
Jimco, December 5, 2025 (HOL) - Senatorro iyo Xildhibaanno Dimoqraadi ah oo sar-sare ayaa cambaareeyay aflagaadada uu Madaxweyne Donald Trump ka sheegay dadka Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka, oo ay ku jiraan qoysaska soogalootiga iyo qaxootiga ah.
Wakiillada Gregory Meeks iyo Sara Jacobs, iyo Senatorrada Jeanne Shaheen iyo Cory Booker, ayaa ku tilmaamay hadallada Trump inay yihiin cunsuriyad iyo aan la aqbali karin.”
“Hadallada Madaxweyne Trump ee uu ku waxyeelleynayo Soomaaliya, Soomaalida Maraykanka ah iyo soogalootiga Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka – oo ay ku jirto xildhibaan Ilhan Omar, waa kuwo cunsuriyad ah oo aan la aqbali karin.
“Beddelkii uu awoodda madaxtinimada uga faa’iideysan lahaa mideynta dalka, Madaxweyne Trump wuxuu doortay inuu weeraro bulshada Soomaaliyeed ee Maraykanka, kuwaas oo intooda badan ah dad sharciga daacad ah oo wax badan ku biiriyay Mareykanka,” ayay yiraahdeen sharci-dejiyeyaasha.
Bayaanku wuxuu yimid kadib markii Trump uu ka sheegay shir golaha wasiirrada ah oo telefishinka laga baahiyay Salaasadii, in Soomaalidu ay ka lunsadaan Minnesota balaayiin dollar sanad walba isla markaana ay yihiin dad aan waxba soo kordhinayn isagoo ula jeeday bulshada Soomaaliyeed ee badan ee ku nool gobolka Mennisota.
Sharci-dejiyeyaasha Dimoqraadiga ah waxay ka digeen in hadallada Trump ay khatar ku yihiin midnimada gudaha, isla markaana ay leeyihiin cawaaqib caalami ah, iyagoo sheegay in hadalladani wiiqayaan danaha Mareykanka, kicinayaan naceybka Mareykanka lagana faa’iideysan karo kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab iyo ISIS (Daacish).”
“Waa inaan diidnaa luuqadda dadka Ameerikaanka kala qaybisa oo aan taageernaa dadka soo-galootiga ah ee wax ku biiriya bulshooyinkeena, dhaqaalaha, iyo amniga qaran,” ayay yiraahdeen.
Tan iyo ololehiisii guuleystay ee 2016, Trump wuxuu leeyahay taariikh dheer oo uu ku dhaliilayo soogalootiga Mareykanka u yimaada, gaar ahaan kuwa ka imanaya dalal gaar ah, isaga oo marar badan ku tilmaama in ay yihiin dambiileyaal badan