Isniin, November 24, 2025 (HOL) - Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howlgal qorshaysan ku qabtay Cabdirisaaq Yaasiin Maxamed (Sugulle), oo lagu sheegay inuu Daacish u qaabilsanaa sahayda iyo xog-gaarsiinta kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad.
Sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka Puntland ayaa u sheegay warbaahinta in Sugulle uu muddo dheer kooxda Daacish ugu shaqeyn jiray aqoonta uu u leeyahay deegaanka Calmiskaad, isagoo fududeyn jiray gaarsiinta sahayda, gudbinta xogaha deegaanka, la socodka dhaqdhaqaaqa dadka iyo marinada ay isticmaalaan xubnaha Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Bari.
newsinsideWararka ay heleen saraakiisha ayaa tilmaamaya in Sugulle uu xiriir dhow la lahaa xubnaha sare ee kooxda Daacish, kuwaas oo ka shaqeynayay sidii loo sii wadi lahaa bixinta sahayda cuntada, daawada, lacago iyo qalabka isgaarsiinta ee ay kooxda Daacish ku shaqeyso.
Sida ay sheegeen saraakiishu, ninkaan ayaa baxsaday markii la ogaaday doorkiisa, balse waxaa lagu raadjoogay muddo toddobaadyo ah, ugu dambeyntiina waxaa lagu qabtay howlgal ay fuliyeen unugyada gaarka ah ee ciidamada ammaanka Puntland.
Qabashadiisa ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Puntland ay kordhisay gulufyada dhulka ah iyo bandowga lagu soo rogay dhowr deegaan oo u dhow togga Baallade iyo Tasjiic, si loo jaro marinadii sahayda ee ay kooxda ka helaysay deegaanada ku dhow meelaha ay ku sugan yihiin.
Saraakiisha ammaanka ayaa ku tilmaamay qabashada Sugulle inay tahay talaabo muhiim u ah xakamaynta sahayda kooxda, taas oo ay sheegeen inay tahay halbowlaha ugu weyn ee u saamaxaya Daacish inay ku sii nagaadaan buuraha Calmiskaad.