5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 31, 2008
Xasan Abshir Faarax oo ka tanaasulay u tartamidda Doorashada Madaxweynenimada Puntland, kuna sii jeeda Baydhabo

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax
Arbaco, December 31, 2008(HOL): Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo ka mid ahaa Musharaxiinta u tar tamaysa doorashada loo balansanyahay in ay Puntland ka dhacdo horaanta bishan ayaa maanta ka tanaasulay musharaxnimadiisa Madaxwaynenimo kadib shir uu ku qabtay Hotelka uu ka dagan yahay magaalada Garowe ee caasimadda DGPL.

Xildhibaan Xasan Abshir oo ay saxaafadda weydiisay waxyaabaha ku kalifay in uu tanaasulo ayaa sheegay in iminka aan loo baahnayn musharaxiin fara badan, balse loo baahan yahay qof wax u tari kara umadda Puntland, isagoo intaasi ku daray in musharaxiinta ay aad u fara bateen, xitaana ay ku jiraan kuwo hal deegaan ka soo jeeda oo dhowr ah.
 
Xasan Abshir Faarax oo  u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in uu ku noqonayo Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Baydhabo oo la filayo in ay dhawaan ka dhacdo doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya, wuxuuna ka gaabsaday in uu halkaas u tegayo in uu ka mid noqdo Musharixiinta madaxweynenimada Soomaaliya.
 
Xildhibaan Xasan Abshir ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dawladahii dalka Soomaaliya soo maray , isagoo TFGga markii ugu dambaysay ka ahaa Wasiirka Kalluumaysiga iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.
 
Ma ahan musharaxii uu horeeyay oo ka tanaasula u tartamida doorashada Puntland waxaana jiray Musharaxiin isaga ka horaysay oo xilkaasi isaga tanaasulay sida wasiirkii hore ee kalluumaysiga DGPL Axmed Siciid Aw-nuur.
 
Ugu danbayntii Xasan Abshir ayaa ka digay khiyaano lagu sameeyo musharaxiinta, isagoo ku baaqay in loo yeero kormeero beesha Caalamka ka socda oo goob joog ka noqda sida ay u dhacayso doorashada loo balansana yahay in ay Puntland ka dhacdo Sanadka cusub ee 2009.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia