Arbaco, December 31, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisimo ku leh gudaha Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa xalay weerar ku qaaday Xoogag Islaamiyiin ah oo ku sugan Deegaanno ka tirsan Gobolkaas.
Shiikh Xasan Jibriil oo u hadlay Xoogagga Islaamiyiinta ah ee weerarka qaaday ayaa wuxuu sheegay in ay weerareen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Buundada Degmada, Bartamaha Magaalada iyo halka lagu magacaabo Xero Koowaad, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay khasaare u geysteen Ciidamadii ay weerareen.
Shiikh Xasan waxaa uu sheegay in weerarkaas uu ogaantooda ku dhaawacmay qof rayid ah oo la socday gaari Safar ah oo ay Ciidamada Itoobiyaanka ku hayeen Buundada, wuxuuna Allaah uga rajeeyay qofkaas dhaawacmay caafimaad.
“Waxaan uga digeynaa dadka shacabka ah in ay maraan xiliyada habeenkii meelaha ay Ciidmada Itoobiyaanka ka dhow yihiin waayo waxaa dhici karta in ay ceshadaan gaadiidka safarka ah”ayuu yiri Shiikh Xasan Jibriil.
Ugu dambeyntiina, Shiikh Xasan Jibriil waxaa uu sheegay in ay sii wadi doonaan weerarrada ay ku qaadayaan Ciidamada Itoobiyaanka ilaa iyo inta ay ka baxayaan dhulka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia