Maxamed C. Cibaar
Sunday, October 12, 2008
![]() |
|
Nabadoon Dacar Xersi Xooshow |
“Libaax nin ganay og, nin galladayna og” ayaa horay loogu maahmaahaye, dareenka ay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa gobolka Hiiraan ka muujiyeen geerida nabaddoonku waa mid qiimeyneysa kaalintii waxtarnimo ee uu bulshada ku dhex lahaa. Waxaa haddaba is weydiin leh: Dhiigga uu nabaddoonku dadkiisa u huray, sidee looga dhigi karaa mid la dheefsado ? Sidee looga hortagi karaa in uusan horseedin dhibkii iyo dhiilladii uu Nabaddoonku ka dhiidhiyay? Sidee ayaase looga gaashaaman karaa gacantaan qarsoon ee gumaadeysa waxgaradkii ummadda?
Runtii, marka la qiimeeyo xaaladaha iyo xilliga adag ee lagu jiro, jawaabuhu ma aha kuwo fudud, waxayse aniga ila tahay:
- In laga digtoonaado in dhiigga nabaddoonka (AHN) loo adeegsado barnaamijyo iyo borobagaando siyaasadeed oo uu daneysi gaar ahi hagayo. Taas oo marinhabaabin ku keeni karta dadaallada loogu jiro in gacanta lagu soo dhigo gacan-ku-dhiigleyaashii dilka geystay.
- In laga digtoonaado dibindaabyada iyo dabinnada cadowga ay guushiisa koowaad tahay dhabarjebinta iyo iskahorkeenka ummadda , isla markaana aan lagu degdegin falcelis taban oo liddi ku ah ujeeddadii uu Nabaddoonku naftiisa u huray. Degdegsiinyo door ma leh!
- In guud ahaan shacabka oo ay horkacayaan waxgaradkiisu ay u gurmadaan baadigoobka gacan-ku-dhiigleyaasha, si degdeg ahna loo abuuro guddi naftood- hureyaal ah oo karti iyo aqoon fiican u leh baaritaanka faldambiyeedkaan u dambeeyay iyo kuwii ka horreeyayba.
- In loo midoobo wax ka qabashada ciddii ay ku caddaato in ay ka dambeysay gumaadka waxgaradka, lana marsiiyo ciqaabta ay mudantahay, si ay cashar ugu noqoto dambiileyaasha, gaashaanna ugu noqoto waxgaradka gumaadka lagu hayo.
- In loo hoggaansamo Rabbigii na abuuray (SWT), oo laga fogaado wixii xumaan ah ee uu naga reebay, laguna dadaalo wixii uu na faray oo hubaal ah waxa ay badbaadadeenna adduunka iyo liibaanteenna aakhiraba ku jirto.
Ugu dambeyntii, waxaan Rabbi (SWT) ka rajeynayaa in dhiigga nabaddoonka ee xaqdarrada lagu daadiyay uu ka dhigo nuur iftiimiya qoborrada mugdiga ah ah ee ay ku dhuumanayaan gacan-ku-dhiigleyaashii muddada dheer waxgaradkii ummadaan gumaadayay.Waxaan sidoo kale rajeynayaa in dhiigga nabaddoonku noqdo mid keena midnimo,isfaham iyo iney ummaddu danteeda garato cadowgeedana meel uga soo wada jeesato insha-Allaah.
Maxamed C. Cibaar
