Bashir Goth
Monday, May 10, 2010
Waddamada adduunka intooda badan ayaa bisha May xusa maalinta hooyada. Dhab ahaantii haddii Hooyada wanaageeda lagu xuso ammin kasta iyo aradka kasta oo la joogaba lama gudi karo xaqeeda, hase yeeshee waxa lagama maarmaan noqotay in ay yeelato maalin lagu xusuusto.
Haddaba heestan soo socota oo la yidhaahdo HOOYO waxan ku xusayaa hooyaday Sheekha Raxma Cige Dirir oo hooyonimada ka sokow ah macallinkaygii ii bilowday Alif-Ba’da ee i bartay akhriska iyo qoraalka Quraanka iyo Afka-Carabiga, indhahayga u furtay nuurka aqoonta. Waana ababiyahaygii igu anqarisay jacaylka suugaanta iyo dhaqanka ee aan sheekooyinkeedii, halaanhalkeedii iyo tixihii ay ii dareerin jirtay yaraantii ay ii noqotay ceel wahdi ah oo aan iga maaxdumin iyo sahay aan madhanayn oo aan kaga gudbo suudiga waayaha, kana qadhaabto midhaha aan suugaanta ku curiyo.
Heesta aniga oo munaasabadda maalinta hooyada u hibaynaya hooyaday waxa la wadaaga hooyo kasta oo adduunka joogta, gaar ahaan kuwa fahmaya Af-Soomaaliga ay heestu ku qoran tahay. In kasta oo ay habboonayd in heesta la dhegeysto iyada oo muusig wadata, xilliga ayaa igu simi waayey, muusiguna goortiisa ayuu iman doonaa isaga oo sida heestu u qorantahay uun u dhici doona.
HOOYO Dunidoo holcaysoo Halasuhu wax leefay Halkaad adigu joogtiyo Hadh qaboobidaayey Hooyo, hooyo, hooyo Jiilaal hawaarsaday Hamadigu wax laayay Goshaad igu habaysiyo Hugaagii dugsoonaa Hooyo, hooyo, hooyo Colaad la isku hiifiyo Meel balo ka hoortay Hoobeeyadaadaan Hurdo nabad ku seexdaa Hooyo, hooyo, hooyo Anoo kaa hulleelaad Hooyo Hareertayda joogtaa Dhagixii i hantaaqaba Hooyo Hobo' baad i leedahay Hooyo, hooyo, hooyo Anoo kuba hilmaamaad Habaar iima quudhide Hooyo Ducaad igu hagoogtaaa Hooyo, hooyo, hooyo *** Halyeey iyo haldhaa iyo Hooyo Hoodo iyo Hibaaq dhala Hooyo Hadba kii hafeef qaba Hooyo Hurdadawga saakuma Hooyo Hooyo, hooyo, hooyo *** Waan arkaa humaaggii Hooyo Adoo igu hadraayee Hooyo Hadhka iyo habeenkii Hooyo Waan kugu hadaaqaa Hooyo Hooyo, hooyo, hooyo *** Eebbeheen ku hanayoo Hooyo Wadka maalmo kaa hay Hooyo Oo jannooyin hooda leh Hooyo Ku waar hoyga aakhiro Hooyo Hooyo, hooyo, hooyo
Hooyo
Hooyo
Hooyo
Hooyo
Hooooooooyo.
***
Hooyo
Hooyo
Hooyo
Hooyo
Hooooooooyo
***
Hooyo
Hooyo
Hooyo
hooyo
Hooooooooyo
***
Hooyo
Hooyo
Hooooooooyo
***
Hooyo
Laabta igu haysaa
Hooyo
Hooyo
Hooooooooyo
Hooooooooyo
Hooooooooyo
Hooooooooyo
Email: [email protected]