SoDMA iyo Plan International oo kawada hadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen sadaasha hore ee abaarta Soomaaliya

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray saadaasha hore ee abaarta soo socota, xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed, iyo dhismaha nidaamyada digniinaha degdegga ah ee heerka bulshada. 

Mas’uuliyiinta SoDMA ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dardargeliyo dadaallada diyaar-garowga iyadoo dadka nugul looga baahanyahay in ay helaan digniinaha muhiimka ah waqtigooda.

Labada dhinac waxay isku afgarteen, In kor loo qaado hababka wadaagista macluumaadka, In si ballaaran loo faafiyo digniinaha hore, In la diyaariyo qorshayaal iyo soo jeedimo cusub oo lagu ballaarinayo iskaashiga mustaqbalka, si waafaqsan mudnaanta qaran ee maareynta musiibooyinka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta labada hay’adood ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga joogtada ah, maadaama Soomaaliya ay wajahdo isbadalka  cimillada ee sii xumaanaya oo ay ka mid yihiin abaaro soo noqnoqda iyo duufaanno saameyn ballaaran leh.

Kulankan heerka sare ah ayaa ku soo beegmaya xilli hay’adaha samafalka caalamiga ah ay ka digayaan in xaaladda bini’aadantinimo ay kasii dari karto haddii aan si degdeg ah loo kordhin diyaargarowga iyo ka hortagga musiibooyinka.