Dagaal xooggan oo ka dhacay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho

Talaado, March 13, 2007(HOL): Dagaal aad u xooggan ayaa duhurnimadii maanta waxaa uu ka dhacay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaasina uu dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah oo wadadaas marayay iyo Kooxo hubeysan.

 

Dagaalka oo qadar daqiiqado ah socday ayaa waxaa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, kuwaasi oo badankood soo gaaray dad rayid ah oo guryahooda iyo goobahooda ganacsi iska joogay.

 

Iska hor imaadkan ayaa la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana rasaasta xooggeeda riday Ciidamada Itoobiyaanka oo iyagoo socdaal u sii ahaa dhinaca Degmada Afgooye uu weerarka qabsaday.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee lagu weeraray nawaaxiga Isgoyska Banaadir ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen dhinaca garoonka Diyaaradaha Muqdisho, halkaasi oo uu saakay ka degay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Si kastaba arrntu ha ahaatee, Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa mar kasta waxaa lala beesadaa weerarro looga soo horjeedo joogitaankooda Magaalada Muqdsho. Dagaalkan maanta duhurtii lagu qaaday  Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi uu sheegay in uu si dhaqsi ula baxayo Ciidamada ka jooga Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia