advertisements

Soomaali dagaal dambe allah ka ilaaliyo

Read in EnglishAF-Soomaali Read in EnglishAF-SoomaaliRead in EnglishAF-Soomaali 

 

Ku: Cabdullaahi Yuusuf Axmed

       Madaxweynaha Dawladda Federaalka Ku-Meelgaarka ah

  

Ku: Sheekh Xasan Daahir Aweys

       Guddoomiyaha Majliska Shuurada ee Midawga Maxkamadaha

  

Ku: Shariif  Xasan Sheekh Aadan

        Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Federalka Ku-Meelgaarka ah

  

Ku: Cali Maxamed Geeddi

      Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federalka Ku-Meelgaarka ah

  

Ku: Sheekh Shariif Sheekh Axmed

       Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Midawga Maxkamadaha Islaamka

  

Og: Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil

        Madaxa Wafdiga Dawladda ee Wadahadalada Khartuum

  

Og:  Ibraahim Xassan Caddow

        Madaxa Wafdiga Midawga Maxkamadaha ee Kulanka Khartuum

  

Og:  Xubnaha Baarlamaanka Dawladda Federalka Ku-Meelgaarka ah.

 

Og:  Xubnaha Majliska Shuurada ee Midawga Maxkamadaha Islaamka

  

  

UJEEDDO: CODSI NABAD RAADINEED

  

Mudanayaasha qiimaha iyo qaayaha leh;

  

Annaga oo ah ummad Somaliyeed oo Ilaahii Weynaha ahaa uu walaaleeyey; kuwaas oo meel kasta oo ay adduunka ka joogaan Rabbi ku walaaleeyey diinta Islamka iyo dhaqanka iyo af-ka qiimaha leh oo ay wadaagaan.

  

Mudanayaal, ummadda Somaliyeed waa ay ogtahay in waxa ay wadaagaan ay aad uga badan yihiin kala duwanaashahooda amaba waxyaabaha ay isku khilaafsan yihiin.

  

Mudanayaal, ummadda Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxay si aad ah uga xun yihiin dhibaatada, dhimashada iyo burburka ku yimid ummaddeenna iyo dalkeenna muddadii 16-ka sano ee la soo dhaafay, taasoo keentay in magaca Somaliyeed uu hal-ku-dhag u noqdo dawlad burburtay; fashil iyo fadeexad ummadeed.

  

Mudanayaasha qiimaha leh;

  

Waxaan si walaalnimo Somaliyeed ah idiinka codsanaynaa in aad wax walba ka horumarisaan danta guud ee ummadda Somaliyeed. Waxaan si walaalnimo Somaliyeed ah idiinka codsanaynaa in aad ka hortagtaan joojisaanna dagaal iyo wixii keeni kara dhimasho, burbur iyo qax hor leh ee ku yimaada ummadda Somaliyeed ee hore u jabtay.

  

Waxaan si walaalnimo Somaliyeed ah idiinku baaqaynaa in aad awooddiinna oo idil isugu geysaan sidii waddanka oo dhan loogu soo celin lahaa nabad iyo degganaansho buuxda.

  

Waxaan si walaalnimo Somaliyeed ah idiinka codsanaynaa in aad ku gorfaysaan arrimaha nabadeed ee qiimaha weyn inoo leh niyad-sami, isu-buradeyn iyo walaalnimo.

  

Waxaan si walaalnimo Somaliyeed ah idiinka codsanaynaa in aad ka soo durugtaan fikradihiinna, oo aad isugu timaaddaan meel dhexe oo kordhisa walaalnimada iyo helidda nabad gelyo waarta.

  

Xusuusta Xadiiskii Nabigeenna (SCW) “khayr ul umuuri awsaduhaa” oo macneheedu yahay wax walba waxaa ugu khayr badan dhexdhexaadka, iyo waliba in Rabbi (SW) hortiisa la idinkula xisaabtami doono masuuliyadda idinka saaraan nolosha iyo nabadgelyada ummadda Somaliyeed ee dhibka ku raagtay.

  

Waxaan si walaalnimo Somaliyeed leh idiinka codsanaynaa in aad si sharaf, qaddarrin iyo walaalnimo leh aad uga dooddaan, kana gun gaartaan xal-u-helista khilaafka; waxaan idinku adkaynaynaa in aad ka fogaataan wixii amaba ciddii khal-khal iyo khilaaf idinka dhex-abuuri karta iyago oo dano gooniya leh, taas oo keeni karta isku-dhac uu ku daato dhiig walaalo Soomaaliyeed.

  

Ilaahay dhammaanteen wanaagga hanna waafajiyo.

  

Magaca

Waddanka

Abdirashid K. Hashi

Toronto, Canada

Abdulcadir S. Hussein (Ph.D) 

Melbourne, Australia

Ali A. Fatah 

Maryland, USA

Hodan Mohamed

Boston, USA

Maxamuud Xuseen Khaliif

Jeddah, Saudi Arabia

Khadija O. ALi (Ph.D Candidate)

Virginia, USA

Khadar Bashir-Ali (Ph.D)

Abu Dhabi, UAE

Bashir M Hussein (Ph.D)

The Netherlands

Mohamed Abdurahman Dalmar

Ottawa, Canada

Eng Salahdin Abdurahman Maow

Berlin, Germany

Abdi Greek (Med. Doctor)

UK

Ahmed Jama Hamud     

Toronto, Canada

Prof. Alinur Mohamed

Pennsylvania, USA

Ibrahim Abdulkadir

Boston, U.S.A.

Sadia Kh. Ali Aden (M. Sc.)

Virginia, USA.

Mohamud A. Mohamud

Melbourne, Australia

Issa M. Farah (Ph.D. candidate)

Melbourne, Australia

Abdirazaq Ibrahim Sabriye

Melbourne, Australia

Cabdiraxman Foodcadde (M.Sc.)

Melbourne, Australia

Jabril I. Abdulle

Ottawa, Canada

Said Ahmed

Toronto, Canada

Abdiwahab A. Musse (PhD candidate)

 Guelph, Canada

Mohamed S. Hussein

Melbourne, Australia

Prof. Awil Ali Hashi

Dubai, UAE

Ali Bahar (Ph.D)

Houston, USA

Mahamud-Shukri Hersi

Ottawa,Canada

Eng. Abdikarim Hussein Ahmed (BSc,MCSA)

London, UK

Eng. Ali Mohamed Omar

Raleigh, NC USA

Saida Mohamed 

Raleigh, NC USA

Qoran Noor (M. Sc)

Stockholm, Sweden

Mohamood Abdi Noor

USA

Said Sheikh Abdi Omar

Toronto, Canada

Shukria Dini, PhD. Candidate,

Toronto, Canada

Hussein Ahmed Warsame (Ph.D)

Calgary, Canada

Eng. Mukhtar Xuseen Mohamed

Oslo, Norway.

 Mohamed Abdallahi

Toronto, Canada

Zainab Hassan

Minneapolis, MN

 

Magacya cusub ayaa maalin waliba lagu daridoonaa. Haddii daneyneyso nabad ka islaaxda Soomaaliya, fadlan e-mail u soo dir adiga oo soo sheegaya magacaaga iyo meesha aad deggentahay kuna soo hagaaji :

 

Abdirashid K. Hashi
Toronto, Canada
 
Abdulcadir S. Hussein (Ph.D) 
Melbourne, Australia
abdulcadir@ bigpond.com