![]() |
"Wasiirka iyo wafdigiisa kulammo ay la leeyihiin maamulka degmada, waxaana lagu wadaa in kulammada kaddib uu saxaafadda la hadlo," ayuu yiri wariye ku sugan Baydhabo oo HOL la hadlay, iyadoo wariyuhu uu sheegay in Baydhabo si weyn loogu soo dhaweeyay wasiirka iyo wafdigiisa.
Degmada Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Itoobiya ay kala wareegeen Al-shabaab horraantii sannadkii hore, iyadoo wasiirkii gaashaandhigga ee dowladdii KMG ahayd uu hal jeer booqasho ku tagay Baydhabo.
Inkastoo aanay jirin war wasiirka difaacu saxaafadda ka siiyay safarkiisa Baydhabo haddana waxaa socdaalkiisan uu kusoo beegmayaa iyadoo cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda ay bishii lasoo dhaafay ee December ay gadood ka sameeyeen degmada Baydhabo, iyadoo la sheegay inay ka cabanayeen mushaar la'aan.
Wasiirka gaashaandhigga ayaa horay u booqday gobollada Gedo iyo Jubbada hoose isagoo ciidamada dowladda ee halkaas ku sugan u ballanqaaday in la siin doono mushaaraad iyo xuquuqaadka kale ee ay dowladda ku leeyihiin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
