Talaado, 24, Apri. 2007 (HOL) Ciidamada Fariisinkoodu yahay Deegaanka Jante-kuwiindisho oo uu jirta Magaalada B/weyn 5km ayaa Gacanta ku dhigay markii ugu horeysay Baaritaan ay sameeyeen Gaari noociisu ahaa (Waa-raad) kuna sii jeeday Gobalada dhaxe soomaaliya kaasoo sida ay cadeeyeen Saraakiisha Itoobiya siday Hub isugu jiray Rasaasta Qoryaha AK-47, Qoyaha Fud-fudud, iyo waliba Qoriga Huubiyaha ah,
HOL oo tagtay Deegaanka Jante-Kuwiindisho ayaa u suurta gashay in ay halkaasi ku soo aragto Qaar ka mid ah Hubka la qabtay oo dul -saarnaa gaariga, waxaana ay saraakiishu sheegeen in ay suurta gal-tahay in qaar ka mid ah hubkaasi la doonayay in la soo galiya Gudaha Gobalka si markaa loogu abuuro amaan daro, iyaga oo intaa raaciyay in wixii hada ka danbeeya ay xooga saari doonaan baritaan lagu sameynayo gadiidka ku safra watada isku xirta Gobalada dhaxe.
Ciidamada Itoobiya ee degan Duleedka Magaalada B/weyn ayaa tan iyo markii ay soo dageen waxaa ay siweyn ula socdaan dhaq-dhaqaaq guud ee nabad-galyada Gobalka iyaga oo shirar faro badan oo ay la galeen mas'uuliyiinta Maamulka Gobalka iyo waliba sarkiisha Ciidamada Booliska ku wargaliyay in ay u joogaan halkaa wax ka qabashada arimaha nabad-galyada.
Dhanka kale wararka ka soo baxaya Magaalada B/dhabo ee Xarunta Gobalka Bay ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Dowlada Federaalku halkaa ku qabteen Gaari sida la sheegay hub u sida dhinaca Magaalada Muqdisho kaasii lagu hayo baritaan ku aadan cida Rasaastaasi loo siday iyo waliba halka laga keenay intaba.
Ma'aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale la qabto Hub iyo waliba Rasaas loo siday Meelo kala duwan oo dalka ah, waxaan xusid mudan in sidaa oo kale dhawaan magaalada Kismaayo lagu qabtay gaari ay ku rarnaayeen Hubka noocyadood kala duwan lakiin markii danbe ay la wareegtay Dowlada federaalku.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
E-mail: [email protected]