Galmudug oo si rasmi ah ula wareegtay Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Galmudug

Isniin, December 1, 2025 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa si rasmi ah ula wareegay xaruun loo asteeyay in ay noqoto Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Galmudug, xilli shaqada xafiiskan guud ahaan Soomaaliya ay ku egtahay bisha Oktoobar ee sanadkan 2026.

Munaasabadda wareejinta oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), saraakiil sare oo ka socday hay’adaha UNTMIS iyo UNSOS, iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay hay’adaha kale ee Qaramada Midoobey inay ka faa’iideystaan xarumahan cusub si loo kordhiyo adeegyada bulshada reer Galmudug.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, oo isna goobta ka hadlay, ayaa sheegay in xarumahan ay yihiin astaan muujinaysa midnimada iyo taageerada QM ee shacabka Galmudug.

“Dareenka midnimada ee Qaramada Midoobay iyo taageerada ay u hayso shacabka Galmudug ayaa ah aasaaska xarumahan, Qaramada Midoobay waxay sii ahaan doontaa saaxiibka Galmudug ilaa xiritaanka UNTMIS sanadka soo socda,” ayuu yiri Swan.

Waxa uu xusay in hay’adaha iyo barnaamijyada QM ay sii wadi doonaan ka shaqeynta howlaha nabadda, ammaanka iyo horumarka gobolka.