advertisements

Kulan dhaqaale loogu arruurinayo Soomaalida ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya

fiogf49gjkf0d



Hiiraan Online
Tuesday, April 14, 2009

Magaalooyin Toronto iyo Ottawa oo ka tirsan dalka Canada ayaa maalmihii Sabtida iyo Axadda lagu kala qabtay xaflad dhaqaale loogu arruurinayo Soomaalida gaar ahaan carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed oo gurmad deg-deg ah ugu baahan caafimaad darro ku haysata dalka Soomaaliya.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen  jaaliyadaha Soomaaliyeed oo ka kala nool magaalooyinka Toronto iyo Ottawa ayaa waxaay ujeedadiisu ahayd in deeq loogu aruuriyo Ururka kaalmeeya carruurta Soomaaliyeed ee loo yaqaano “Healing of the Children of Minnesota”  hormuudna oo ka yahay Cabdicasiis Muuse Maaxay.


Maaxay ayaa runtii naftiisa u huray sidii uu badbaadin lahaa Soomaalida ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.  Waxaa Maaxaay socdaalkiisa ku wehliyey C/qaadir Sid Axmed iyo Caabiya Ciise oo ka mid ah xubnaha aad ugu firfircoon u kaalmeynta carruurta Soomaaliyeed .

Waxaa halkaas hadalo guubaabo leh  ka soo jeediyey  Culumaau’diin Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaa yihiin : Sh. Momed  maash , Maxamuud Nuur Khadar, Sh. Jaamac  Cusmaan shire, Sheikh Saciid Raage, Sh. Abuucar iyo Sh.Axmed Nuur Qalaafi . Dhank Magaalada Ottawa waxaa halkaas hadalo guubaabo ka soo jeediyry Sh. Cabdirizaak iyo Sh. Saciid.

Cabdicasiis Muse Maaxay ayaa wuxuu labada magaalaba ku soo bandhigay sawiro dadkii daawanayey ay si weyn ula yaabeen.  “Haddii aan si wadajir ah u wada shaqeeyno, waxaan badbaadi karnaa caruur badan oo aanan wadanka lagu daaweyn karin” ayuu yiri Maaxaay.

Cabdi Muuse Maaxay, Cabdulqaadir Sid Axmed iyo Caabiyo Ciise ayaa dadweynihii halkaas yimid u xaqiijiyey in ay u guntadeen in ay badbaadiyaan carruurta Soomaaliyeed ayna soo dhaweynayaa cidda kasta oo mashruucaan kala qayb qaadaneysa.

Drs. Khadija oo horyaal u daryeelka carruurta iyo Haweenka Soomaaliyeed deggena magaalada Toronto ayaa warbixin kooban ka bixisay cudurada cusub ee Soomaaliya ku soo khorday ayada la xiriirisay Sunta lagu daadinayo xeebaha Soomaaliyeed. Waxaa kale oo ay Drs Khadiija ka hadashay kufsiga joogta ah ee loo geysanayo haweenka Soomaaliyeed, waxayna ku baaqday in si deg-deg ah arrintaas wax looga qabto.

Waxaa labada goobood ee Toronto iyo Ottawa oo ay deeq arruurinta ka dhacaysay si wanaagsan wararka u qaybineyey Cabdullahi Sid Axmed iyo Cabdulqaadir Guuleed.

Kharashka lacagihii halkaas lagu soo arurriyey oo ay HOL uga warbixisay dadkii ku howlanaa arrtina ayaa ahaa sida tan: Toronto $ 30, 000 (Isugu jira Cash meesha laga arruuriyey, Tikidhada la iibsaday iyo Lacag la yaboohay). Ottawa  45, 000 (Isugu jira Cash meesha laga arruuriyey, Tikidhada la iibsaday iyo Lacag la yaboohay). Magaalada Toronto ayaan wali soo gabagabeynin arruurinta deeqda,  ayada oo la filayo in deeqda Toronto ay lababaabanto marka ay soo wada arruuraan.

Magaalada Edmonton ayeey Maaxay iyo kooxdiisa horay ugu qabteen deeq lacag aruurin ah, ayaga halkaas kharashkii halkaas ay ka heleen uu ahaa  ($50, 000) inkasta kharashka badankiisa uusan wali soo arruurin.

Deeq lacag arruurin ah oo la mid ah midda ka dhacday magaalooyin Edmonto, Toronto iyo Ottawa ayaa la rajeynayaa in ka bilaamidoonto qaaradda Yurub oo ay ku noolyihiin Soomaali aad u badan rabtana in ay qayb ka qaataan gurmadkan deg-degta ay ee lagu daryeelayo dadka caafimaad darrada ku hayso dalka Soomaaliyeed. Mudada ay bilaabandoonto dib ayaan idiinku soo sheegidoonaa.