4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Somali Heshiis ah Dunidana la heshiis ah: Hirshabeele Heshiis kama jiro
Abdiasiis Camalow
Sabti, Juun 18, 2022


Dawlada uu Horumuudka ka yahay Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Raisal Wasaare Xamza Bare waa inay ka bilaabaan Waddanka dhexdiisa Somali Heshiis ah inta aan loo gudbin dunida maxaa yeelay waxaa jirta maahmaah Mareykan oo leh siyaasada waxay ka bilaabataa gudaha All politics are local

Waxaa loo baahan yahay in Dawlada ay ka bilaawdo dib u heshiisinta Hirshabelle qaasatan tabashada Reer Hiiran oo aan wada ognahay in dawladii Farmaajo oo uu gar hayeenka u ahaa Abu Camaar (Fahad Yasin) in si jajuub ah loo sameeyay maamul dan gaar ah laga lahaa iyada oo 44 Xildhibaanada Hirshabelle laga keenay taliska NISA.

Warbixiintii ugu dambeysay Golaha Amaanka ama National Security Council waxaa lagu sheegay in weli dhibaata xoog leh ka taagan tahay Beletweyne oo arrinta keliya ay u aamuseen Reer Hiiraan Tabashada qaba inay ahayd oo keliya in Doorashada ay qabsoonto oo maamul cusub yimaado si dib u heshiisiin iyo dib u dhiska Hirshabelle lagala shaqeeyo Xukuumada Cusub.

Waxaa Dawlada cusub looga baahan yahay in dib u heshiisiin dhab u sameeyso dadka wada degan Hirshabelle oo walaalaha loona sameeyo maamul la isla ogol yahay awood qeybsigiisa
Dawlada Mareykanka ayaa waxay sheegtay in Dawlada cusub ay ugu deeqday lacag tira badan oo qaar badan ay u qoondeysay dib u heshiisiinta dadka Somaliyeed.

Waxaa Dawlada looga baahan yahay inay u xaqiijiso ummadda Somaliyeed iyo adduunka in hadafkeedii ahaa Somali heshiis ah oo dunida heshiis la ah.
Waa in marka hore laga bilaabaa dib u heshiisiin dhab ah oo si daacadnimo looga howlgalo loona soo xulaa dad miisaan iyo karaama ku leh ummadda dhexdeeda kana shaqeeya dib u heshiisiinta iyo maamul u sameynta.

Waxaa sidoo kale loo baahan yahay in dib u heshiisiin dhab ah loo sameeyo maamulada kale oo colaadaha ka taagan yihiin.

Haddii ay dawlada ku guuleysato Xaal u helida Hirshabellada Cusub waxaa la Oran karaa Dawlada waa ku guuleysatay Somali Heshiis ah oo waa ka gudubtay Tijaabadii ugu horeysay ( Pass Litmus Test).

Xukumada cusub ee Raisal Wasaare Bare waa in ay ka bilaawdaa 100 maalmood hal ku dhiga dawlada Somali Heshiis ah oo dunida heshiis la ah haddii intaas la helo waxaa ay xukuumada oo talaabeysaa guushii ugu horeysay.

Abdiaziz Amalo.


 





Click here