
Axad, November 30, 2025 (HOL) - Khilaaf xoogan ayaa dhawaan ka dhex qarxay xisbiga mucaaradka Somaliland ee Kulmiye, kadib markii guddoomiyaha xisbigu ku dhawaaqay inuu muddo laba sano ah dib u riixay shirweynaha xisbiga. Arrintan ayaan raalligelin xubnaha xisbiga ee kasoo jeeda deegannada uu xisbigu codadka ugu badan ka helay doorashadii sannadkii hore ee Maroodi Jeex, Saaxil iyo Gabiley.
Khilaafku waxa uu sii xoogaystay kadib markii toddobaadkan ay warbaahinta iskaga jawaabeen saaxiibadii siyaasadda ee Madaxweyne hore Muuse Biixi Cabdi, iyo guddoomiyaha hadda ee xisbiga, Maxamed Kaahin Axmed, oo tallada xisbiga iska dambeeyay.
Biixi waxa uu kamid yahay siyaasiyiinta doonaya in shirweynaha xisbiga lagu qabto waqtigiisa, isla markaana lagu tartamo hoggaanka xisbiga, taasi oo khilaaf ka dhex dhalisay Kaahin iyo isaga kadib muddo 40 sanno ah oo ay isku aragti ahaayeen.
“Waan hubaa in guddoomiyaha xisbigu uu yahay nin waayo-arag ah, qaranka u soo halgamay, la yaqaan dabeecaddiisa, balse il-duufkani waxa uu ka yimid dhallinyarada faraha badan ee tartamaysa ee jiidhay. Xisbigu ma ogolaanayo in si ciyaar-ciyaar ah loogu ciyaaro oo inamo yaryari dar-jiidhaan,” ayuu yidhi Madaxweyne hore Biixi.
Biixi waxa uu sheegay inaanu xisbiga ka dhex jirin khilaaf laga naxo, balse loo baahan yahay in la saxo go’aannadii hore ee xisbigu soo saaray oo uu sheegay inaanay habboonayn. Waxa uu xusay in ay mudan tahay in shirweynaha xisbiga lagu qabto waqtigiisa, isaga oo intaas ku daray in haddii lagu tartamo hoggaanka xisbiga uu isagu u codeyn doono Kaahin oo uu ku kalsoon yahay.
In kasta oo hadalka Biixi u muuqday mid deggan, haddana Guddoomiye Kaahin ayaa si adag uga jawaabay, isaga oo sheegay in talada xisbigu meel keli ah ka timaaddo, isaguna uu yahay guddoomiyaha rasmiga ah ee xisbiga.
“Xisbigan laba meel-loogama taliyo, xisbigan laba qof uma kala taliyaan. Xisbigu wuxuu leeyahay guddoomiye keliya, guddoomiyuhuna waa aniga. Adiguna u hoggaansanow nidaamka, xeerka iyo dhismaha xisbiga,” ayuu yidhi Guddoomiye Kaahin oo u jawaabay Biixi.
Khilaafkan sii xoogaystay kadib hadallada ay is-weydaarsadeen Madaxweyne Biixi iyo Guddoomiye Kaahin, ayaa sababay in gebi ahaanba xisbiga laga saaro siyaasi Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), oo horayna looga qaaday xilka afhayeenka xisbiga, maadaama uu xidhiidh dhow la leeyahay Biixi.
“Madaxweynihii 5-aad ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayay tallada xisbigu garab taalla — nin diida iyo nin doonaba ha ahaadee,” ayuu yidhi Cabdinaasir Buuni oo wareysi siiyay Dirane TV, isaga oo intaa ku daray in lagu maagay kadib markii uu diiday inuu fadhiisto goob lagu xamanayo Madaxweyne hore Biixi.
Buuni waxa uu sheegay inuu la aragti yahay Madaxweyne Biixi, oo kasoo jeedo deegannada uu xisbigu ka helay badiba codadkii uu xisbinimada mar kale ugu gudbay, isaga oo tilmaamay in xisbigu aanu taageero badan ka haysan gobolka Togdheer oo uu kasoo jeedo Guddoomiye Maxamed Kaahin Axmed.
Xisbiga Kulmiye oo muddo 14 sano ah hayay hoggaanka Somaliland, ayaa doorashadii sannadkii hore lumiyay hoggaanka Somaliland, isaga oo xataa kaalinta saddexaad ka galay doorashadii ururrada, taas oo ka dhigtay xisbiga ugu codadka yaraa ee soo baxay.
Khilaafkan cusub ayaa loo arkaa mid sii wiiqi kara mansabka xisbiga iyo awoodda uu ku dhex leeyahay bulshada, iyadoo intii uu is jiid-jiidku socday ay siyaasiyiin badan niyad jabeen oo ay ku biireen asxaab kale, waxaana ugu dambeeyay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Axmed Isdabar, oo maanta ku biiray xisbiga Waddani.