Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa la sheegay inay laba jibaarmeen 12-kii sano ee lasoo dhaafay, sida ay shaacisay hay’ad lagu magacaabo Minnesota 2020 oo baaritaan ku sameysay tirada iyo dhaqaalaha Soomaalida ku nool gobolkaas.
C/raxmaan Kaahin oo ka mid ah Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ayaa BBC-da u sheegay in qiyaasta la sameeyay lagu sheegay in Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ay hadda tiradoodu ka badan tahay 50,000 oo qof, halka sannadkii 2000 ay ka ahaayeen 18,596-qof, waxaana tani ay caddeyn u tahay inay laba jibaarantay tirada Soomaalida ku nool Minnesota.
“Warbixinta waxaa lagu sheegay in 40% ay Soomaalida soo galootiga ah leeyihiin ganacsiyada yaryar ee ka furan Minnesota, dhaqaalaha ay sannadkii gobolka soo geliyaanna uu gaarayo 12-bilyan oo doollar,” ayuu yiri Kaahin.
Gobolka Minnesota ayaa la sheegay inuu noqday gobolka ugu dhaqaalaha badan dalka Mareykanka oo xiligan ay ka jiraan xaalado dhaqaale oo aad u daran, waxaana Soomaalida ku nool gobolkaas ay u badan yihiin kuwo ku shaqeysta dukaamo, qaarkoodna ka shaqeeya warshado ku yaalla gobolkaas.
“Dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ayaa waxay noqdeen qowmiyadda saddexaad ee ku nool Minnesota, iyadoo ay ka horreeyaan oo keliya Meksikaanka iyo dadka loo yaqaan Mow oo ka yimid Aasiya,” ayuu yiri Kaahin oo intaas ku daray in arrintan ay layaab ka dhigtay in Soomaalida oo wax ka yar 20-sano ku nool dalka Mareykanka ay noqdaan qowmiyadda saddexaad ee gobolkaas ku nool.
Dhanka kale, Kaahin oo isaguba ah ganacsade ayaa sheegay in tani ay u soo jiidday Soomaalida ku nool gobolkaas ammaan weyn, wuxuu xusay in afar suuq oo waaweyn ay Soomaalidu ku leeyihiin magaalada Minneapoli, kuwaas oo ay dadka Soomaalida ka iibsadaan wixii ay u baahan yihiin.
Gobolka Minnesota ayaa noqonaya gobolka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka oo tiradoodu ay ka badan tahay boqolaalka kun ee qof, kuwaasoo xilliyo kala duwan tagay dalkaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Tirada iyo Dhaqaalaha Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ee Mareykanka oo Korortay 12-kii sano ee lasoo dhaafay
More News
- Madaxweynayaasha Somalia iyo Sudan oo kawada hadlay lacag loo daabacay Dowladda Soomaaliya iyo Arrimo kale
- Madaxweynihii hore ee Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacayo
- Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka Qayb-galay kulan uu Xisbi Mucaarad ah ku qabtay Muqdisho
- Kenya oo Qalalaasaha ka taagan degmada Gaarisa ku eedeysay Ciidammo ka Tirsanaa Dowladdii hore ee Soomaaliya
- Ganacsatada iyo Qurbo-joogta Soomaaliyeed oo laga dalbaday inay ka qayb-qaataan dayactirka Tiyaatarka Muqdisho
- Qof lagu dilay Suuqa Dharka ee Kismaayo iyo Qaar ka mid ah Ganacsatada oo lagu Amray inay halkaas ka guuraan
- Madaxda Somaliland oo ka qaybgashay aas qaran oo loo sameeyey Askar ku gooriyooday shil gaari oo shalay dhacay
- Maxkamad ku taalla Itoobiya oo la horgeeyay Toban ruux oo loo haysto inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab
- Hay'adda HRD oo Muqdisho ku qabatay Dood ku saabsan sidii lagu horumarin lahaa Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed
- Maamulka Gobolka Banaadir oo diiday inuu shaqaalahooda ka mid ahaa ruux isku dayay inuu dilo guddoomiyaha Gobolka
- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay