Arbaco, November 26, 2025 (HOL) - Wasiirka Gargaarka, Masiibooyinka iyo Qaxootiga dalka Uganda, Hilary Onek, ayaa shaaciyay in dowladdu joojisay bixinta aqoonsiga qaxootinimo ee dadka kasoo carara dalalka aan hadda ka jirin dagaal, sida Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya.
Go’aankan ayaa yimid iyadoo taageerada deeq-bixiyayaasha ay si weyn hoos ugu dhacayso, halka dadka magangalyo doonka ahi ay weli si joogto ah dalka Uganda ugu soo qulqulayaan.
Wasiir Onek ayaa sheegay in uu amray saraakiisha in aan la siin aqoonsi qaxooti muwaadiniinta ka imaanaya dalalka aan dagaaladu ka jirin.
newsinside“Ma jiro wax dagaal ah oo halkaas ka socda, sidaas darteed aqoonsi ma siinayno dadka ka yimaada Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya,” ayuu yiri. Si kastaba, waxa uu caddeeyay in dowladdu ay ilaalin doonto xuquuqda dadka horay u helay aqoonsiga qaxootinimo, balse aysan aqbali doonin dad cusub oo
Wasiir Onek ayaa sheegay in tirada qaxootiga Uganda ay marayso laba milyan, halka maalin walba ay yimaaddaan boqolaal cusub oo badankood kasoo cararaya DRC iyo Koonfurta Suudaan. Wuxuu sheegay in Uganda ay la hadlayso dowladaha ay colaadaha ka dhacaan si loo helo nabad waarta oo u saamaxda qaxootiga inay dib ugu laabtaan dalalkooda.
Isagoo ka hadlayay culayska dhaqaale ee Uganda heysata ayuu yiri: “Siyaasaddeena furfuran ee qaxootiga waxay u ogolaanaysaa inay shaqeystaan, ganacsadaan, oo helaan adeegyada muhiimka ah, laakiin dhaqaale ahaan aad ayay noogu culus tahay.” Wuxuu sheegay in Uganda ay sannadkii ku bixiso in ka badan Shs2b baahiyaha qaxootiga.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in UNHCR ay sanadkii hore siin jirtay Uganda $240 milyan, balse taageeradaas ay hadda hoos ugu dhacday wax ka yar $100 milyan iyadoo tirada qaxootigu korodhay. Sanadkan, ayuu yiri, Uganda waxa ay heshay oo keliya $18 milyan, taas oo ka dhigtay xaaladda mid aad u adag.

Uganda ayaa martigelisay 51,845 qof oo ah qaxooti Soomaalieyed sida ay muujinayaan xogaha ugu dambeeyay ee la shaaciyay. Tiradan Soomaalida ah waxay ka mid yihiin qiyaastii 3.3% guud ahaan qaxootiga ku sugan Uganda.