Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL) Wafdigii ka socday xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee mudooyinkii danbe ku sugnaa gobolka j/hoose ayaa waxa ay dhawaanahanba kulamo kala gooni gooni ah la lahaayeen odoyaasha beelaha dega Gobollada Jubooyinka.
Shalay gelinkii danbe kulan ka dhacay xarunta gobolka ee K2 oo ay isugu yimaadeen xarakada shabaabul mujaahidiin iyo odoyaasha Beesha Absame ayaa waxa laisku afgartay qodobo dhowr ah kuwaa oo ay labada dhinacba isku raaceen in ay meel mariyaan.
Qodobada ay isku afgarteen ododyaasha beesha Absame iyo xarakada alshabaab ee jubooyinka ayaa waxa kamid ahaa:-
· In la taageero Heshiiskii ka dhacay magaalada baydhabo ee ay gaareen xarakada alshabaab iyo Ururka raaskaambooni
· In Beesha Absame ay taageerto wilaayada islaamiga ah ee ka dhisan gobollada jubooyinka.
· In cafis loo fidiyo islamarkaasina heshii lala galo xoogaga dagaalka kula jira xarakada alshababa gaar ahaan garabka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.
Dhamaan qodobadaasi iyo kuwa kale ayay isku afgarteen labada dhinac in la meel mariyo.
Afhayeenka Beesha Absame Ismaaciil Haaruun, oo uga warbixiyay saxaafadda kulanka ka dib ayaa waxa auu sheegay in heshiiskii ay gaareen odoyaasha beesha absame iyo xarakada alshabaab uu yahay mid ay labada dhinac isku raaceen in ay ilaaliyaan, waxa uuna sheegay in dhankooda ay ka go’antahay in ay meelmariyaa.
Sikastaba ha ahaatee Masuuliyiinta ugu sareeysay Xarakada Alshabaab ee dhawanahanba ku sugnaa Gobollada Jubooyinka ayaa mudooyinkan danbe waxa ay kulamo kala duwan la qaadanayeen beelaha dega gobollada Jubooyinka iyadoo ay hore heshiis ceynkan oo kale ah ula sixiideen Odoyaasha Beesha Cawrmale ee degta gobollada Jubooyinka, waxaana ay sidoo kale arintani ku soo beegmeysaa xilli Sheekh Axmed Madoobe uu shaaca ka qaaday in uu sii wadi doono dagaallada uu kula jiro Xarakada Alshabaab ee Jubooyinka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Xarakada Alshabaab Iyo beel kamid ah beelaha dega gobolka J/hoose oo Heshiis gaaray
More News
- Maamulkii hore ee Jubooyinka oo la badalay iyo Maamul Cusub oo la magacaabay
- AXMED-SIILAANYO: “Lammaanaha Ingiriiska ah ee lagu haysto Mandaqadda aynu ku nool nahay waxa ka soo gaadhaya ceeb”
- MADAXWEYNE SHEEKH SHARIIF: "Kooxaha Dowladda kasoo horjeeda waa inay soo fariistaan miiska wada hadallada si ay dowladda ugu biiraan"
- Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Somalia oo sheegay in xukuumaddiisa ay dalalka Carabta ka doonayso gargaar
- Burcadbadeeddii qabsaday Markabkii laga lahaa Sucuudiga oo sii dayntiisa ku xiray lacag madaxfurasho ah oo gaaraysa 20-Milyan oo Dollar
- Mas'uul ka tirsan saraakiisha Ururka Xisbul Islaam oo sheegay in Sheekh Axmed Madoobe uu u adeego shisheeye ururkoodana uusan ka tirsanayn
- Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu sii daynayo Lamaanayaasha u dhashay Britain
- Soomaaliya oo 20-sano kadib shir gudoomineysa kulanka Wasiirro Arrimo dibadeedka Wadamada Carabta.
- Duqii Degmada Caluula oo Is Casilay
- Xukuumadda Somaliland oo masaafurisay Dad Ajaanib ah oo muddo shan bilood ah ku xidhnaa Berbera
- Roobab khasaare geystay oo ka da’ay Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo baaq u jeediyay Xukuumadda
- Dhibaato gaadiidleyda iyo dadka ku safra ku qabaan waddada isku xirta Magaalada Beledweyne iyo Degmada Jowhar ee Goballka Shabeellada Dhexe
- Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne oo howlgalo ka sameeyay deegaanno horay ugu sugnaayeen Xoogagga Ahlu Sunna