Farah
Aw-Osman
Wednesday May 3, 2023
Kulankii Madaxweyne Xassan la yeeshay qaar
ka mid ah bulshada Xamar ku dhaqan iyo su’aalihii la waydiiyay gaar ahaan,
su’aasha ku saabsanayd musuqmaasuqa iyo xil u magacowga awlaada, ehelka iyo
qaraabada ayaad moodaa inay bansiin kusii shubtay dabkii ama dood beryahan
bulshada Soomaaliyeed dhex maraysay ee ku saabsanayn xilka uu Madaxweyne Xassan
u magacaabay inantiisa yar ee Jihaan iyo xubno kale oo ehelkiisaa oo xilal kala
duwan ka haya dowlada iminka jirta.
Si guud markaad u eegto arintaan
Madaxweyne Hassan Sheekh lagu eedaynayo kama duwana hab dhaqanka madaxda kale
ee Soomaaliyeed ee aqalkoodii iyo dowladnimadii isaga dhex yaacday. Waxaa jira Madax ka talin jirtay, ama ka
talisa maamul Dowlad-Goboleedyada dalka oo aad arkaysid in caruurtoodii iyo eheladoodu
ku dhex milmeen dowladnimada, qaarkoodna iyagoon xil ay hayaan uusan jirin ayay
ka awood badan yihiin wasiirada iyo howl-wadeenda kaleba. Maamulada qaar ayaa jira hadii qof ama koox
muwaadiniin ahi doonayaan inaad ganacsi weyn iyo maalgashi sameeyaan ama haya’do
maxali ah iyo kuwo caalami ahi rabaan inay mashaariic horumarineed dalka ka
fuliyaan ay khasab ku tahay inay soo maraan caruurta Madaxweynayaashaasi oo ay
ama (share) saami aysan maalgashan u ogolaadaan ama ay laaluul siiyaan
caruurtaasi si wax ugu hirgalaan, hab dhaqankaas guracan oo wax badan oo dadka
iyo dalka wax u tari lahaa ka hor isaagaya.
Masiifogayn kolkii mid ka mid ah madaxdaas wiil uu dhalay Airport Dubai
lagu qabtay isagoo boorso ku wata Millions lacag ah. Sidoo kale cidna kama qarsoona maalgashiga ay
caruurtaas qaarkood ku sameeyeen Kenya ama Turkey oo aad moodid inay noqdeen labada
goobood oo lagu maalgashado xatooyo qaran ama dadweyne ee ummada Soomaaliyeed
laga dhacay.
Sidaa awgeed, madaxweyne Xassan hadii qof
ka mid ka qayb-galayaashii kulankaas “Townhall” ka ahaa waydiiyay
su’aasha ku aadan magacowga inantiisa, maaha taasi in isaga si gaar ah loo
beegsanayo, laakiin maadaama uu xil ummadda u hayo, waa in Madaxweyne Xassan
ogolaadaa in bulshadu xaq bay u leedahay inay waydiiso su’aalaha noocaan oo
kale ah.
Madaxweyne Xassan maaha markii koowaad,
mana noqon doonto markii ugu danbaysay ee Su’aalaha noocaan ah la waydiiyo,
maxaa yeelay, ummadda Soomaaliyeed wareegto kasta oo uu Madaxweynuhu xil ku
magacaabo dadku way wada akhrinayaan, safar kasta oo uu galo dadka la socdana
waa loo wada jeedaa, howl-fuliyayaasha xarunta dalka looga taliyo ee Villa
Soomaaliyana dadka ka shaqeeya xafiiska Madaxweynahana waa la wada ogyahay,
sidaa darteen, waa in Madaxweyne Xassan garowsadaa in dareenka arimahaan ku
aadan uu yahay mid xaqiiq ah oo bulshadu xaq u leedahay, iskuna dayaa in ficilkiisa iyo hab-dhaqankiisu
noqdaan kuwo waafaqsan khudbooyinkiisa iyo hadaladiisa macaan, si uu u kasbado
kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.
Waxaad moodaa, su’aashii la waydiiyay
Madaxweyne Xassan inay meelxun ka taabatay taasoo aad ka dhadhansan kartid
jawaabtii uu baxshay. Madaxweynuhu
intuu qanciin iyo sharaxaad fiican samayn lahaana uu xanaaqaasi ku xambaaray “ilayn
waa aadane la eedeeyaye” is difaac, taasoo uu ku sii dhacay dhiiqadii markuu
mucaaradka ahaa uu kawaanin jirtay masuuliyiinta xilka haya inaysan lugaha la
gelin, taasoo aan ula jeedo inuu Wasiiradiisii iyo howl-wadeenada kale ee
dowlada ku dhiiri-geliyay inay eheladooda u magacaabaan xilalka, aysana qofna
ka baqin uguna aaba-yeelin. Hadalkaasi
mid af madaxweyne laga filayay muu ahayn, “heat of the moment”,
ama hadal xaqaan uu ka keenayna ay u badan tahay.
Madaxweyne Xassan oo mudo kooban xilka
iminka hayay waxaad moodaa safaro aad u badan oo kharajaad aad u badan ku
baxeen inuu sameeyay, dhamaan safaradaasi waxaad moodaa dadka ku weheliya inay
yihiin ehel iyo qaraabo hoose, kulamada uu tagayana qaarkood ay yihiin kuwo
xasaasi ah oo siro dowladeed iyo isla tashiyo masiiri ah ku saabsan, kulamadaas
oo hab-dhaqanka dowliga ee saxda ahi yahay inuu kulan kasta u kaxaysto Wasiirka
ama masuulka ay khusayso, si kulanku u noqdo mid miro dhal ah, mid dowladu si
cilmiyaysan oo xog ogaalnimo ku jirto ay baahidooda iyo aragtidooda u soo
bandhigi karto, iyo in kulamadaasi wax dan ugu jirto dalka iyo dadka uga soo
baxo. Madaxda Caalamku markay arkaan liiska dadka
Madaxweynaha la socda, waxaa dhici karta in siro, iyo arimo badan oo xasaasi ah
oo lagala hadli lahaa aan lala wadaagin maadaama masuuliyiin dowladeed oo
arimahaasi khuseeya aysan ahay dadka Madaxweynaha safarka ku weheliya, sidaasna
fursado dalka iyo dadka faa’iidooyin u lahaan lahaa ku dhumaan.
Kulankii ugu danbeeyay oo Dowlada
Soomaalidu la gashay World Bank kuna saabsanaa dayn cafinta iyo taageerooyinka
kale, waxaa World Bank aad u saluugay isbedelada dowladani ku samaysay xilal
aad halbowle ugu ahaa shaqooyinkii socda sida:
kala dirkii guddigii madaxa banaanaa ee musuqmaasuqa, kala dirkii
guddigii dowlada kala talin jiray dhaqaalaha oo ay hormuudka ka ahaayeen ruug
cadaayada ay ka mid ahaayeen Dr. Ali Isse iyo Dr. Hussein Warsame and others,
booskoodiina la keenay dhalinyaro aad u d’a, khibrad iyo aqoonba yar, isbedelka
lagu sameeyay Central Bank ka, etc….
Madaxweyne Xassan iyo masuulkasta oo xil
qabta waxaa ku haboon inaysan isaga dhex yaacin masuuliyada qoyskiisa, aqalkiisa,
qaraabadiisa iyo hanaanka dowladnimo ee ay ummada u hayaan, ayna waajib ku
tahay inay ka dheeraadan ficil kasta oo keeni kara musuqmaasul, qof jeclaysi
iyo eex.
Sida ubadka iyo qaraabada madaxdu ay
muwaadiniin u yihiin xaqna u leeyihiin inay shaqo ka helaan dowlada ayaa
muwaadin kastana xaq u leeyahay, laakiin waxaa jira wadiiqo loo maro, iyo
tartar siman ee loo galo si qofkii ku haboon xilkaas u helo.
Micnaha erayga Eexda ama “Nepotism”
kana waxaa lagu fasiraa sidan: “the practice among those with power or
influence of favoring relatives, friends, or associates, especially by giving
them jobs”. Eexdu waa: “hab-dhaqan ay la yimaadaan dadka awooda
madaxnimo haya, kaasoo ay eex u sameeyaan qaraabadooda, saaxiibadood,
shuraakadooda, gaar ahaana markay timaado shaqo siinta”.
Ra’iisal Wasaarihii hore ee Baskistaan Imran
Khan waxaa ku socota maxkamaad waxaana lagu haystaa hadiyay uu intuu
xilka hayay la siiyay oo uusan wareejin markuu xilka ka degay, Ra’iisal
Wasaaraha Kanada Justin Trudeau Waxaa lagu haystaa dalxiis uu ku
tagay jasiirad Agha Khan lahaa iyo in hay’ad aabahii ku magacaaban oo nin
Chinese ahi lacag siiyay, Madaxweynaha
Maraykanka waxaa inankiisa Hunter Biden lagu haystaa oo maanta
maxkamadi ku socotaa lacago uu ka helay Ukraine intii aabihii Madaxweyne ku-xigeenka
ahaa. Dhamaan tusaalayaashaasi waxay ka dhigan
yihiin marka aad magac iyo mansab dowladeed haysi ubaadab u adeegsan karin in
kaarkaasi aysan xoqan qoyskaagu kuna taajirin ama aadan adiguba u isticmaalin
si ka baxsan dowga, hab-dhaqanka iyo qiyamka dowliga ah. Nasiib daro, hab-dhaqanka Madaxda
Soomaaliyeed, hab-dhaqanka ubadka madaxdaas, iyo dhunsashada hantida ummadu waa
mid aan hal masuul keliya lagu eedayn karin, balse baahsan oo gaartay heerkii ugu
sareeyay.
Sidaa awgeed, ka hadalka bulshada
Soomaaliyeed ka hadlayso arimahan waxay talaabo fiican u tahay sidii madaxda
loola xisaabtami lahaa, dhaqankaan loo suulin lahaa, madaxduna kulamaa ay
ogaadaan in dadku arkayo, su’aalo waydiinayo, lala xisaabtamayo , kulamaa ay ka
fiirsadaan talaabooyinka ay qaadayaan.
Waxaan qormada ku soo gaba gabaynayaa
hadalkii Madaxweynaha Kenya Mr. Ruto uu maalin dhawayd yiri ee ahaa “leaders should not be
nepotistic and appoint their family members to state jobs and positions
whenever a vacancy arises”. Waa
in madaxdu aysan noqon eex falayaal iyo xilalka dowladeed aysan u magacaabin xubnaha qoyskooda markii fursadaha shaqo iyo
xilalku soo baxaan.
Masuul kastoow, hantida kuu gaarka ah ee
aad leedahay xubnaha qoyskaaga wax ka sii ama xilal uga dhiib, laakiin, waxa
ummadu wada leedahay waa loo siman yahay, si gaar ahna ha u siin ubadkaaga,
ehelkaaga, qaraabadaada iyo axsaabtaada.
Hadii fursad shaqo soo baxdo ubadkaaga iyo ehelkaagu sida muwaadiniinta
kale tartan ha u galeen, haday ku guulaystaana markaas keliya ayay xaq u
yeelanayaan qabashada xilalka dowladeed, sida muwaadin kastaba xaq ugu leeyahay,
wixii taa ka duwani waa EEX.
Farah
Aw-Osman
Email: [email protected]