By A. Abdulle
Thursday June 1, 2023
Horudhac
Xiriirka ka dhexeeya laba dowladood ee
walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Turkiga waa mid qotodheer taariikh ahaan oo
waxaa la sheegaa in uu xiriirkaani jiray ilaa iyo xilligii Cusmaaniyiinta.
Burburkii Cusmaaniyiinta kaddib, waxa ay marka kale Turkigu dib u
cusbooneysiiyeen xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya iyaga oo safaaraddooda ka
furay Muqdisho sanankii 1979-kii. Burburkii ku dhacay dowladdii Soomaaliya 1991
iyo dagaaladii sokeeya ee waddanka ka dhacay ayaa sababay in albaabada la iskugu
dhufto safaaraddii Turkiga ee Soomaaliya.
Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkigu
waxa uu marka kale dib u xoogeystay wixii ka dambeeyay sanadkii 2011 markaas oo
ay xaalad adag oo abaarihii ka jirtay gayiga Soomaaliya. Turkiga oo uu markaa Ra'isulwasaare
ka ahaa Recep Tayyip Erdoğan ayaa Wasiirkiisii Arrimaha Dibadda xukuumaddii
markaas jirtay Ahmet Davutoğlu u soo diray Soomaaliya, wakhti yar kaddibna
waxaa Soomaaliya safar aan caadi aheyn ku yimid Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan
oo markaas dalka Turkiga ka ahaa Ra'isulwasaare. Wixii intaas ka dambeeyay
xiriirka u dhexeeya labada dal sare ayuu u sii kacay. Qormadaan gaaban waxa aan
ku eegi doonaa xiriirka laba dal marka laga fiiriyo dhanka bini'aadanimada
& diblumaasiyadda, amniga, ganacsiga/dhaqaalaha, horumarinta iyo bulshada
inta uu hoggaaminayay dalka Turkiga Madaxweynaha dib loo soo doortay 28/05/2023
Recep Tayyip Erdoğan kaas oo waddanka sii hoggaami doono shanta sano ee soo
socota.
Bini’aadanimada & Diblumaasiyadda
Safarkii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip
Erdoğan oo markaas ahaa Ra'isulwasaaraha dalka Turkiga uu ku yimid Soomaaliya
2011-kii, xilligaas oo ay Soomaaliya la daalaa dhaceysan abaar daran oo ku
habsatay dad iyo duunyo/xoolo, waa lagu timaami karaa in uu ahaa safarkii
rajada kaas oo Soomaaliya u furay alaabada iyo indhaha caalamka.
Turkiga ayaa ugu deeqay Soomaaliya malaayiin
doolar, iyaga oo aan u soo marin hay’adaha kale ee caalamiga ah, balse iyaga
ayaa yimid Soomaaliya oo si toos ah uga qayb qaatay samatabiximta walaalahood
Soomaaliyeed oo markaa u baahnaa garab istaag iyo hiil walaal.
Turkigu waxa ay Soomaaliya u soo daabuleen
deeqo bini’aadanimo oo iskugu jirta cunto, daawo, agabyada caafimaadka,
dhar/hu’, agabyada hoyga (teendhooyin), iyo deeqo kale. Deeqdaas bini’aadanimo
kaddib waxaa xoogeystay jaceylka iyo niyad samida ay shacabka Soomaaliyeed u
haayaan shacabka iyo dowladda Turkiga.
Dhanka Soomaaliya, waloow aysan Soomaalidu HADDA
laheyn tabar badan oo ay ku caawiso Turkiga haddane waxaa jirtay in markii
dhulgariirkii argagaxa lahaa ee ku dhiftay dalka Turkiga horraatii sanadkaan ay
shacabka Soomaaliyeed iska uruuriyeen yabooh lacageed oo ay ku garab
istaagayaan markooda shacabka ay walaalaha yihiin ee Turkiga, waxa ayna gaartay
lacag ay iska uruuriyeen qaddar ku dhow 5 milyan oo doolar, iyada oo Soomaalidu
ka dhabeeyay murtida ku jirta heesta Soomaaliyeed ee tiraahda:
Ruuxa
gala abaal,
Marbaa
loo gudaa,
Ii soo
gurmoo,
I soo
gaadheey,
Sida
gacal labaa,
Aan is
garabsannee.
Walow
yaboohaas lacageed uusan gaareyn ama u dhoweyn intii ay dowladda Turkigu ugu
deeqday Soomaaliya, haddane arrinkaani waxa uu tilmaan cad ka bixinayaa
wanaagga iyo is jacelyka ka dhexeeya laba dal shacabkooda walaalaha ah.
Turkiga
weli waxa ay ka qayb qaataan xaalaha bini’aadanimo ee ka jira Soomaaliya,
waxaana Caasimadda dalka xarumo ku leh hay’adaha Turkiga ugu waaweyn ee ka
shaqeeya arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta sida KIZILAY, IHH, TIKA iyo kuwo
kale. Sidoo kale, waxa ay Turkigu dalkooda si joogta ah ugu qaadaan shacabka ku
dhaawacma qaraxyada ka dhaca dalka, waxa ay sidoo kale kaalmo caafimaad oo dibadda
ah u fidiyaan dadka qaba xanuunada aan waddanka gudihiisa waxba looga qaban
karin.
Dhanka diblumaasiyada, kaddib safarkii barakysnaa
ee Madaxweynaha Turkiga oo markaas ahaa Ra'isulwasaare uu ku yimid Soomaaliya, waxaa Soomaaliya u furmay
alaabada caalamka, waxaa dalka Soomaaliya safaarado ka furtay ama safiirro u
soo diray dalal badan, waxaa waddanka yimid hay’ado caalami ah oo ka shaqeeya
arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta, waxaa daciifoobay firkraddii tabneyd
ee laga aaminsanaa Soomaaliya ee tibaaxeysay in Soomaaliya tahay waddan
dadkiisu u qeybsan yahay kuwo baahan, argagixiso, burcad badeed, maleeshiyo
beeleed, ciidamo aan cidna ka amar qaadan oo aan dishibiliin iyo akhlaaq toona
lagu arag, dad jaahil ah oo aqoon darro dillootay, caruur macluul u dhinta...iwm.
Madaxweynaha Turkiga oo markaas ahaa Ra'isulwasaare
Turkiga ayaa ku dhiiraday in uu naftiisa ku soo biimeeyo Soomaaliya iyada oo
xaalladda amni ee dalka ay aad uga hooseeysay halka aan maanta joogno,
ficilkaas dhiiranaanta iyo geesinimada laga dheehan karo ee uu dalka ku yimid
Recep Tayyip Erdoğan ayaa Soomaaliya u furay indhaha caalamka. Hadda Soomaaliya
waxaa yimaada madaxda waddamada caalamka iyo kuwa dariska ah, tusaale, waxaa
Soomaaliya horraantii sanadka aan ku jirno yimid Xogahayaha Guud ee Qaramada
Midoobay Antonio Guterres, walow maalmaha ay joogayaan madaxda caalamiga ahi
waddooyinka Caasimadda la xiro si aan loo ilaaliyo badqabka madaxda loogana
baaqsado ceeb ka soo gaarta dalka haddii la waxyeelleeyo marti heer caalami ah
oo arrimo shaqo u jooga dalka, waxaase arrintaa waddo xirista ah dhib weyn ku
qaba shacab weynaha Soomaaliyeed oo weli dagaal kula jira helidda qutul
daruuriga maalin laha ah.
Turkigu waxa ay Soomaaliya ka furteen
safaaradda ugu weyn ee ay ku leeyihiin dal Afrikaan ah, sidoo kale waxa ay dal
ku galka u fududeeyeen Soomaali badan oo isugu jira siyaasiyiin, dad caafimmad
ama waxbarasho u aada dalka Turkiga, kuwo badan oo ka soo laabtay qurbaha una
raadinaaya caruurtooda waddan Islaam ah misna nabad ah oo ay Diinta Islaamka ku
baraan inta ay ka gaarayaan da’da kala garashada, iyo kuwo kale oo Alle maal
siiyay kuwaas oo ganacsiyo yar yar, kuwo dhexe, iyo kuwo waaweynba (hoteello
shan xidigood ah) ka yigleelay dalka Turkiga.
Dalka Turkiga oo lagu tiriyo mid ka mid ah dalalka
fara ku tiriska ah ee adeegsada awoodda jilicsan/dabasan ee afka qalaad lagu
yiraahdo (soft power) ayay u suuro gashay in ay boos fiican ku yeeshaan
quluubta shacab weynaha Soomaaliyeed iyaga oo adeegsanaya diblulaasiyadda lagu
laran bini’aadanimada (humanitarian diplomacy). Sidoo kale, dowladda Turkigu
waxa ay siin jirtay dowladda Soomaaliya kab dhaqaale oo ay u kaalmeystaan
miisaaniyadda dowladda Soomaaliya oo inteeda badan ku tiirsan deeqaha caalamiga
ah, maadaama waxsoosaarka iyo dakhliga Soomaaliya uu hadda aad u liito, mase
hubo in arrinkaas weli jiro.
Amniga
Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen
ciidamo xoog, cudud, iyo tayaba leh kuwaas oo ka tilmaamanaa ciidamaha kale ee
dowlaha asaageenna ah. Hase ahaatee, burburkii Soomaaliya waxa uu aad u
saameeyay Ciidamadii Xoogga Dalka oo kala noqday kuwo xaabo looga dhigay dagaaladii
sokeeye ee waddanka ka dhacay 30-kii sano ee la soo dhaafay, kuwa waddan iskaga
huleelay, kuwo u dhintay daryeel la'aan, kuwa weli la daalaa dhacaya
dhaawacyadii ka soo gaaray dagaaladii sokeeye iyo kuwii jabhadaha, iyo kuwo da'
noqday oo daryeel iyo caafimaad u baahan, iyo in laga faa'iideysto khibraddooda
xagga ciidanka ah ee gaamurtay.
Tan iyo markii uu xoogeystay xiriirka u
dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya imaashihiin Madaxweynaha Turkiga oo markaas
ahaa Ra'isulwaaraha Turkiga u uku yimid Soomaaliya sanadkii 2011-ka, Turkigu
waxa uu Soomaaliya u tababaray ciidamo fara badan kuwaas oo maanta qayb lixaad
leh ka qaadana nabad ku soo dabbaalida gayiga Soomaaliya.
Sida
aan la soconno waxaa jira waddamo badan oo ciidama u tababari jiray welina u
tababara Soomaaliya, laakiin waxa aan isleeyahay Turkigu waxa uu uga duwan
yahay waddamadaas in uusan dan gooni ah oo taban ka laheyn Soomaaliya, waloow
ay jiri karaan dano ganaci iyo kuwo istiraatijiyadeed oo xilliga fog.
Billowgii tababarida ciidamada Turkigu waxaa
uu ciidama la tababaraayo oo u badan dhallinyaro u qaadi jiray dalkiisa halkaas
oo ay ku soo qaadan jireen tababar tayo leh oo dhammeystiran, kaddibna waxaa
lagu soo celin jiran Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan Ciidamada Xogga Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Turkigu waxa uu Soomaaliya ka furay xero/saldhig ciidan oo weyn (TURKSOM)
taas oo ay u dhammeeystiran yihiin dhamaan dhismooyinka, agabyada, iyo
adeegyada ay u baahan yihiin ciidamada la tababarayo. Arrintaan waxa ay
Soomaaliya kA caawisay in ay hesho ciidamo tababar fiican, anshax, iyo tayo
leh, loona dhammeystiray agabyada ciidan ee ay u baahan yihiin. Ma filaayo in
ay arrimahaani suuratageli lahaayeen haddii uusan dalka Turkiga hoggaamineyn
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan. Ciidamada ay Turkigu Soomaaliya u tababareen
oo magacyo kala duwan leh, waxaa laga xusi karaa Gor-gor iyo Haramcad oo ah
ciidamo u badan dhallinyaro geesiyaal ah oo lafdhabar u ah nabad ku soo
dabbaalida dalka.
Dhaqaalaha / Ganacsiga
Turkigu waa xarun ganacsi taasoo ah buundo
isku xira qaaraha Yurub iyo Eeshiya, waxa uuna xiriir ganacsi oo ballaaran la
leeyahay waddo fara badan. Kahor sanadkii 2011-ka inta uusan dib u xoogeysan
xiriirka ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga, waxaa
xajmiga ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga lagu qiyaasay in uu ahaa
afar milyan oo doolar kaliya. Balse, imaashiyii Ra'isulwasaaraha Turkiga Recep
Tayyip Erdoğan ee Caasimadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho ayaa albaaba u
furtay ganacsato fara badan oo labada dhinacba ah. Dhanka Soomaalida, waxaa u
fufudaatay ganacsatada in ay helaan fursad ama dal ku gal ay ku aadi karaan
dalka Turkiga bal sida ay u soo indha-indheeyaan fursada ganacsi ee halkaas ka
jira. Dhanka Turkida, waxaa waddanka Soomaaliya yimid ganacsato Turki ah oo
daneynaya in ay maalgashi ku sameystaan Soomaaliya.
Sidoo kale, labada dowladood ayaa galay
heshiisyo laba dhinacle ah oo lagu xoojinaayo xiriirka ganacsiga ee ka dhexeeya
labadan dal. Hadda oo laga joogo laba iyo toban sano markii uu dib u dib u xoogeystay
xiriika labada waddan ee walaalaha ah, waxaa xajmiga ganacsi ee ka dhexeeya
Soomaaliya iyo Turkiga lagu qiyaasay in uu yahay in ku dhow 300 oo milyan oo
doolar, halkii uu kahor 2011-kii ahaa 4 milyan un, taas oo laga dheehan karo
sida xowliga leh ee uu u koray xiriirka ganacsi ee labada dal, waloow uusan
isku dheelitirneyn xiirrika ganacsi ee labada dal. Tusaale, sandkii 2020
xajmiga ganacsiga ee labada dal waxa uu ahaa 277 milyan (dhoofin: afar milyan
oo doolar, soo dhoofin 266 milyan oo doolar), halkaas oo laga fahmi karo in
faa'iida ganacsi labada dal u jarjeerto dhanka Turkiga (Dr. Saadaq, 2022). Si
kastaba ha ahaatee, ganacsatada Soomaalida ayaa dalka Turkiga ka soo dhoofsada
agabyada caafimaadka ee kala duwan, daawooyinka, dharka, cuntooyinka,
bacriminta beeraha iwm, halka ganacsatada Soomaalidu Turkiga u dhoofiyaan dalka
sisinta iwm. Turkigu waxa uu weli albaab ganacsi u yahay ganacsato fara badan
oo Soomaali ah oo kahor inta uusan xoogeysan xiriirka labada dal ku xirnaa
waddamo kale sida Imaaraatka Carabta, Hindiya, Shiinaha iwm.
Horumarinta & Bulshada
Kaabayaasha dhaqaaluhu waxa ay udub dhexaad u
yihiin horumarka dhaqaale ee uu waddan ku tallaabsado. Burkii dowladdii
Soomaaliya 1911, waxaa burburay kaabayaashii dhaqaalha waddanka oo dhan sida
waddooyinkii, dakadihii, garoomadii diyaaradaha, bangigii dhexe iyo kii
horumarinta iwm.
Turkiga oo markii hore Soomaaliya u soo galy
arrimo bini'aadanimo, ayaa markii dambe go'aansaday in ay Soomaaliya ka
caawiyaan dhanka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, walow la is dhihi karo
waxa ay ka dhex arkeen fursad dhaqaale, haddane waxa aan meesha ka marneyn in
ay arrintaa Soomaaliya wax badan ka caawisay. Mashaariicda horumarineed iyo
kuwa bulsheed oo ay Tukigu Soomaaliya ka fuliyeen waxay iskugu jiraan:
dhisitaanka waddooyin halbowle u ah isku socodoka gaadiidka ee Caasimadda
Muqdisho, Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaraha Aadan Cabdulle, Dekada Muqdisho,
iyo waddooyin kale ee isku xira Muqadishu iyo magaalooyinka u dhow (tusaale,
waddada isku xirta Muqadisho iyo Af-gooye, iyo tan isku xira Caasimadda iyo
Balcad oo ay dowlad Qartar maalgalisay). Waxaa iyana jirtay in dawlad Turkigu
ay Soomaaliya ka furaneyso laan uu Bangiga Ziraat Bank oo mid ka mid ah
bangiyada ugu waaweyn dalka Turkiga taas oo dowladda Soomaaliya ka caawin karta
in loo soo mariyo deeqada caalamiga ah iwm. Dhanka arrimaha bulshada, Turkigu
waxa ay Soomaaliya ka dhiseen xarumo caafimaad oo waaweyn, waxaan laga xusi
karaa xuramahaas Ex Isbitaal Digfeer oo hadda loogu magac daray Madaxweyne
Recep Tayyip Erdoğan.
Sidoo kale, waxa ay fureen goobo waxbarasho
oo dhowr sida Dugsiga Farsamada Ganata ee Buulo-tiknilo iyo iskuulada Macaarif.
Waxaa kale ay dowladdu Turkigu taageero iskugu jirta agab iyo tababaro siiyaan
qaar ka mid ah jaamacada dalka.
Waxaa iyana xusid mudan, in Turkigu
dhallinyaro fara badan oo Soomaaliyeed siiyo deeq waxbarsho bilaash ah sanad
kasta, iyada oo ay deeqahaas waxbarasha ka faa'iideysteen kumanaan arday
Soomaaliyeed ah oo dalka Turkiga ku soo diyaariyay heerarka waxabarasho ee kala
duwan (heerka koowaad, kan labaad, heerka seddexaad "PhD"), kuwo
badan oo ka mid ah dhallinyaradaas waxa ay ku soo laabteen waddan kaddib markii
ay soo dhammeysteen waxbarashadoodii, iyaga oo kaalin mug leh ka qaata dib u
dhiska Dalkooda Hooyo (Soomaaliya). Waxaa iska cad oo aan cidina inkiri karin
in ay adkaa laheyd in Turkigu Soomaaliya ka fuliyo dhammaan mashaariicda amni,
bini'aadanimo, hormarin, iyo bulsheed ee aan qormadaan uga hadalnay haddii
uusan Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan hoggaamineyn Turkiga.
Talooyin:
Doorasha
kulul oo lagu celiyay kaddbib Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa mar
kale dib loo doortay, waxa uuna waddanka Turkiga sii hoggaami doonaa shanta
sano ee soo socoto. Soomaaliya waxaa la gudboon:
§
In inta uu Madaxweyne
Erdoğan waddanka Madaxweynaha ka yahay looga faa'iideyso dib u dhiska iyo
qalabeynta ciidamada kala geddisan ee dalka si ay awood buuxda ugu yeeshaan nabad
ku soo dabbaalida dalka iyo in ay kala wareegaan ammaanka dalka ciidamada
shisheeye ee hadda jooga (ATMIS iwm).
§
In maadaama
Soomaaliya badbaadadeedu ku jirto in ay qaado waddada horumarka ee hannaanka
xisbiyada badan ay shanta sano ee soo socoto arrinkaas uga faa'iideystaan dalka
Turkiga oo ah dalka dimuqdaari ah lehna taariikh fac weyn oo xagga hannaanka
xisbiyada badan iyo maamulidda doorashooyinka.
§
Waxaa jiray is
af-garadyo iyo heshiisyo badan oo dhex maray labada dal dhowr iyo tobankii sano
ee la soo dhaafay, qaar ka mid ah heshiisyadaas waa la fuliyay qaar badanne
weli lama fulin, marka in dhanka Soomaaliya, waxaa quman in ay dib u eegis lagu
sameeyo heshiisyada iyo af-garadyada fulay iyo kuwa aan weli fulin, si dib
loogu dardargeliyo heshiisyada aan weli la fulin kuwaas oo ay faa’iido togan
(amni, dhaqaale/ganacsi, horumar iyo bulsho iwm) ugu jirto Soomaaliya.
§
In ay Soomaaliya
(Guddiga Doorashadu) xiriir dhow la sameysaan Guddiga Doorashooyinka Turkiga oo
ah Guddi fac weyn, lehna taariikh qoto dheer, kaas oo qabtay boqolaal
doorashooyin oo kala duwan qarnigii la soo dhaafay. Taas u waddanka ka caawin
karta in uu awood u yeesho qabashada heerarka doorashooyinka kale duwan iyo
daadajinta iyo dhismaha dowlaha hoose ee dalka. Sidoo kale, waddanka Turkigu in
uu heer sare ka gaaro arrimaha tirakoobka, doorashooyinka, amniga, aqoonsiga
muwaadinka (identity), socdaalka,
arrimaha qaxootiga, caafimaadka, adeeg daadejinta, iyo maaliyadda (bangiyada
iwm) waxaa aasaas iyo gundhig u ah hay’adahiisa gaamuray ee ka shaqeeya bixinta
kaararka aqoonsiga, marka Soomaaliya oo hadda aasaaskeeda ku jirta Hay’adda
Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaan u soo jeedin lahaa in ay
xiriir dhaw la yeeshaan hay’adaha dhiggooda ah ee dalka Turkiga kuwaas oo ka
shaqeeya arrimahaan aqoonsiga iyo diiwaangelinta.
§
Waxaa jirtay in dhawaan
guddi loo saaray dib u howlgelinta Somali Airlines oo muhimad weyn u leh dib u
soo nooleynta Soomaaliyada cusub, waxaa iyana quman in guddigaasi xiriir dhow
la sameeyo hay'adaha dowlaha Turkiga ee arrimahaas u dhuun doloola sida Turkish
Airlines, hay'adaha duulista hawada ee Turkiga, iyo kuwa dalxiiska.
§
In siyaasad
arrimo dibadeed oo degan laga yeesho xiriirka u dhexeeya laba dal ee walaalaha
ah ee Soomaaliya iyo Turkiga. Tusaale, madaxweyne kasta oo Mareykanka loo
doorto ama haka yimaado xisbiga dimuqraadiga ama kan jamhuuriga ah e,
siyaasaddiisa ku aadan Israa’iil waa siyaasad jaan go’aan oo aan sinnaba si
fudud isugu beddeli karin. Waxyaabaha yar oo lagu ammaani karo Madaxdii dalka Soomaaliya
soo martay dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa ka mid ah in mar
kasta xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya Turkiga uu mar kasta ahaa mid togan,
walow aan filaayo in aysan jirin siyaasad arrimo dibbadeed oo qoran dhanka
Soomaaliya oo gundhig u ah arrintaas.
§
Xiriirka ka
dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu u yara eg yahay xiriir ka dhexeeya xisbul
xaakimka uu hoggaamiyo Madaxweyne Erdoğan, taas oo khatar ku keeni karta
xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya haddii xibsiga Horumarka iyo Caddaalada ee uu
hoggaamiyo Madaxweyne Erdoğan looga adkaado doorashooyinka Madaxweyne soo socda.
Walow ay dooda kala duwani ka jiraan, haddan hannaanka ay qaatay Turkigu ee
(presidential system) ayaa la leeyahay uma saamaxaayo in Madaxweyne Erdoğan uu
mar kale (seddexaad) isku soo sharraxo Madaxweynaha dal weynaha Turkiga. Marka
Soomaaliya waa in ay arrintaasi ku sii baraarugtaa kana fooljignaataa maadaama
Turkigu howlo fara badan oo isgu jira amni, ganacsi, bini'aadanimo, horumar,
iyo diblumaasiyadba ka wado Soomaaliya oo hadda iyo xilliga fogba u baahan
waddan sida Turkiga ah oo u noqda saaxiib iyo walaal garab istaag laga helo
marka looga baahdo. Waxaane arrintaan sii xoojina in xisbiga Horumarka iyo
Caddaalada ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Erdoğan uu u yara eg yahay xisbi ku kor
dhisan hoggaamiye Erdoğan, xisbiyada nuucaan ah ayaa la sheegaa in ay dafiicaan
ama meesha ka baxaan haddii uu hoggaamiyahoodu meesha ka baxo (dhinto, gaboobo
ama laga guuleyso).
§
In Soomaaligu wax
ka bartaan hay'adaha gaamuray ee dalka Turkiga, sida kuwa dhaqaalaha
(bangiyada, hay'adaha maaliyadda, tirakoobka iwm), siyaasadda (arrimaha
dibadda, tan gudaha), arrimaha bulshada (hay'adaha caddaaladda, caafimaadka,
doorashooyinka iwm), amniga (difaaca, nabadeynta iwm).
§
Siyaasiyiinta
Soomaaliyeed ee rajada ka qaba in ay ummad hoggaamiyaa ayaa iyaguna hoggaamiya
dalka Turkiga casriga ah ee dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ka baran karaan geesinimada, dhiiranaanta,
waddaniyadda, dulqaadka, sabarka, dad-isku-wadka, qiyamka, iyo lahaanshiyaha
han-sare iyo aragti.
§
Dadka
Soomaaliyeed ee maalgashaday dalka Turkiga kuwaas oo ganacsiyada iyo guryaha ku
leh waddanka Turkiga ama heysta dhalashada dalkaas, waxaa ay la gudboon in ay
bartaan afka iyo qawaaniinta dalkaas si ay ugu noolaadaan waddankaas si habsami
iyo xorriyadi ku jirto.
W/Q: A.
Abdulle
Bare iyo Cilmibaare