4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Dib u Eegista Sharciga NISA Waa lama Huraan

By Dr. Maxamud M. Culusow
Tuesday March 14, 2023

Waxaa muddo dheer lagu baaqayay baabi’inta Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda -National Intelligence and Security Agency (NISA) oo horey loogu magacaabi jiray Hay’adda Adeegga Amniga (National Security Services - (NSS)), si loo dabargooyo tacadiyadii iyo dhaqankii awood ku takrifalka ee caadada u noqday hay’addaas, taaso laga dhaxlay burburkii Qarankii Soomaaliyeed.  NSS looma abuurin dan Soomaaliyeed. Waxaa loo abuuray cabburinta iyo ciqaabka Shacbiga Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo jiritaanka iyo joogitaanka xukunka keligi taliska ahaa, loona hor istaago xorriyadda iyo xuquuqda siyasadeed ee hadalka, cabashada, iyo bannanbaxa, ka qaybgalka tartanka siyaasadda iyo doorasho xor iyo xalaal ah oo leh “Muddo Cayiman,” ee muwaadiniinta Soomaaliyeed xaqa u lahaayeen. Waxaa la wada og yahay tacadiyadii iyo xadgudubiyadii xad dhaafka ah ee NISA ku dhaqaaqday 5tii sano ee la soo dhaafay. 

Dastuurka kmg ee Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya (JFS) wuxuu faraya abuuritaanka hay’ado leh ujeedooyin, xilal, magacyo, astaamo, iyo calammo waafaqsan nidaamka dimoqradiga ah ee JFS, kaaso ku saleysan ilaalinta xorriyada, xuquuqda, iyo sinnaanta muwaadiniinta Soomaaliyeed, sarreynta sharciga, iyo xaqiijinta doorasho xor iyo xalaal ah ee ku dhisan tartan furan.

Deeq bixiyayaasha Caalamka oo taagera Booliska iyo Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) Soomaaliyeed kama hadlaan NISA sababtoo ah waxay qabaan in hay’adda NISA ay ka baxsan tahay hay’adaha dimoqradiga ah ee u hoggaansan dastuurka kmg.  

Shaqada sirdoonka dibedda iyo Ilaalinta Sirta Qaranka iyo shaqada sirdoonka/xuuraanka iyo la dagaalanka dambiyada abaabulan gudaha ee hay’adda NISA u xilsaaran tahay waa shaqooyin aad muhiim u ah oo Soomaaliya baahi weyn u qabto, haseyeeshe waa shaqo gablan ah, la dayacay, taaso Ururka Al Shabab ka faa’ideystay, kuna guuleysteen inuu baado shacabka Soomaliyeed. NISA waxay ku mashquushay cabburinta, xariga, iyo ku tacadiga muwaadiniinta tabaaleysan. Sida darted, hadafka kowaad waa abuuritaanka hay'ado cusub ee wardoon oo u hoggaansan aragtida iyo mabaadi’ida dastuurka kmg ee JFS, kana shaqeeya Sirdoonka Dibedda iyo Gudaha. Shaqada Wardoonka (Intelligence) waa ururinta iyo qiimeynta xogo wartar leh oo dowladda ka kaalmeya dejinta iyo fulinta siyaasado la xiriira khataraha gudaha iyo dibedda iyo fursadaha lagu ilaalinayo laguna horumarinayo danaha iyo amniga qaranka.

Dastuurka kmg wuxuu Hay’adda NISA ka xaarantimeeyay qabashada, xariga, iyo haynta qofna, waayo waa howl fashilineysa xilkeeda sirdoonka, xuuraanka, iyo ilaalinta sirta qaranka (Counter Espionage).   Qodobka 126 lambarkiisa 4 ee dastuurka kmg wuxuu dhigaya in Booliska Federaalka u xilsaaran yahay ilaalinta nolosha iyo hantida, ammaanka iyo nabadgelyada muwaadiniinta iyo dadka kale ee deggan JFS. Isla qodobkaas lambarkiisa 3aad wuxuu dhigaya in CQS ee JFS u xilsaaran yihiin ilaalinta Gobannimada iyo Madaxbannaanida dalka iyo difaaca midnimada dhuleed. Halkaas waxaa ku cad in NISA kaabeyso shaqada Booliska iyo CQS.

Caqabadaha loo baahnaa in la xalliyo ka hor diyaarinta Sharciga hay’adda NISA waxay ahaayeen:


* Turxaan bixinta iyo dhammeystirka dastuurka kmg, taaso meesha ka saari laheyd ka shiidaal qaadashada nidaamkii Kacaanka 21ka Okttobar 1969. Turxaan bixinta dastuurka ee loo baahnaa waxaa ka mid ah in NISA, Booliska, iyo Asluubta laga saaro dallada CQS, waayo CQS waxay ka kooban yihiin Ciidanka Dhulka (lugta), Ciidanka Cirka, iyo Ciidanka Badda/Xeebaha ee Xoogga Dalka oo xilkeedu ku xusan yahay qodobka 126 (3) ee dastuurka KMG.

Booliska, NISA, iyo Asluubta waa hay’ado u xilsaaran xaqiijinta dhawrista sharciga (law enforcement), lana shaqeeya Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadaha. Eedeysanaha waxaa maxkamadda horgeynaya Xeer ilaalinta. Hay’adaha difaaca dalka iyo Hay’adaha Ilaalinta Sharciga (law enforcement agencies) waa ku qaybsanayaasha Amniga Qaranka.  

*Kala soocidda xilalka/howlaha ku urursan NISA oo kala ah: 1) howlaha Sirdoonka ka hortagga iyo ka dabatagga Dambiyada (Law Enforcement and Counter-espionage Responsibilities); 2) howlaha Sirdoonka/Basaasnimada Dibedda (Foreign Intelligence and Espionage Services); 3) Howlaha Ilaalinta Madaxda iyo Hay’adaha muhiimka ah ee Qaranka (Protection Secret Services); 4) Howlaha Socdaalka iyo Jinsiyada (Immigration, Citizenship, and Naturalization and custom borders); iyo 5) Howlaha Ilaalinta Xogta qofka iyo badbaadada Adeegga Internetka (Cyber Security Services).

*Soo saaridda Sharciga Muwaadinnimada JFS oo kala caddeynaya xuquuqda Soomaaliga iyo muwaadinka(Citizen) JFS.

*Caddeynta Wasaaradaha ay hoos imaanayaan Xilalka/Howlaha ku urursan NISA.

Ayadoo ay weli taagan yihiin caqabadaha kor xusan, ayaa labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) ansixiyeen hindise Sharciyadeedka hay’adda NISA ee Golaha Wasiirrada u soo gudbiyay, kaaso ay ku kordhiyeen in Agaasimaha Guud yahay “Taliye,” taaso abuureysa jaahwareer sharci iyo habmaamus, iyo isku mid ahaanshaha NISA iyo NSS.

Mudnaanta waxay aheyd in dastuurka kmg ah la turxaan bixiyo, lana dhammeystiro, la saxo qodobbada 126 iyo 127, si hay’adaha NISA, Booliska, iyo Asluubta looga sooco CQS. Arrintaas ma dhicin.  Khubaro badan waxay ka welwelsan yihiin in sharciga NISA dhaawaco dadaalka dhib u dhiska Qaranka.

Hay’adda Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha (Human Rights Watch-HRW) waxay Madaxweyne Xassan ka codsatay inuusan saxiixin Sharciga NISA oo siinaya awoodo xad dhaaf ah. Waxay kaloo Saaxibadda Caalamiga ah ee Soomaaliya ka codsatay in Dowladda Soomaaliya lagu cadaadiyo dib u eegista Sharciga oo ka soo horjeeda nuxurka dastuurka kmg, nidaamka dimoqradiga ah, iyo heshiiska Caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqaha aadanaha oo DFS saxiixday. Qoraalka HRW wuxuu tixaya qodobbada walaaca abuuray iyo khataraha sharciga xambaarsan yahay. Madaxweyne Xassan waa saxiixay sharcigaas.

Qodobbada aan Sharciga NISA lagu xusin waxaa ka mid ah:

1.     Hay’ad Ra’yid ah (Civil Authority) ee ka tirsan Golaha Wasiirrada oo Hay’adda NISA hoos imaaneyso. 

2.     Hay’adda Kormeerka (Overisight Authority) oo Wasaaradda Amniga iyo NISA xubno ka yihiin.

3.      Hay’ad gaarka ah ee xadgudubyada NISA looga dacwoonayo (Complaint Authority).

4.     Habraaca la Xisaabtanka NISA (Accountability Clause).

Welwelka Sharciga NISA laga qabo waxaa ka mid ah ku xadgudubka xuquuqda siyaasiinta mucaaradka, dadka u dooda xuquuqda aadanaha, iyo warbaahinta Xorta ah. Sidaa darted, waxaa la odorasaya in dhibaatooyin ay ka dhalan doonto dhaqangelinta sharciga NISA oo khilaafsan dastuurka kmg iyo nidaamka dimoqradiga ah.

Soomaaliya waxay ku jirta xilli ay higsaneyso inay dhexdeeda ka heshiiso, lana heshiiso adduunka, taaso saldhiggeedu yahay sarreynta sharciga. Sida awgeed, dib u eegista Sharciga NISA waa lama huran sida aqoonyahanno Soomaalaiyeed iyo Ururro Caalami ah soo jeediyeen.

Tusaale ahaan, tilmaamaha dastuurka waxaa ka mid ah in awoodaha hay’adaha dowladda lagu dhiso hannaan isla xisaabtan iyo daahfurnaan, isla markaana la hubiyo ilaalinta xorriyada iyo xuquuqda muwaadiniinta. Sidaa darted, hay’adaha u xilsaaran nabadgelyada iyo sharci fulinta waa inay hoos yimaadaan ama ka amar qaataan hay’ado ra’yid ah oo hogaamiya, kormeera, kontroola. Sidaasoo kale, dhammaan dacwadaha ka baxsan CQS, waa inay qaadan Maxkamadaha Rayidka. Sharciga NISA kama tarjumayo tilmaamaha dastuurka.

Ka hor ansixinta Sharciga NISA, Aqoonyahanno iyo Xildhibanno ka hadlay qaladaadka Hindise sharciyadeedka NISA ku jira waxay xuseen inay tahay  maamul-xumo dowladeed in Agaasimaha Guud ee NISA soo saaro Xeer hoosaadka Maamulka iyo Xeer Nidaamiyaha hay'adda, loona baahan yahay in cid ka sarreysa Agaasimaha Guud sida Wasiirka Wasaaradda hogaamineysa NISA uu soo saaro, ansixiyo xeer hoosaadka Maamulka iyo Xeer Nidaamiyaha NISA, ayadoo Agaasimaha Guud lagala tashanayo diyaarinta xeerarkaas. Lama tixgelin talooyinkii aqoonyahannada soo jeediyeen.

Waxaa kaloo muhiim ah in la kala caddeeyo Jagooyinka lagu buuxinayo magacaabid siyasadeed iyo kuwa lagu buuxinayo dallacad shaqo (Career promotion). Maamul ahaan, xeer ma ahan in Hay’adda NISA oo kale ah uu Agaasimaha Guud magacaabo Ku Xigennadiisa.

Guud ahaan, Hindise sharciyadeedka dhexdiisa, waxaa ku jira tanaaqud ka imaanaya ku dayashada dhaqankii dowladdii Militeriga aheyd iyo baalmarka dastuurka kmg.

Ugu yaraan 25 qodob ee Sharciga NISA ayaa su’aalo ka taagan yihiin. Qodobbadaas waxaa ka mid ah:

1.     Qodobbada 7 iyo 8: Khilaaf weyn ayaa u dhexeeya qodobka ku saabsan shaqada iyo qodobka ku saabsan awoodda hay’adda. Qodobka Shaqada hay’adda wuxuu u jiheysan yahay Sirdoonka Dibedda. Qodobka Awoodda Hay’adda wuxuu u jiheysan yahay beegsiga muwaadiniinta Soomaaliyeed. Fiiri 8(2,6,7,8,9,10,11,12,13).

2.     Qodobka 17 (1) ee ku saabsan shardigaSoomaalinnimada” ee xubinnimada hay’adda wuxuu u baahan yahay faahfaahin aan mugdi ku jirin. Muxuu yahay farqiga u dhexeeya Soomaali iyo Muwaadin JFS?

3.     Qodobka 20: dhaarta waxaa ku jira qalad.

4.     Qodobka 34-36: Madaama dastuurka kmg ah uusan hay’adda NISA siin xil gaar ah sida CQS iyo Booliska, waxaa muhiim ah in qodobbada 34, 35, 36 lala sugo dhammeystirka dastuurka iyo hindise sharciyadeedka Booliska Federaalka loo sameynayo. 

5.     Qodobka 32. Xubnaha ka tirsan hay’adda NISA waxaa la horgeynayaa Maxkamadaha Rayidka ah waxaana lagu qaadaya Xeerka Ciqaabta. Maxkamadda CQS waxay gaar u tahay CQS. Agaasimaha Guud iyo Xubnaha NISA waxaa laga difaacaya gefafka/dambiyada ka dhasha gudasha xilkooda si niyadsami ah (Good Faith), taaso Maxkamadda sugeyso. Ma jirto cid ka sarreysa sharciga oo xasaano leh. Xasaanada Xildhabaannada BFS waxay ku kooban tahay gudashada xilkooda Barlamaanka.

Labada talo ee mudan tixgelin waxay kala yihiin:

1.     In waqtiga hadda ah, shaqada NISA lagu koobo sirdoonka/basaasnimada gudaha iyo dibedda inta laga dhammeystirayo dastuurka, lagana reebo xilka sugidda amniga gudaha oo Booliska Federaalka iyo Booliska dowlad Goboleedyada u xilsaaran yihiin. Taas waxay xoojineysa sirdoonka gudaha/dibedda iyo ka faa’ideysiga maalgelinta isugu jirta qalab iyo tababarro ee la geliyay Booliska Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. DFS waxay ka faa’ideysan karta Sharciga Adeegga Sirdoonka (National Intelligence Service -NIS) ee Kenya.  

2.     In Sharciga la ansixiyay dib looga noqdo, lagana doodo shanta (5) xilal ee ku urursan hay’adda NISA madaama shaqo kasta ay u baahan tahay sharciyo, xeerar, iyo xirfado kala duwan, iyo hay’ado kala duwan ee kor ka ilaaliya.  Waxaa habboon in hay’adda NISA loo xilsaaro sirdoonka/basaasnimada dibedda (Foreign Inelligence and Espionage Services) sida hay’adaha C.I.A. Mareykanka iyo hay’adda Talyaaniga AISE (Agenzia per le informazioni e sicurezza Estera). Soomaaliya waxay baahi weyn u qabta xoojinta Sirdoonka/Basaasnimada Dibedda si ay ula socoto siyaasadaha Caalamka ee ku wajahan deegaan Goboleedka (International Geopolitics). Sidaas oo kale, NISA waxay qayb ka qaadaneysa Sirdoonka/Xuuranka Gudaha ee looga hortagayo ama looga daba tagayo dambiyada abaabulan iyo argagixisada. Booliska Federaalka iyo Booliska DG ayaa u xilsaaran dabagalka iyo baarista dambiyada ayagoo la shaqeynaya Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadaha sida hay’adda Mareykanka F.B.I. iyo Hay’adda Talyaaniga AISI (Agenzia per le Informazioni e Sicurezza Interna) iyo Ciidanka Carabinieri.  

Dr. Maxamud M. Culusow
[email protected]



 





Click here