Booliiska Somaliland oo war kasoo saaray amniga magaalada Boorama kadib mudaharaado dad ku dhinteen oo socda

Jimco, December 5, 2025 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa ugu baaqay bulshada magaalada Boorama inay is xakameeyaan, kadib mudaharaado ay laba dhallinyaro ahi ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen,  oo ilaa xalay ka socday magaalada. Mudaharaadada ayaa lagaga soo horjeeda in buugga Xeer Ciise xus loogu qabto magaalada Saylac.

Taliyaha Booliiska, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan (Cabdi Dheere), oo goordhaweyd la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inay wadaan dadaalo lagu sugayo amniga magaalada, isla markaana uga digay shacabka in ay gubaan ama waxyeelleeyaan hantida.

"Dadweynaha kacsan ee ilaa xalay ku mudaharaadaya Boorama waxaan leeyahay: magaalada ha naga gubina. Shaaricyada magaalada Boorama ee quruxda badan ayaa dab la sudhaya oo la gubaya. Dadku way mudaharaadi karaan, wax bay diidi karaan, laakiin in la gubo hantida ma aha," ayuu yidhi Taliye Cabdi Dheere.

Wuxuu sheegay in ciidamadu aanay mar dambe u dulqaadan doonin wixii xalay ka dhacay Boorama, isaga oo ku eedeeyay kooxo dano gaar ah leh inay ka faa’iidaysanayaan mudaharaadka, ayna dhacayaan hantida dadweynaha iyo tan gaarka loo leeyahayba, oo ay ku jirto xarunta Baanka Dhexe oo la weeraray.

Dhanka kale, wuxuu ugu baaqay bulshada in la isugu yimaaddo miiska wadahadalka, lagana hadlo wax kasta oo la isku hayo, isaga oo ciidamada amniga faray inay sii wadaan sugidda amniga magaalada.

Suldaan Dhawal, oo ka mid ah salaadiinta gobolka Awdal, ayaa saaka sheegay inay dhowaan la kulmeen Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, isla markaana ay u sheegeen inaanay marnaba aqbali doonin bandhigga buugga, balse ay doonayeen inay berri warbaahinta la wadaagaan wixii ay kala hadleen Madaxweynaha, hase yeeshee xukuumaddu ay arrinta ku degdegtay.

Saaka xaaladda magaalada weli way kacsan tahay, waxaana ka socda mudaharaado goos-goos ah, iyadoo ciidamada amnigu ay gaafwareegayaan suuqyada Boorama. Mudaharaadyaasha qaar ayaa magaalada ka taagan calanka dhaqdhaqaaqa Awdal State, iyaga oo ku dhawaaqaya "Awdal State".

Isbitaalka magaalada Borama ayaa la geeyay maydadka iyo dhaawacyada dadka ku waxyeeloobay isku dhaca booliiska iyo dadka shacabka ah, iyada oo xukuumada Somaliland lagu eedaynayo in awood u isticmaalayso banaanbaxayaal aan hubaysnay. Ilaa hadda xukuumadda Somaliland may soo bandhigin xal rasmi ah oo lagu dejin karo xiisadda ka taagan magaalada.