![]() |
| Xildhibaan Xasan Abshir Faarax |
Xildhibaan Xasan Abshir oo ay saxaafadda weydiisay waxyaabaha ku kalifay in uu tanaasulo ayaa sheegay in iminka aan loo baahnayn musharaxiin fara badan, balse loo baahan yahay qof wax u tari kara umadda Puntland, isagoo intaasi ku daray in musharaxiinta ay aad u fara bateen, xitaana ay ku jiraan kuwo hal deegaan ka soo jeeda oo dhowr ah.
Xasan Abshir Faarax oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in uu ku noqonayo Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Baydhabo oo la filayo in ay dhawaan ka dhacdo doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya, wuxuuna ka gaabsaday in uu halkaas u tegayo in uu ka mid noqdo Musharixiinta madaxweynenimada Soomaaliya.
Xildhibaan Xasan Abshir ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dawladahii dalka Soomaaliya soo maray , isagoo TFGga markii ugu dambaysay ka ahaa Wasiirka Kalluumaysiga iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.
Ma ahan musharaxii uu horeeyay oo ka tanaasula u tartamida doorashada Puntland waxaana jiray Musharaxiin isaga ka horaysay oo xilkaasi isaga tanaasulay sida wasiirkii hore ee kalluumaysiga DGPL Axmed Siciid Aw-nuur.
Ugu danbayntii Xasan Abshir ayaa ka digay khiyaano lagu sameeyo musharaxiinta, isagoo ku baaqay in loo yeero kormeero beesha Caalamka ka socda oo goob joog ka noqda sida ay u dhacayso doorashada loo balansana yahay in ay Puntland ka dhacdo Sanadka cusub ee 2009.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia
