Weerar xoggan oo galabta lagu qaaday Xarunta Villa Somalia

Talaado, March 13, 2007(HOL): Weerar aad u xooggan ayaa 4-tii galabnimo ee maanta waxaa lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, waxayna kooxaha weerarka ku qaaday xarunta Madaxtooyada iyo Ciidamada ilaalada ah Madaxtooyada ay is-dhaafsadeen rasaas yar yar oo aad u badan iyo madaafiic qaarkood ay ku dhaceen xaafadaha Muqdisho qaarkood.

 

Lama yaqaano ilaa iyo haatan khasaaraha weerarkaas iyo weerar celiska ka dhashay, inkastoo ay shaki la’aan tahay in ay khasaare geysanayaan madaafiicda ay labada dhinac isku ridayaan.

 

Weerarkan lagu qaaday Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu saakay dib ugu soo laabtay Villa Somalia Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo muddo bil ku dhow ka maqnaa Magaalada Muqdisho.

 

Wixii soo kordha kala soco Hiiraan Online Hadii uu Alle idmo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia