Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Qof rayid ah ayaa maanta lagu dilay suuqa weyn ee balcadka gaar ahaan nawaaxiga dahablaha oo ah goob aad u mashquul badan, iyadoona aan ilaa imika aan la garanayn cidda ka danbeeysay dilkaasi.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka ninkani rayidka ah, warar ayaa sheegaya in ay dileen kooxo hubeysan halka warar kalena ay sheegayaan in ay xabad uga fakatay ciidamo katirsan kuwa dowladda.
Ciidamada dowladda ayaa dilka kadib goobtaasi ka sameeyay howlgallo ballaaran oo ay qabqabteen dad looga shakisanyahay in ay ka danbeeyaan dilkaasi.
Dhinaca kale Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo ayaa amar ku siiyay ganacsatada loo yaqaan waratada ee dharka ku iibisa hareeraha wadooyinka in ay isaga guuraan halkaasi.
Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni Sheekh C/naasir Seeraar oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in waratada dharka ku iibisa suuqa weyn ee Balcadka ay ciriiri ka dhigeen wadooyinka islamarkaasina ay suurogal tahay buu yiri in lagu soo dhex dhuunto oo ay halkaasi ka dhacaan falal amni darro.
Ganacsatada waratada loo yaqaan ee dharka iibisa ayaa lagu amray in ay u guuraan suuqweynihii hore oo ku yaal xaafadda Calanleey, kaasoo ay hore dayactir ugu sameeyeen maamulkii xarakada Al-shabaab ee ka arimin jiray magaalada Kismaayo, wallow aysan jirin dhaqdhaqaaq ganacsi oo xooggan oo suuqaasi ka jira marka laga reebo qeybaha Kalluunka lagu iibiyo.
Ganacsatada dharka ku iibisa hareeraha wadooyinka (waratada) ayaa ku ganacsada afaafka hore ee bakhaaraha waaweyn ee ku yaal suuqa weyn ee balcadka ilaa agagaarka dahablaha, waxaana wadadaasi ka jira ciriiri aad u weyn iyadoona ay adagtahay in ay isticmaalaan dadka iyo gaadiidka, maadaama dhar fara badan uu daadsanyahay hareeraha wadooyinkaasi.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Qof lagu dilay Suuqa Dharka ee Kismaayo iyo Qaar ka mid ah Ganacsatada oo lagu Amray inay halkaas ka guuraan
More News
- Madaxweynayaasha Somalia iyo Sudan oo kawada hadlay lacag loo daabacay Dowladda Soomaaliya iyo Arrimo kale
- Madaxweynihii hore ee Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacayo
- Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka Qayb-galay kulan uu Xisbi Mucaarad ah ku qabtay Muqdisho
- Kenya oo Qalalaasaha ka taagan degmada Gaarisa ku eedeysay Ciidammo ka Tirsanaa Dowladdii hore ee Soomaaliya
- Ganacsatada iyo Qurbo-joogta Soomaaliyeed oo laga dalbaday inay ka qayb-qaataan dayactirka Tiyaatarka Muqdisho
- Madaxda Somaliland oo ka qaybgashay aas qaran oo loo sameeyey Askar ku gooriyooday shil gaari oo shalay dhacay
- Maxkamad ku taalla Itoobiya oo la horgeeyay Toban ruux oo loo haysto inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab
- Hay'adda HRD oo Muqdisho ku qabatay Dood ku saabsan sidii lagu horumarin lahaa Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed
- Maamulka Gobolka Banaadir oo diiday inuu shaqaalahooda ka mid ahaa ruux isku dayay inuu dilo guddoomiyaha Gobolka
- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay
- Tirada iyo Dhaqaalaha Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ee Mareykanka oo Korortay 12-kii sano ee lasoo dhaafay