Isniin, November 24, 2025 (HOL) - Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay Xasan Cabdikariin iyo Shukri Cali oo ku eedeysayn iney jirdil iyo dhaawac u gaysteen gabar yar oo 13 jir ah.
Gabadha yar ee jirdilka iyo dhaawaca loo geystay ayaa lagu magacaaba Caasho Cali, waxayna ku nooleyd guriga labada eedeysane ee gacanta ku soo dhigeen ciidanka Booliiska ee kala Xasan iyo Shukri.
newsinsideWar qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qaybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Xasan iyo Shukri loo gudbin doono Maxkamadda awooda u leh kiiskooda si loogu qaado ciqaabta ka dhalanaysa dambiga ay u gaysteen gabdhaha yar ee ku nooleyd gurigooda.
Qoraalka kasoo baxay Booliiska gobolka Banaadir ayaa sidoo kale loogu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada in hay'adaha amaanka kusoo wargaliyaan kiisaska noocaan kale ah si wax looga qabto.
"Muwaadiniinta soomaaliyeed meel kasta joogaan, waxaa laga codsanayaa in ay la so wadaagaan Hay,addaha amaanka hadii soogaaraan falal nuucaan oo kala ah, si aan uwada ilaalino masuuliyadda naga saaran caruurta Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir.
Ugu dambeyntii dhacdadan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo maanta Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Mudug ee Puntland dil toogasho ah ku xukuntay Hodan Maxamuud Diiriye oo lagu helay inay si arxan daro ah u dishay Saabiriin Saylaan oo ahayd gabar yar oo 14 jir ah oo gurigeeda kula noolayd.