Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Booliska Interpol


Arbaco, November 26, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa kulan gaar ah kula qaatay magaalada Marrakech ee dalka Morocco madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Booliska Interpol Axmed Naasir.

Kulanka labada maasuul ayaa si gaar ah u dhexmaray intii uu socday Fadhiga 93-aad ee Golaha Guud ee Interpol oo sanadkan ka qabsoomay magaalada Marrakech ee dalka Morocco.

newsinsideWasiir Fartaag iyo madaxweynaha hay’adda Interpol ayaa ka wadahadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin la dagaalanka dambiyada abaabulan, ka hortagga argagixisada, is weydaarsiga xogaha amniga ee caalamiga ah, tababarrada iyo taageerada farsamo ee hay’adaha amniga Soomaaliya.

Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay hay'adda Interpol doorka ay ku leedahay xoojinta amniga Caalamka, isagoona muujiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay ka qaybqaadashada iskaashiga amni ee heerka caalami ah.

Madaxweynaha Interpol Axmed Naasir ayaa dhankiisa amaanay dadaalada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ku bixineyso dhanka amniga, wuxuuna balan qaaday in Interpol ay sii kordhin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.