
Isniin, December 1, 2025 (HOL) - Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Gen. Dagvin Anderson, ayaa soo gabagabeeyay wajigii koowaad ee safarro heer sare ah oo uu ku tagay Itoobiya, iyo Somaliland, iyo Puntland oo uu sheegay in ay yihiin maamulo ka tirsan Dowlada Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Gen. Anderson oo socdaalkiisu daarana fariin cad oo ka dhan ah argagixisada ayaa sheegay in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu ka gaysanauo la–dagaallanka ISIS, Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah, iyada oo la raacayo siyaasad-dejinta Madaxweyne Donald Trump iyo tilmaamaha Wasiirka Dagaalka ee Mareykanka, Pete Hegseth.
“Sababta aan halkan u imid waa in aynu leenahay cadow aynu wadaagno,” ayuu yidhi Gen. Anderson. “Gobolkan waa mid aan aqoon u leeyahay, waxaanan halkaan u joognaa inaan awood siino la-hawlgalayaasha Afrika si ay si mideysan khatarahan uga hortagaan.”
Intii uu socday booqashadiisa, Gen. Anderson wuxuu kulan la yeeshay madaxda sare ee meelaha uu booqday, isagoo diiradda saaray xoojinta iskaashiga, wada-qaadashada masuuliyadda amniga, iyo mida ujeeddooyinka amniga gobolka.
Itoobiya, waxa uu kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka, Field Marshal Birhanu Jula Gelelcha, isaga oo kala hadlay xaaladda amniga gobolka iyo iskaashiga amniga.
Somaliland, Gen. Anderson waxa uu magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro (sida lagu sheegay warbixinta AFRICOM), iyo saraakiil ciidan, isaga oo sidoo kale booqday Berbera si uu qiimeyn ugu sameeyo xaaladda amniga iyo muhiimadda istaraateejiga ah ee gobolka.
Puntland, wuxuu Garoowe kula kulmay Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland, Ilyas Cisman Lugatoor, iyo saraakiisha amniga, isaga oo ammaanay dadaalka Puntland ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya Buuraha Golis.
“Marka aan wajahno khataraha sii kordhaya ee amniga, oo ay ku jiraan korodhka falalka argagixisada ee Bariga Afrika, Sahel-ka, iyo xeebaha Galbeedka Afrika, iskaashiga wadajirka ah waa mid ka muhiimsan sidii hore,” ayuu yidhi Gen. Anderson. “Haddii aynu si wadajir ah u shaqeyno, waxa aynu dhisi karnaa mustaqbal ammaan ah oo barwaaqo leh – annaga, Afrika, iyo jiilasha inaga dambeeya.”
Mareykanku wuxuu ku sifeeyay Afrika in ay tahay goob muhiim u ah amniga caalamka iyo difaaca dhulka Mareykanka, isaga oo sheegay in iskaashiga amniga ee gobolka uu yahay tiir muhiim ah oo ka mid ah siyaasadda dibadda ee Washington.