Saturday August 01, 2025
Qore: Omar Abdulle (Dhagey)

Muqdisho waa caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana xarunta ugu weyn ee siyaasadeed, dhaqaale iyo dhaqan ee dalka. Iyadoo ay sidaas tahay, haddana magaalada waxaa haysata caqabado sababay dib u dhacyo dhanka maamulka ah. Maamul dhameystiran oo ku saleysan sharci gaar ah ma jiro, faragelinta siyaasadeed waa mid joogto ah, halka matalaadda dadka magaalada ay la'yihiin nidaam cadaalad ah oo dastuuri ah.
Tan iyo markii ay Soomaaliya
qaadatay nidaamka federaalka, dowlad-goboleedyada ayaa helay awoodaha
dastuuriga ah ee sharci-dejin, fulin, iyo garsoor. Muqdisho, oo ah caasimad,
weli looma sameyn nidaam rasmi ah oo qeexaya doorkeeda siyaasadeed iyo maamulkeeda.
Tani waxay dhalisay su’aalo badan: Waa maxay maqaamka Muqdisho? Yaa xaq u leh
inuu xukumo magaalada? Yaa matala shacabka Muqdisho?
Muqdisho iyo Maamulka Gobolka Banaadir: Xaaladda Hadda
Muddo dheer, Muqdisho waxaa lagu maamulayay iyadoo hoos tagta Maamulka Gobolka Banaadir, oo si toos ah uga amar qaata Xafiiska Madaxweynaha. Ma jiro sharci qeexaya in Muqdisho tahay dowlad-goboleed, taas oo sababtay jahawareer siyaasadeed iyo khilaaf ku saabsan awoodaha maamulka, miisaaniyadda, iyo qorsheynta horumarineed. Dhibaatada ugu weyn waxay tahay in dadka Muqdisho aysan helin matalaad siyaasadeed oo u dhiganta miisaanka ay magaalada ku leedahay dalka.
Haddii aan wax laga beddelin
xaaladdan, waxay sii wiiqi kartaa kalsoonida dadweynaha ku qabaan dowladda
dhexe, waxayna carqaladeyn kartaa hirgelinta nidaamka federaalka ee dalka.
Maxaa Laga Filan Karaa Haddii Muqdisho Hesho Maqaam Dowlad-Goboleed?
Haddii Muqdisho loo aqoonsado magaalo dowlad-goboleed (City-State), waxaa suurta gal noqon doona in:
- Shacabka Muqdisho si toos ah u doortaan maamulkooda
- Magaalada yeelato sharci-dejin maxalli ah iyo garsoor u gaar ah
- La helo boolis iyo adeegyo amni oo gaar u ah magaalada
- La xaqiijiyo ka qaybgalka dimoqraadi ah iyo matalaad caddaalad ah
- Loo suurtagaliyo maalgashi gudaha iyo mid caalami ah iyadoo la helayo canshuuraha magaalada oo dib loogu celiyo horumarinta
Tani waxay u baahan tahay in
Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo sharci gaar ah, sida uu dhigayo Qodobka
49(1) ee Dastuurka KMG ah, kaas oo awood siinaya Golaha Shacabka inuu go’aamiyo
tirada iyo xuduudaha dowlad-goboleedyada.
Dastuurka iyo Sharciga: Maqaamka Muqdisho
Qodobka 9aad ee Dastuurka Federaalka wuxuu tilmaamayaa in maqaamka caasimadda Soomaaliya lagu go’aamin doono dib-u-eegista Dastuurka. Waxaa sidoo kale lagu caddeeyay in sharci gaar ah laga soo saaro, si labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka u ansixiyaan. Sidaas darteed, maqaamka Muqdisho ma ahan arrin siyaasadeed oo kaliya, balse waa waajib dastuuri ah.
Dalka Jarmalka, tusaale ahaan, magaalada Berlin waxay leedahay maqaam gaar ah oo u oggolaanaya inay si madaxbannaan u maamusho arrimaheeda gudaha, iyadoo weli ah caasimadda dalka. Sidaas oo kale, Muqdisho ayaa loo baahanyahay in la siiyo sharciyad u gaar ah iyadoo aan lagu xadgudbaynin midnimada qaranka.
Qaabka Maamul ee La Soo Jeedinayo
Qaabka la soo jeedinayo waxaa ka mid ah in Madaxweynaha Magaalada ama Maayarka guud si toos ah u doortaan shacabka. Waxaa jiri doona golaha fulinta oo uu magacaabo maayarka, islamarkaana uu ansixiyo golaha wakiillada magaalada. Dhanka sharci-dejinta, Golaha Wakiillada Magaalada wuxuu ka koobnaan doonaa xubno laga soo doortay degmooyinka magaalada, kuwaasoo leh awood sharci-dejin oo maxalli ah. Waxaa intaa dheer in magaalada yeelan doonto maxkamado u gaar ah, iyo boolis hoos taga maamulka rayidka ah ee magaalada Muqdisho.
Faa’iidooyinka Siyaasadeed iyo Dhaqaale
Siinta Muqdisho maqaam gaar ah waxay leedahay faa’iidooyin badan:
- Waxay meesha ka saari doontaa faragelin siyaasadeed oo joogto ah
- Waxay suurtagelin doontaa in la helo horumar dhaqaale iyo maalgelin caalami ah
- Waxay dejin doontaa nidaam caddaalad ah oo lagu qeybsado dakhliga
- Waxay kordhin doontaa ka qaybgalka shacabka ee go’aamada siyaasadeed
- Waxay xoojin doontaa isku xirnaanta federaalka
iyada oo Muqdisho noqoneyso magaalo dhexdhexaad ah oo u adeegta dhamaan
bulshada Soomaaliyeed
Caqabadaha Suurtagalka ah iyo Xalka
Inkasta oo hindisahan leeyahay taageerayaal, haddana waxaa jiri kara caqabado:
- Mucaarad siyaasadeed oo ka yimaada dowladda dhexe ama dowlad-goboleedyada kale
- Khilaafaad beeleed oo salka ku haya awoodeed
- Isku dhacyo ka dhasha kala caddeyn la’aanta awoodaha dowladda dhexe iyo maamulka magaalada
Si loo xaliyo, waxaa lagama
maarmaan ah in la sameeyo wadahadallo qaran, la dejiyo dastuur u gaar ah
magaalada, iyo in la ansixiyo sharci qeexaya awoodaha labada dhinac.
Gunaanad
Muqdisho waxay mudan tahay in loo aqoonsado magaalo dowlad-goboleed ah (City-State), si ay uga baxdo xaaladda mugdiga siyaasadeed ee ay ku sugan tahay. Arrintan ma aha mid keliya dan u ah dadka magaalada, balse waa arrin quseysa dowlad-dhiska Soomaaliya guud ahaan. Magaalada Muqdisho oo loo dhiso maamul dastuuri ah, madax-bannaan, iyo mid dimoqraadi ah waxay horseedi kartaa in la helo caasimad si hufan ugu adeegsata kaalinteeda qaran.
Waxaa la jooga waqtigii Baarlamaanka Federaalka uu qaadi lahaa tallaabooyinkii loo baahnaa si Muqdisho loo siiyo maqaam ay si sharci ah ugu shaqeyso, ugana mid noqoto dowlad-goboleedyada dalka si buuxda.
__________________________________
Qore: Omar Abdulle (Dhagey)