
Edmonton, Canada (HOL) - Wasiirka Jaaliyadaha Dibadda, Cabdullaahi Axmed Cabdulle (Azhari) ayaa xalay Somalida Edmonton kula kulmay Hotelka Ramada Inn ee uu ku soo degey.
Xafladdaan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururada Alberta Somali Community iyo Somali edmoton Community waxa ay ahayd mid si aad ah loo soo agaasimay dad aa u far badan oo dhowr boqol ahna ay yimaadeen. Wasiirka waxaa kala qayb-galay kulankaan Aqoonyahano Soomaaliyeed oo reer Edmonton ah oo ay ka mid ahaayeen Prof. Cali Cabdi oo wax ka dhiga Alberta University ,Qoraaga Maxamed Farah, Maxamed Jimcaale.

Dadka xafladda ka soo qayb-galay ee joogitaankooda madasha kulanka la xusay, waxaa ka mid ahaa qaar ka mid ah dad aad ugu faraxsanaa inuu wasiirku soo gaaro jaaliyada Edmonton oo aad u jecel in wadanka soomaaliya helo dowlad iyo nabadgalyo buuxda si ay u noqoto meel ay ku faanaanay wehliyaan .
Kulankii xalay oo uu xiriirinayey Cabdulqaadir Xaashi waxaa wacdi ku furay Suldaan Subeer isaga oo xusay baahida loo qabo dowlad iyo midnimo; waxaana dhinaca jaaliyadda Edmonton u hadlay dad badan oo ay ka mid ahaayeen Maxamuud Cakood oo ah Madaxa Jaaliyada Alberta Somali Community ,iyo Somali Cultural society Xasan Cali Tata .

Dhammaan dadkaasi waxa ay wasiirka u gudbiyeen hadallo soo dhaweyn ah iyo talooyin ku aaddan sida ay u wada shaqayn karaan dowladda midnimada Qaran iyo Jaaliyadda Waqooyiga Canada.
Intaa kaddib waxa uu Wasiirka dadkii u sheegay in oo salaam uga wado Madaxweynihii iyo Wasiirkii 1-aad aadna loogu hanweyn yahay Soomaalida dibadda gaar ahaan kuwa Canada. Hadaladii Azhari waxaa ka mid ahaa, “Walaalayaal Wasaaraddaan hal qof oo aniga ah ayaa ka shaqeeya”, isaga oo ku sii daray “waxaana jeclahay in shaqaalaha oo dhami ay noqdaan dadkiinna qorbaha”

Wasiirku waxa uu sheegay in intii uu joogey wadanka canada uu booqday Magaalooyinka Ottawa,Toronto uuna u hambalyeeyey Dowlada Canada sidii wacnayd ee ay u soo dhaweeyeen ,waxaa uu yiri waxaan diyaar u ahay inaan la hadlo qof kadta oo soomaaliyeed mid taageersan dowlada iyo mid ka soo horjeeda si loo haelo xal buuxa waxa laga sugayaa xalka waa adinka.Wasiirka oo hadalkisa sii wata waxaa yiri waxaan jeclaan lahaa inaan tago cisbitaalada ay ku jiraan dadka buka, xabsiyada ay dhallinyarada Soomaalidu ku xiran yihiin iyo iskuulada ay ardada Soomaaliyeed wax ka bartaan.

Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay in uu ugu yimid Soomaalida Canada iyo Toronto “Wada tashi” isaga oo sheegay in uu meelo kale sii mari doono oo ay ka mid yihin maraykanka iyo South Africa oo dadka lagu dhibaateeyay.