Talaado, April 24 (HOL) - Qarax weyn oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa lagu soo rakibay ayaa maanta waqtigii salaadda casar ee xilliga Muqdihsa waxa uu ka dhacay meel ku dhaw Hotel-ka Ambasador ee magaalada Muqdisha.
Waxaa qaraxaasi ku naf waayay dad kor u dhaafaya ilaa 6ruux iyadoo sidoo kalena uu dhaawacyo haleeshiyay tiro kale oo intaasi ka badan.
Dadka geeriyooday ayaa waxa ay isugu jiraan xubno ka tirsan dowladda Somaaliya iyo dad rayid ah oo ka dhawaa goobta qaraxu uu ka dhacay .
Sida ay dad goob joogayaal ah u xaqiijiyeen HOL waxaa baabuurka qarxay oo ahaa gawaarida gawaarida yar yare ee raaxada lasoo dhigay goobta uu qaraxu ka dhacay aroornimadii sakaay.
Qaraxan ayaa ka dhacay meel horraantii bishan lagu qarxiyay gaari uu lahaa mid kamid ah saraakiisha dowladda Soomaliya oo isagu daganaa Hotel-ka Abmasador.
Lama oga ilaa iyo haatan cidda lala bar tilmaameedsanayay weerarkan marka laga reebo in goobta uu ku qarxay ay ku badan yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo qaar ka tirsan Masuuliyiinta DKM oo iyagu degaan ahaan u jooga hotel-ka laf ahaantiisa.
Waa qarixii labaad oo maanta ka dhaca dalka soomaaliya iyadoo duhurnimadii maantana ruux naftii hure ah oo kaxeynayay baabuur yar uu isku qarxiyay xero ay ciidamada itoobiya ku leeyihin deg. Afgooye .
Hiiraan Online
[email protected]