Waxaa bishan September 15keedii ku geeriyoodey magaalada Muqdisho Suldaan Cumar Suldaan Faqi Xaji Awiis oo ahaa Suldaanka Beesha Tunni. Suldaan Cumar Suldaan Faqi wuxuu ku dhashey Magaalada Barawe Sanadka marku ahaa 1921. Marxuumka wuxuu ka mid ahaa tageerayaasha ururka gobanimadoonka Somaliyeed ee SYL isagoo si gaar ah ula shaqeeyey Sh. Cabdulqadir Saqawadiin iyo Mohamed Cusman (Baarbe).
Wuxuu Sanadka marku ahaa 1955 uu ku biirey Ciidanka Booliska Somaliyeed. Sanadka 1968 wuxu ka ruqseystey Ciidanka Booliska isagoo isu diyaariyey inuu ka qayb galo doorashada Baarlamaanka Soomaliyeed. Marxuumka wuxuu kaloo ka soo shaqeeyey Bangiga Ganacsiga Soomaliyeed. Suldaan Cumar Suldaan Faqi wuxu ka dhaxley suldaanimada Beesha Tunni aabbihii Suldaan Faqi Xaaji Awiis.
Marxuumka wuxuu ka qayb galey Shirarka dib u heshiisiinta Somaliyeed ee lagu qabtey dalalka Djibouti , Kenya iyo kan ugu dambeeyey ee lagu qabtey Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho. Maanta oo Axad ah oo bisha Sebtember ay tahay 16, 2007 ayaa Suldaan Cumar Suldaan Faqi waxaa lagu aasey Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Aaska Suldaanka waxaa ka qayb galey masu'uuliyiinta Degmada Baraawe, Culimaa'uddiinta iyo dadweynaha Deegaanka, iyo Qaar kale oo ka kala yimid Magaalooyinka Xamar, Afgoye, Marka, Qoryoley, Buulo mareer, Jelib, Jammaame, iyo Kismaayo. Marxuumku wuxuu ifka kaga tagey 87 ruux oo isugu jira inta u dhaley iyo inta ay sii dhaleen.
Waxaan u rajeeneynaa in uu naxriista Janada Allah ka warabiyo, inta u ka tageyna samir iyo iimaan Allah ka siiyo- Aamiin.