Khamiis, Mar, 04, 2010 (HOL) Ma ahan wax sahlan in aad ku safarto wadada isku xirta Magaalada Beledweyne ilaa laga gaaro degmada Jowhar ee xarunta u ah Goballka Shabeellaha dhexe bur burka ku dhacay wadada awgeed taasoo dhibaato weyn ay ku qabaan gadiidleyda iyo dadka isticmaala intaba.
Labada Magaalo Beledweyne iyo Jowhar oo caadi ahaan loo kala socdo maalin galinkeed ayaa hadda mar marka qaar waxaa dhacda in gadiidleydu u kala dhaxaan, maadaama ay la kulmaan Xiyaarad ka dhalata bur burka wadada Laamiga ah, waxaana ugu sii daran waqtiyada Roob oo ay xitaa xirmaan Jidadka Cariga ee gadiidku uga leexdo bur burka wadada Laamiga ah.
Dhawaan ayeey aheyd markii gaari Xamuul ah ay la go'day mid ka mid ah Kaabadaha xiriiriya wadada Laamiga, taasoo keentay in halkaa ay ku xayirmaan gadiid ka kala yimid Goballada dalka Soomaaliya sida Magaalooyinka Boosaso iyo Muqdisho islamarkaana siday Badeecooyin kala duwan.
Waxaase intaa oo dhan ka sii daray in qaar ka mid ah gadiidkaa ay la socdeen Haween sida Caruur aad u da'yar oo dhibaato ba'an kala kulmay xirnaashaha wadada maadaama waqtigu ahaa mid aad u kulul haraadkuna u dheer yahay.
Sidoo kale Xayiraada ka dhalatay bur burka wadada ayaa sababata khasaaro soo gaara Ganacsatada ay u raran yihiin gadiidka, gaar ahaan kuwa daabulla qudaarta kala duwan oo haddii uu gaarigu xayirmo ku dul baaba'da.
Sababta ugu weyn ee keentay in wadada sidaa u bur burto ayaa lagu fasirayaa Tinkiyada Ciidamada Dowladda Itoobiya ee isticmaalay wadada isku xirta Goballka Hiiraan iyo Magaaladda Muqdisho xiligii ay dalka soo galiyeen, iyo waliba iyada oo aan wadadu helin wax tayactir ah laga soo bilaabo 1991-waqtigaa oo ay meesha ka baxday Dowladdii Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Dhibaato gaadiidleyda iyo dadka ku safra ku qabaan waddada isku xirta Magaalada Beledweyne iyo Degmada Jowhar ee Goballka Shabeellada Dhexe
More News
- Maamulkii hore ee Jubooyinka oo la badalay iyo Maamul Cusub oo la magacaabay
- AXMED-SIILAANYO: “Lammaanaha Ingiriiska ah ee lagu haysto Mandaqadda aynu ku nool nahay waxa ka soo gaadhaya ceeb”
- MADAXWEYNE SHEEKH SHARIIF: "Kooxaha Dowladda kasoo horjeeda waa inay soo fariistaan miiska wada hadallada si ay dowladda ugu biiraan"
- Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Somalia oo sheegay in xukuumaddiisa ay dalalka Carabta ka doonayso gargaar
- Burcadbadeeddii qabsaday Markabkii laga lahaa Sucuudiga oo sii dayntiisa ku xiray lacag madaxfurasho ah oo gaaraysa 20-Milyan oo Dollar
- Mas'uul ka tirsan saraakiisha Ururka Xisbul Islaam oo sheegay in Sheekh Axmed Madoobe uu u adeego shisheeye ururkoodana uusan ka tirsanayn
- Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu sii daynayo Lamaanayaasha u dhashay Britain
- Soomaaliya oo 20-sano kadib shir gudoomineysa kulanka Wasiirro Arrimo dibadeedka Wadamada Carabta.
- Duqii Degmada Caluula oo Is Casilay
- Xukuumadda Somaliland oo masaafurisay Dad Ajaanib ah oo muddo shan bilood ah ku xidhnaa Berbera
- Roobab khasaare geystay oo ka da’ay Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo baaq u jeediyay Xukuumadda
- Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne oo howlgalo ka sameeyay deegaanno horay ugu sugnaayeen Xoogagga Ahlu Sunna
- Xarakada Alshabaab Iyo beel kamid ah beelaha dega gobolka J/hoose oo Heshiis gaaray