobollada waqooyi xilligii Boqortooyadii Ingiriiska (1902–1904), halka dowladdii Talyaaniga ay sidoo kale soo saartay shuruuc la xiriirta arrimaha dad-dhigidda. Adeeggan ayaa si habsami leh u socday ilaa burburkii Dowladdii Dhexe ee 1991-kii, waxaana hindise-sharciyadani ay dib u cusbooneysiinaysaa nidaamkii hore iyadoo la waafajinayo baahiyaha casriga ah ee dalka.