Waxaa bishan September 14keedii, 2007ku geeriyooday magaalada Gaalkacyo, General Aadan Xersi Wasame oo muddo dheer madax ka ahaa dugsiga caanka ee tababarka Booliska Soomaaliyeed ee loo yiqiinay "Scuola Polizia " degmada Xamar Jab-Jab. Marxuumka wuxuu ku dhashay Magalada Gaalkacayo sannadkii1920kii.. Wuxuu ku barbaaray waxabarashadiisna ku dhamaystay magaalada Galkacyo. Waxaa uu kamid noqday ciidankii Somaaliyeed ee Ingriisku qoray. Wuxuu tababarkiisii ugu horeyey ku dhameystay magaalada Iskushuban ee gobolka Bari 1942dii. Wuxuu gaaray darajadda saddex allifle 1947 dii, oo aheyd darajadii ugu sarasay ee wakhtigaas Ingriisku bixiyo.
1950kii Wuxuu marxuumku ku wareegay ciidamaddii Booliska soomaaliyeed ee talyanigu sameeyey, wuxuuna ka qabtay jagada kormeera sadaxaad. 1954, wuxuu noqday sarkaalkii ugu horeeyey ee Somaaliyeed ee Talyaanigu ku wareejiyeen saldhiga Booliska ee Degmada Afgooyo. 1960, wuxuu marxuumku noqday taliyaha ciidanka Booliska ee gobolka Mudug. 1961, wuxuu noqday taliyaha dugsigii tabarka ciidanka Darawiishta ee gobolka Hiiraan. Wxuuna ahaa aas aasahii ciidanka Darawiishta lagu sameeyey gobalka Hiiraan oo tiradoodu ahayad 2000 oo askari . (Wada Aqriso)