6/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Maalgashiiga Caafimaadka ee Soomaaliya: Furaha Horumarka Dhaqaale iyo Bulsho
By Adam Abdulle
Friday March 22, 2024

"Hal dollar kasta ee lagu maalgeliyo caafimaadka bulshada waxaa la sheegay inuu soo celiyo ugu yaraan toban doollar oo ah faa'iido dhaqaale." - Hay'ada Caafimaadka Aduunka

๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐๐ก๐š๐œ

Maalgashiga lagu sameeyo caafimaadka waddan wuxuu udub dhexaad u yahay hormarinta bulshada iyo dhaqaalaha dalkaas. Caafimaadka bulshada oo wanaagsanaada wuxuu suurtageliyaa bulsho horumarsan, wax-soo-saar sare leh, xasilooni amni iyo mid siyaasadeed leh, kuwaas tiirar muhiim u ah dhismaha mustaqbal wanaagsan ee waddan kasta.

Maalgashiga caafimaadka ee Soomaaliya waa mid ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan ee horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha dalka. Wax-soo-saarka, amniga, siyaasadda, ganacsiga, caafimaadka, wabrashada, horumarinta bulshada, iyo majaal kasta oo ay bulsho leedahay intaba waxaa ka shaqeeya dad. Tani waxay ka tarjumaysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo adeegyo caafimaad oo tayo leh, la awoodi karo, gaar ahaan marka la eego xaaladaha adag ee caafimaad ee ay wajahayaan dadka Soomaaliyeed wakhti xaadirkan la joogo.

Haddii aanan istiraatijiyad laga yeelan caafimaadka dadka waxay taasi dhaawac weyn u geynsan kartaa dhaqaalaha, horumarka, iyo kobaca bulshada.

advertisements
Helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh, lana awoodi karo waa xuquuq aasaasi ah, sidaasi darteed tallaabo kasta oo loo qaado dhanka maalgashiga caafimaadka waa tallaabo loo qaaday dhanka xaqiijinta xuquuqdaas aasaasiga ah.

๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ž๐ž ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š: Soomaaliya waxay leedahay mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee dhimashada dhallaanka adduunka. Fursad cadaaladda ah ee noloshu waxay ku bilaabataa caafimaad tayo leh. Nasiib darro, carruur badan oo Soomaaliya ku nool ayaa weli laga deyrinayaa arrintan. Tusaale, 4 ka mid ah 100 ka carruur ah ee

Soomaaliyeed ayaa dhinta bisha ugu horreysa ee noloshooda, 8 ka mid ah 100 ka hor dhalashadooda/sanad guuradooda koowaad ayay dhintaan, mid ka mid ah 8 ka hor inta uusan gaarin shan sano ayuu dhintaa. Tani waxay ka dhigan tahay in ka badan 60

boqolkiiba dhimashada shanta sano ka yar ee dhallaanka Soomaaliyeed. Intaas waxaa dheer, 20-kii dumar ah ee da'doodu u dhaxayso 15-49 mid ka mid ah ayaa u dhimata dhibaatooyinka la xiriira cudurrada uurka ama dhalmada sanad walba (Hayโ€™adda

UNICEF, Soomaaliya).

๐‡๐ž๐ฅ๐ข๐ญ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š: Waxaa weli aad u adag in dadka Soomaaliyeed heleen adeegyada caafimaad ee aasaasiga u ah badqabka caafimaadka aadanaha. Int a yar ee adeegyada caafimaad ee la helana aad ayay qaali u yihiin, tayadoodu way hooseeysaa, intaasi waxaa dheer, adeegyadaan keliya waxaa laga helaa magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya qaar ka mid, haba u badnaatee Muqdisho oo ah caasimadda ummadda Soomaaliyeed.

๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐…๐š๐š๐Ÿ๐š: Cudurrada faafa sida jadeecada, shuban-biyoodka, iyo kuwo kale oo qarniyaal kahor laga dabar-gooyay dunida ayaa weli caqabad weyn ku haya bulsha weynta Soomaaliyeed.

๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐: Caafimaadka Soomaaliya waxa uu wajahayaa caqabado dhowr ah, waxaana arrintaasi ugu sii daray xaaladaha cimilada ee daran, khilaafaadka gudaha, iyo nafaqo-xumada haysata dadka Soomaaliyeed, khaasatan dhallaanka. Sanadkii 2023, dhibaatooyinkan waxay si gaar ah u saameeyeen caruurta iyo haweenka. Tussle ahaan, inta lagu jiray xilliga abaaraha iyo fatahaadaha ka dhashay El Nino, ku dhowaad 888,000 qof ayaa helay biyo deg-deg ah, halka 1.24 milyan qof ay ka faa'iidaysteen barnaamijyo xagga nadaafadda ah iyo qaybinta agabka nadaafadda kuwaas oo aasaasi

u ah fayadhowrka iyo caafimaad qabka aadanaha (Hayโ€™adda UNICEF, Warbixinta Xaalada Soomaaliya 2023).

๐ƒ๐ก๐ข๐ฆ๐ข๐ซ๐ค๐š: Caafimaadka dhimirka ee Soomaaliya waa arrin u baahan mudnaan iyo tixgelin gooni iyadoo la tixraacayo taariikhda dagaallada sokeeye iyo dhibaatooyinka baniโ€™aadamnimo ee dalka ka jira/jiray rubac qarnigii lasoo dhaafay. Daraasado kala duwan ayaa muujiyay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu sarreeya ee leh heerarka xanuunnada dhimirka. Xaaladaha nololeed ee adag, soda dagaallada, musiibooyinka dabiiciga ah, gaajada, qulubka, iyo amni darrada, ayaa gacan ka geystay arrintaan. Burburka kaabayaasha bulshada iyo nidaamyada caafimaadka ayaa ka dhigay in adeegyada caafimaadka dhimirka ay noqdaan kuwo aan ku filneyn oo aan gaarin dadka u baahan.

Xaaladdan adag waxay keentay in adeegyada caafimaadka dhimirka aysan ku filneyn, iyadoo ay jiraan xarumo tiro yar oo ku takhasusay caafimaadka dhimirka iyo shaqaale yar oo xirfad leh. Inta badan dadka qaba xanuunnada dhimirka waxay ku tiirsan yihiin daryeelka qoyska iyo bulshada, iyo adeegyada dhaqameed dunidu ka gudubtay waaโ€™ hore sida in qofka cudurka dhimarka qaba ama looga shekiyo la xiro taas oo uga sii darta xaaladooda caafimaad. Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay in la xoojiyo awoodda daryeelka caafimaadka dhimirka, oo ay ku jiraan tababarka shaqaalaha caafimaadka dhimirka, horumarinta siyaasadaha iyo sharciyada taageeraya caafimaadka dhimirka, iyo in la maalgeliyo caafimaadka dhimirk (isbitaal, qalab, daawo, tababar, iyo cilmi-baaris).

๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐’๐ข๐ข ๐๐š๐๐š๐ง๐š๐ฒ๐š: Waxaa jira cudurro helis ah ama kuwa faafa oo kusoo badanaya Soomaaliya sida keliyo-fadhiisadka, macaanka, kansarka, iyo cagaarshowga, jadeecada, shuban-biyoodka kuwaas oo u baahan la tacaalid sare iyo lagu sameeyo maalgashi xooggan (cilmi-baaris).

๐—๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š: Daraasad uu sameeyeen Machadka Heritage , 2020, waxay ku sheegeen in Soomaaliya leedahay qaar ka mid ah tilmaamayaasha caafimaadka iyo fayo-qabka ugu hooseeya adduunka, haba ugu badnaatee dhibaatada

caafimaad ee heysata haweenka iyo carruurta.

Natiijooyinka daraasaddan uu Machadku sameeyay ee la xiriirtay Istaraatiijiyada Korumarinta Kheyraadka Aadanaha ee Soomaaliya ayaa muujisay in adeegyada caafimaadka Soomaaliya yihiin kuwo laga naxo ama laga argagaxo. Daraasaddu waxa ay tibaaxday in shaqaalaha daryeelka caafimaadku aysan laheyn xirfad iyo aqoon caafimaad oo ku filan, waxaana taasi u sii dheer in aysan heysan ama isticmaalin qalabka ama agabyada lagama maarmaanka u ah shaqoonyinkooda.

Daraasaddu waxaa kale oo ay muujisay yaraanta ama hooseynta dhammaan shaqaalaha caafimaadka, gaar ahaan xirfadlayaasha heerka dhexe iyo dhakhaatiirta.

Tirada guud ee xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka ee ka hawlgala Soomaaliya 2019 (marka laga reebo Somaliland) waxay daraasaddu ku sheegtay ku dhawaad 9,566, tiradaan oo lagu tilmaami karo kasoo rayn la eg 4,122 marka loo fiiriyo intii ay ahayd

sannadkii 2016, sida ay kasoo xigteen Ururka Caafimaadka Adduunka. Daraasaddu waxa soo jeedisay, in si loo gaaro daryeelka caafimaadka caalamiga ah ay Soomaaliya u baahan tahay in ay shaqaaleysiiyo 97,700 shaqaale caafimaad oo iskugu jira dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal iyo umulisooyin marka la gaaro 2030.

๐…๐š๐šโ€™๐ข๐ข๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š

โ–ช ๐˜๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐‡๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐ข๐ฆ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š: Walow aan qirsannahay in ay xaq tahay dhimashadu qof welibana mar un la oofsanayo, haddane waxaa jira dhimasho badan oo ay sababaan cudurro laga dabar-gooyay dunida quruumo kahor. Sidaasi darteed, maalgashiga caafimaadka, sida talaalka iyo adeegyada hooyada iyo dhallaanka, ayaa si weyn u yareyn kara dhimashada laga baaqsan karo (haddii la xalliyo asbaabaha). Tusaale ahaan, haddii la maalgeliyo barnaamijyo talaal oo ballaaran, waxaa suurtagal ah in la yareeyo dhimashada carruurta ee ku dhalata cudurrada sida jadeecada iyo shuban biyoodka iwm.

โ–ช ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ฎ ๐๐š๐š๐๐ข๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š: Maalgashiga caafimaadka wuxuu inta badan keena faa'iidooyin bulsho iyo dhaqaale, sida kor u qaadida caafimaadka guud ee bulshada, taasoo keeni karta shaqaale caafimaad qaba oo wax-soo-saar leh. Tusaale ahaan, barnaamijyada caafimaadka bulshada ee wanaagsan waxay yareeyaan maqnaanshaha shaqada ee la xiriirta xanuunka, taasoo kordhisa wax-soo-saarka guud dalka. โ€œMaalgelinta caafimaadku maaha kaliya badbaadinta nolosha, waxay sidoo kale gacan ka geysataa dhisidda bulshooyin xooggan, barwaaqo waara, iyo dhaqaale xasilloon." -

Madasha Dhaqaalaha Adduunka.

โ–ช ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š: Horumarinta raasamaalka aadanaha waxaa laf-dhabar u ah dhowr arrimood oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin nafaqada, caafimaadka, waxbarashada, iyo shaqada. Carruurta caafimaad qaba waxay u badan tahay inay sii wataan oo ay gaaraan heerar waxbarasho oo sare.

Nafaqada saxda ah waa aasaaska caafimaadka, waxayna siisaa ardayda tamarta iyo nafaqooyinka loo baahan yahay si loo hormariyo garaadka iyo jirka ardayga, taasoo si toos ah u saameysa awoodda ardaygu uu wax ku baran karo. Tusaale, barnaamijyada quudinta, nafaqeynta iyo adeegyada caafimaadka ee kale ee ardayda la siiyo waxay horumariyaan dhiifoonaanta, waxbarashada, iyo waxqabadka ardayda, taasoo kor u qaadda natiijooyinka waxbarashada ee ardayda. Caafimaadka jirka iyo maskaxda labadaba waa muhiim sidoo kale, waxayna arday ku caawiyaan in uu si buuxda ugu qeyb qaato warxbarasha kana miro dhaliyo. Waxbarashadu waxay door weyn ka ciyaartaa qaabaynta xirfadaha, aqoonta, iyo kartida ardayda, iyadoo u diraarisa ardayda in ay ka qayb qaataan wax-soosaarka iyo kobaca dalka. Shaqadu, ma aha oo kaliya inay bixiso xasilooni dhaqaale qofeed, laakiin sidoo kale waxay bixisaa fursado koritaan shaqsiyadeed iyo ka qayb qaadashada tabaca ama wax-soo-saarka waddanka, taasoo sare u sii qaadda qiimaha raasamaalka aadanaha la carbiyay ama la horumariyay. Maalgashiga daryeelka caafimaadka qaybahaan ayaa si gaar ah muhiim u ah, maadaama ay si weyn u taageeri karaan waxbarashada ardayda, nafaqadooda, iyo dhaqaalaha guud ee dalka.

โ–ช ๐˜๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐…๐š๐ช๐ซ๐ข๐ ๐š: Dhaqaalaha waddan kasta waxaa saldhig u ah isku darka wax-soo-saarka dadkiisa. Caafimaadka wanaagsan ee dadku wuxuu yareeyaa faqriga isagoo kordhinaya awoodda shaqo ee dadka. Dadka caafimaad qaba waxay awoodaan inay si joogto ah u shaqeeyaan, taasoo yareynaysa saboolnimada. Tusaale ahaan, helitaanka adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah waxay yareeyaan maalmaha shaqo ee lumay sababo la xiriira xanuunada. "Helitaanka adeegyada caafimaadka aasaasiga ah ee tayada leh, la awoodi karo, iyo kuwo loo siman yahay waa mid ka mid ah tiirarka ugu

muhiimsan ee yareynta saboolnimada iyo taageerida horumarka dhaqaale." - Qaramada

Midoobay

โ–ช ๐ƒ๐ž๐ ๐š๐ง๐š๐š๐ง๐ฌ๐ก๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š: Caafimaadka wanaagsan ee dadku wuxuu sare u qaadaa xasilloonida bulshada iyo amnigeeda. Adeegyada caafimaadka ee dhimirka, tusaale ahaan, waxay ka hortagi karaan dhibaatooyinka (fowdo, dagaal, dhibaatayn jireed) bulsho ee ka dhasha xaaladaha caafimaad dhimirka ee soo wajahda qayb ka mid ah bulshada.

โ–ช ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ๐ค๐š: Maalgashiga caafimaadu waa maalgashiga mustaqbalka jiilalka soo socda ee waddanka. Barnaamijyada caafimaadka carruurta sida tallaalka waxay saameyn togan ku leeyihiin caafimaadka mustaqbalka, waxayna suurtagelin karaan in la dabar-jaro cudurro fara badan oo dhallaanka Soomaaliyeed koriimadooda iyo noloshoodaba saameyn weyn ku leh. "Maalgashiga ku filan ee caafimaadka bulshada waa mid ka mid ah xulashooyinka ugu caqliga badan / ugu waanaagan ee dhaqaalaha โ€“ waa maalgashi loogu talagalay aadanaha, loogu talagalay mustaqbalka." -Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Caafimaadka Adduunka.

โ–ช ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐–๐š๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ (๐ฌ๐จ๐œ๐ข๐š๐ฅ ๐›๐ฎ๐ฌ๐ข๐ง๐ž๐ฌ๐ฌ)

Ganacsi bulsho (social business waa nooc ganacsi oo ujeedkiisu yahay inuu xalliyo dhibaatooyin bulsho, deegaan, dal iyo dad. Ujeedada ugu weyn ee ganacsi bulsho ma aha in faa'iido lacageed la sameeyo ee waa in la gaaro faa'iido bulsho iyada oo la abuurayo isbeddel togan bulshada dhexdeeda. Ganacsiyada bulshadu waxay diiradda saaraan xallinta dhibaatooyin bulsho sida saboolnimada, waxbarasho laโ€™aanta, iyo caafimaad darrada, iyagoo la imaanaya habab iyo halabuur lagu gaari karo xalal waara.

Ganacsiyada bulshada waxay maalgashi ku sameeyaan bulshada iyagoo dib ugu celinaya faa'iidada ganacsiga isla bulshada. Tusaale, in la maalgeliyo caafimaadka dalka, faaโ€™iidada laga sameeyana lagu sii maalgeliyo cilmi-baaris ku aaddan cudurrada inta badan ku dhaca dadka Soomaaliyeed iyo sidii loo dabar-jari lahaa (kuwa la dabar-jari karo) ama loola tacaali lahaa (kuwa aan la dabar-jari karin).

Maalgashiga caafimaadka Soomaaliya ma aha oo kaliya mid dhaqaale ahaan faa'iido u leh, balse waa ganacsi bulsho oo xambaarsan mas'uuliyad moraal ah. Maalgashiga caafimaadku wuxuu isku xiraa faaโ€™iidada dhaqaale iyo abaalmarinta aakhiro. Ilaahay SW suuratul Maaโ€™ida waxuu ku sheegay โ€œqofka qof gardarro ku dila waxuu la mid yahay isagoo dadkoo dhan wada laayey, qofka qof qura nooleeya (ama cadow haka nooleeyo ama cudur ama gaajo haka badbaadiyo), waxuu ka dhigan yahay isagoo dadkoo dhan wada badbaadiyeyโ€.

โ–ช ๐‡๐š๐ ๐š๐š๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐“๐š๐ฒ๐š๐๐š ๐๐จ๐ฅ๐จ๐ฌ๐ก๐š: Adeegyada caafimaadka wanaagsan waxay hagaajiyaan tayada nolosha. Tusaale ahaan, helitaanka adeegyada caafimaadka ee joogtada ah waxay yareeyaan xanuunada muddada dheer sida tiibishada, macaanka, HIV/AIDS iwm.

โ–ช ๐‚๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข-๐›๐š๐š๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐š: Maalgashiga caafimaadka wuxuu dhiirigelin karaa cilmi-baarista. Tusaale ahaan, maalgashiga lagu sameeyo cilmi-baarista kansarka, cagaarshowga, keliyo fadhiisadka, iyo cudurrada kale ee Soomaaliya kusoo badanaya waxay keeni kartaa in loo helo daaweyn cusub cudurradaas, ama sare loo qaado wacyiga bulshada ee ku aaddan xanuunadaas.

โ–ช ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š: Maalgashiga caafimaadka wuxuu xoojin karaa iskaashiga caafimaadka ee heerka gobolka iyo kan caalamkaba, sida barnaamijyada ka hortagga HIV/AIDS, kansarka oo dalal badan ay iska kaashadaan. Iskaashigan wuxuu suurtageliyaa wadaagidda aqoonta, kheyraadka, iyo hababka ugu habboon ee loola tacaali karo cudurradaas, taasoo sare u qaadeysa caafimaadka guud ee waddanka.

โ–ช ๐” ๐ƒ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐†๐š๐ซ๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ž๐ -๐๐ž๐ ๐ ๐š ๐š๐ก: Maalgashiga caafimaadka wuxuu sidoo kale xoojinayaa nidaamyada caafimaadka si ay uga jawaabaan si wax ku ool ah marka ay dhacaan xaaladaha degdega ah, sida cudurka faafa ee COVID-19. Waxaa muuqata ama cad in maalgashiga ku baxa ka hortagga iyo diyaargarowga cudurrada uu yahay mid ka jaban kharashaadka ku baxa jawaabta iyo la tacaalida marka cudurka uu faafo.

๐…๐š๐šโ€™๐ข๐๐š๐๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ ๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š

Waxaa jira dhinacyo badan oo faaโ€™iida doonku ka fiiri karaa maalgashiga caafimaadka, balse qormadan waxaa kusoo koobaynaa labo waxyaabood oo ku dhiirrigelin kara in ay dowladdu ama ganacsatadu maalgeliyaan caafimaadka.

โ–ช Maalgashiga caafimaadka waxa uu ka mid yahay qaybaha ugu muhiimsan ee maalgashi ee bulsho kasta sababtoo ah baahida loo qabo adeegyada caafimaadka ayaa inta badan ah mid joogto ah oo aan ku xirnayn isbeddelka dhaqaalaha ama qiimaha. Tani waxay ka dhigan tahay in badeecadaha iyo adeegyada caafimaadka ay yihiin "inelastic products" taas oo macnaheedu yahay in baahida loo qabo aysan si weyn ugu xirneyn isbeddelka qiimahooda. Xitaa haddii qiimaha adeegyada caafimaadka uu kordho, dadku weli waxay u baahan doonaan oo ay isticmaali doonaan adeegyadan, sababtoo ah caafimaadku waa baahi aasaasi ah oo nololeed.

โ–ช Erayga "starving crowd" ee suuqgeynta waxa uu tilmaamaa koox dad ah oo leh baahi weyn, deg-deg ah, oo aan si fudud loo dabooli karin ama aan weli si buuxda loogu adeegin suuqa. Halkan, "starving" (macnaheedu yahay gaajaysan ama baahi weyn qaba) si metafoor ah ayaa loo isticmaalaa, taas oo muujinaysa sida weyn ee kooxdan macaamiishu ugu ooman yihiin badeecad, adeeg, ama xal. Tusaale ahaan, haddii uu jiro isbeddel cusub oo tiknoolojiyad ah oo dad badani xiiseynayaan laakiin aanay jirin shirkado ku filan oo bixiya badeecad ama adeeg tayo leh oo la xiriira tiknoolojiyaddaas, markaas waxaa jira "starving crowd" oo suuqaan ah. Shirkadaha ama ganacsatada aqoonsada oo si hufan ugu adeega baahidan waxay ka faa'iideysan karaan fursad suuqeed oo weyn, waxayna ka sameyn karaan faaโ€™iido lacageed aad u badan.

Marka aad fiiriso baadida dadka Soomaaliyeed u qabaan adeeg caafimaad oo tayo leh, lana awoodo waxaad dareemi kartaa in ay jirto baahi weyn oo dhanka adeegyada caafimaadka ah "starving crowd".

Labadaas arrimood oo is biirsaday, waxay ku dhiirrigelin karaan ganacsatada maalka haysa in ay maalgeliyaan caafimaadka dalka.

๐“๐š๐ฅ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง:

Halkan waxaa kusoo gudbiyaa talooyinka ku saabsan maalgashiga caafimaadka ee

Soomaaliya:

โ–ช In la dhiirrigeliyo lana taageero maaligelinta ganacsiga bulshashada ee caafimaadka si loo helo adeegyo caafimaad oo tayo leh, lana awoodo.

โ–ช In la kordhiyo lana xoojiyo/tayeeyo helitaanka adeegyada caafimaadka ee asaasiga ah, lana gaarsiiyo meelaha fogfog (gobolada iyo tuulooyina) iyo meelaha ay colaaduhu aadka u saameeyeen.

โ–ช In la maalgeliyo barnaamijyada tababarka shaqaalaha caafimaadka si loo kordhiyo tirada, tayada, xirfadda, aqoonta, iyo khibradda xirfadlayaasha caafimaadka Soomaaliyeed.

โ–ช In la maalgeliyo cilmi-baarista caafimaadka si loo fahmo oo loola dagaallamo cudurrada kusoo noqnoqda ee Soomaaliya.

โ–ช In la xoojiyo lana tayeeyo kaabayaasha caafimaadka, sida dhismayaasha (isbitaala),

qalabeynta ama dayactirka xarumaha caafimaadka, gaar ahaan isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka bulshada.

โ–ช In la maalgeliyo barnaamijyada tallaalka si loo yareeyo cudurrada faafa iyo kuwa dilaaga ah ee naafeeyay ummadda Soomaaliyeed, khaasatan hooyada iyo dhallaanka.

โ–ช In la horumariyo nidaamyada macluumaadka caafimaad, maadaama taasi gacan weyn ka geysan karto go'aan qaadashada ku saleysan macluumaadka dhabta ah iyo la socodka caafimaadka bulshada guud ahaan.

โ–ช In la maalgeliyo barnaamijyada la xiriira wacyigelinta caafimaadka bulshada, si loo kor loogu qaado fahamka arrimaha caafimaadka.

โ–ช In la maalgeliyo barnaamijyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, sida abuuridda barnaamijyada nafaqeynta, si loo yareeyo dhimashada hooyada iyo dhallaanka.

โ–ช In la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah iyo kan gudaha si loo taageero maalgashiga caafimaadka iyo in la wadaago khibradaha iyo khayraadka.

โ–ช in la maalgeliyo barnaamijyada caafimaadka dhimirka si loo dhiso nidaamyo taageera dadka u baahan iyo in la kor loo qaado wacyiga bulshada ee ku saabsan caafimaadka dhimirka, isla markaana la bixiyo tababar ku filan shaqaalaha caafimaadka si ay u

bixiyaan daryeel tayo leh.

โ–ช In la adkeeyo hannaanada oggolaashiya lagu siiyo isbitaalada, iyada oo la hubinayo in ay heystaan tiro iyo tayo ku filan oo dhakhaatiir ah, qalab, iyo adeeg. Sidoo kale in aad loo adkeeyo lana hubiyo nidaamyada leesanka lagu siiyo dhakhaatiirta, iyo tayada jaamacadaha ee kasoo baxeen.

Talooyinkan waxay muujinayaan sida loo xoojin karo nidaamka caafimaadka Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh lana awoodi karo, horumarinta shaqaalaha, taageerida cilmi-baarista, iyo ka hortagga cudurrada.

๐†๐ฎ๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐š๐

Gunnaanadka maqaalka oo ku saabsan maalgashiga caafimaadka ee Soomaaliya waxaan kusoo koobay dhowr qodob oo muhiim ah:

โ–ช ๐๐š๐š๐ก๐ข๐๐š ๐‹๐จ๐จ ๐๐š๐›๐จ ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š: Soomaaliya waxay si weyn ugu baahan tahay maalgashiga caafimaadka, kaas oo muhiim u ah kor u qaadida heerka caafimaadka bulshada.

โ–ช ๐Œ๐ฎ๐๐ง๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐Š๐จ๐จ๐ฐ๐š๐š๐: Maalgashiga caafimaadka waa inuu noqdaa mudnaanta koowaad ee dowladda, maalgashadayaasha gaarka ah, iyo hay'adaha caalamiga ah si loo hubiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh lana awoodi karo.

โ–ช ๐…๐š๐šโ€™๐ข๐ข๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ: Maalgashiga caafimaadku wuxuu bixiyaa faaโ€™iidooyin dhaqaale iyo bulsho, waxuu sidoo kale sare u qaadaa tayada nolosha iyo dhowraane xuquuqda aadanaha ee asaasiga ah.

โ–ช ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ ๐…๐จ๐  ๐š๐ฆ๐š ๐–๐š๐š๐ซ๐ญ๐š: Waa in la abuuraa nidaam caafimaad oo waara oo awood u leh in uu siiyo dhammaan dadka Soomaaliyeed adeegyo caafimaad oo tayo leh, la awoodi karo, ama xitaa bilaash ah, iyadoo la tixgelinayo baahida gaarka ah ee bulshada kala duwan.

โ–ช ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐ฎ ๐–๐š๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ ๐–๐š๐ง๐š๐š๐ ๐ฌ๐š๐ง: Maalgashiga caafimaadka ee Soomaaliya waa maalgelin mustaqbal wanaagsan oo leh saameyn togan oo muddo dheer ah, taas oo isku xiraysa horumarka dhaqaale, kan bulsho, iyo kan caafimaadba.

                                           ***

W/Q: Adam Abdulle, Macallin & Cilmi-baare



 





Click here